Kelmedihii uu warbaahinta magaalada Garowe ugu jeediyey Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

25 Jan 2021

Kelmedihii uu warbaahinta magaalada Garowe ugu jeediyey Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

Galab wanaagsan, Md. Madaxweyne, bahda warbaahinta.

Madaxweyne adiga iyo kooxdaadaba waad ku mahadsantihiin soo dhaweynta diirran ee aad noo fidiseen maanta.

Waxaan jeclahay in aan madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni iyo maamulkiisa ugu hambalyeeyo sanadguurada labaad ee ay xafiiska joogeen, taas oo la xusay 8-dii Janaayo. Labadii sano ee tagay, Puntland waxa ay hore u ambaqaaday tallaabooyin la taaban karo oo la xiriira dhinaca geeddi socoda dimuqraadiyenta, adkeynta dowladnimada, maareynta maaliyadda dadweynaha, dib u habeynta waaxda amniga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Waxaa maanta halkan ila jooga dhawr ka mid ah xubnaha qoyska QM ee ka hawlgala Puntland – waxaa nala jooga Cesae Arroyo, Agaasimaha Hay’adda Cunada Aduunka u qaabilsan Soomaaliya; sidoo kale Siffointe, wakiilka UNHCR u qaabilsan Soomaaliya, hay’adda QM ee qaxootiga; Sadiq Syed, maamulaha Barnaamijka Haweenka QM ee dalka.

Waxaan u nimid in aan madaxweynaha iyo wasiiradiisa kala hadalno shaqada Qaramada Midoobay ay hadda ka hayso Puntland, iyo sida Qaramada Midoobay ay sidan si ka wanaagsan u taageeri karto dadka reer Puntland sanadka 2021. Dhaq dhaqaaqa aan hadda wadno waxa ay ka bilaabanayaan gacansiinta dib u heshiisiinta socota, amniga iyo dadaallada xasillinta si awood loogu yeesho in la bixiyo gargaarka iyo taageerada dhinaca horumarinta.

Tusaalooyin gaar ah aan soo qaato

UNHCR waxa ay Puntland ku taageertaa qaxootiga, dadka dalka dib ugu soo laabtay iyo kuwa gudaha ku barakacay, iyo sidoo kale bulshada dadkaas dib u dejinta u sameeyey, shaqo lagu xaqiijinayo in shaqsiyaadkaas ay heli karaan baahidooda aas aasiga ah iyo in la siiyo agabkii ay ku xoojin lahaayeen adkeysigooda.

UNHCR waxa ay sidoo kale Puntland ka gacan siisay ka jawaabidda COVID-19 iyada oo u qeybisay dad gaaraya 19,000 (Sagaal iyo toban kun) agabka nadaafadda iyo qalabka ay shaqsiyaadka isaga ilaaliyaan cudurka iyo waliba nolosha dadka sida in ay bixisay lacag kaash ah, tababbaro la xiriira hal abuurka iyo farsamada gacanta iyo taageero dhinaca waxbarashada ah  oo ay ka faa’iideysteen dad ka badan 5,000 (Shan kun).

Waxaan sidoo kale ku faraxsannahay in UNHCR ay si dhaw maamulka Puntland ugala shaqeysay ka jawaabidda dabeyshii Gaati iyo daadaadkii aafada ahaa ee sanadkii hore ku dhufay.

Barnaamijka Cuntada Aduunka waxa ay la shaqeynayaan Wasaaradda Bay’ada , Beeraha iyo Is beddelka Cimilada ee Puntland si loo dhiso xarun lagu horumariyo xirfadaha kuwaas oo sare u qaadi doona farsamooyinka hal abuurka si cunto loogu beero meelaha ay cimilada adag ka jiraan. Ka qeybgalayaasha waxaa la bari doonaa beeraha iyo soo saaridda cuntada iyada oo la adeegsanayo wax ka yar boqolkiiba sideetan (80%) biyo iyo qaababkii hore.

Barnaamijka Cunada Aduunka waxa uu sidoo kale taageerayaa dadka gudaha ku barakacay oo laga keenay 3,500 (Saddex kun iyo shan boqol) oo guri oo si iskood ah isugu kala qeybiyey 20 kooxood oo iskaashatooyin beeraley ah. Waxaa lagu taageeray kabaayeyaasha is bedelka cimilada sida Soolarada biyaha dhaamiya – iyo tababbaro la xiriira beerashada cuntada aas aasiga u ah nolosha, horumarinta hay’adaha iyo xallinta colaadaha. Barnaamijyadan waxa ay dheeri ku yihiin taageerada aas aasiga ah uu Barnaamijka Cunada Aduunka ku qeybiyo raashinka, lacagta kaashka ah iyo taaageerada rasiidka oo ay siiso ku dhawaad 500,000 (Kunton Kun) oo qof kuwaas oo ku nool Puntland.

Qaramada Midoobay ee Haweenka waxa ay si dhaw mas’uuliyiinta Puntland ugala shaqeyneysaa horumarinta sinnaanta jinsiga iyo awood siinta haweenka. Arrintan waxaa ka mid ah shaqada lala hayo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Wasaaradda Cadaaladda si loo horumariyo fursadda ay haweenka u heli karaan adeegyada garsoorka.

Kuwani kaliya waa tusaalooyin dhawr ah oo qaar ka mid ah xubnaha qoyska Qaramada Midoobay ay taageero ahaan halkan Puntland uga geystaan.

Kulankeennii maanta ee aan la yeelannay madaxweynaha, waxaan sidoo kale uga hadalnay xoojinta xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Dowladda Federalka ee Soomaalya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Dhinaca siyaasadda, madaxweynaha iyo aniga waxaan isla gorfeynay u diyaar garowga doorashooyinka. Arrintan, waxaan xusay baahida loo qabo in la helo tanaasul mira dhal ah oo ka yimaadda Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubanaha ka ah si heshiis looga gaaro fulinta habraaca doorashada. Tani waa danta qaran.

Waxaan markale ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay wada-shaqeeyaan iyo in ay jid u helaan xallinta qodobada xasaasiga ah si guud ahaan Soomaaliya ay uga dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay.

Arrintani waa mid si deg deg ah loogu baahan yahay. Waa waqtigii ay hoggaamin muujin lahaayeen jilaayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya. Waa waqtigii xalka, ma jiraan marmarsiiyo kale oo aan heshiis lagu gaari Karin.

Md. Madaxweyne, xilli safarkeennu uu gunaanad yahay, markale si kal iyo laab ah waad ku mahadsan tahay soo dhaweynta diirran. Waxaan sugeynayaa in ay sii socoto wadashaqeynta aan la leennahay adiga iyo kooxdaada iyo bulshada Putland 2021-ka si aan u wada dhisno mustaqbal wanaagsan. Mahadcelin kal iyo laab ah, Md. Madaxweyne.