Taageerada la siinayo Puntland 2021 ayaa looga hadlay booqashadii wafdiga Qaramada Midoobay ku tageen Garowe

25 Jan 2021

Taageerada la siinayo Puntland 2021 ayaa looga hadlay booqashadii wafdiga Qaramada Midoobay ku tageen Garowe

Garowe – Wufuud wakiilo ah oo ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday maamul gobolleedka Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya si ay ula kulmaan hoggaankeeda ugalana hadlaan taageerada ay siiyaan.

 “Waxaan u nimid in aan madaxweynaha iyo wasiiradiisa kala hadalno shaqadaQaramada Midoobay ay hadda ka hayso Puntland, iyo sida Qaramada Midoobay ay sidan si ka wanaagsan u taageeri karto dadka reer Puntland sanadka 2021,”  Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  ayaa sidaas yiri xilli ay shir jaraa’id si wadajir ah u qabanayeen maagalada Garoowe madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Ergeyga QM waxa uu sidoo kale ugu hambalyeeyey madaxweyne Deni iyo mamaulkiisa sanadguurada labaad ee ay xafiiska joogaan taas oo la xusay 8-dii Janaayo, waxa uuna bogaadiyey horumarada laga sameeyey dhinacyo badan.  

“Labadii sano ee tagay,” ayuu intaa raaciyay Danjire Swan, “Puntland waxa ay hore u ambaqaadday tallaabooyin la taaban karo oo la xiriira dhinaca geeddi socodka dimuqraadiyenta, adkeynta dowladnimada, maareynta maaliyadda dadweynaha, dib u habeynta waaxda amniga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha..”

Waxaa Shirka jaraa’id kahor kulan la yeeshay madaxweynaha Punyland iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa  Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, saraakiil sare oo ka tirsan qoyska Qaramada Midoobay kana hawlgala Puntland – sida; Agaasimaha Barnaamijka Cunada Aduunka u qaabilsan Soomaliya, Cesar Arroyo, wakiilka Soomaliya ee Hay’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR), Johann Siffointe iyo Maamulaha Barnaamijka dalka ee Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Sadiq Syed. Kulankaas waxaa xigay kulan doceedyo kale oo koobnaa.

Taageero ballaaran

Kelmedihii uu u jeediyey saxaafadda, Ergeyga QM waxa uu xusay sida hay’adda aduunka dhaq dhaqaaqyada ay Puntland hadda ka wado ay isugu jiraan qeybo badan sida dib u heshiisiinta socota, amniga iyo  dadaalada xasillinta si awood loogu yeesho in la bixiyo gargaarka iyo kaalmada dhinaca horumarka la xirira.

Isaga oo ka hadlaya UNHCR, sarkaalka QM waxa uu sheegay in hay’adda qaxootiga ay taageero siiyo qaxootiga, kuwa dalka ku soo noqday iyo dadka ku barakacay gudaha, iyo sidoo kale bulshada martigalinta siiyey, iyada oo ujeedu yahay in la xaqiijiyo in shaqsiyaadka ay heli karaan baahidooda aas aasiga ah iyo in la siiyo qalab xoojiya adkeysigooda.

“Arrintan waxaa ka mid ah shaqada lala hayo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Wasaaradda Cadaaladda si loo horumariyo fursadda ay haweenka u heli karaan adeegyada garsoorka,” ayuu yiri.

Dhinaca siyaasadda

Wakiilka Qaramada Midoobay iyo madaxweyne Siciid Deni waxa ay ka hadleen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in la xoojiyo xiiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

“Arrintan, waxaan xusay baahida loo qabo in la helo tanaasul mira dhal ah oo ka yimaadda Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubanaha ka ah si heshiis looga gaaro fulinta habraaca doorashada. Tani waa danta qaran. ,” ayuu yiri.

“Waxaan markale ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay wada-shaqeeyaan iyo in ay jid u helaan xallinta qodobada xasaasiga ah si guud ahaan Soomaaliya ay uga dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay.,” ayuu intaasi ku daray. “Arrintani waa mid si deg deg ah loogu baahan yahay. Waa waqtigii ay hoggaamin muujin lahaayeen jilaayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya. Waa waqtigii xalka, ma jiraan marmarsiiyo kale oo aan heshiis lagu gaari Karin.”

Booqashada wafdiga Qaramada Midoobay ee Puntland waa tii saddexaad oo ay ku tagaan Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federalka, iyada oo uu ujeedku yahay in wadatashiyo lagala yeesho hoggaamiyeyaasha Dowlad Gobolleedyada sida ugu wanaagsan ee ay hay’adda aduunka taageero u siin karto. Wufuudii hore  ee uu hoggaaminayey Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa ay booqasho ku tageen Dowlad Gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.