Khudbadda Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM Aamina J. Maxamed ay ka jeedisay Golaha Ammaanka ee ku saabsan booqashadeedii Soomaaliya

previous next
29 Sep 2021

Khudbadda Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM Aamina J. Maxamed ay ka jeedisay Golaha Ammaanka ee ku saabsan booqashadeedii Soomaaliya

[Sidii loogu diyaariyey in looga jeediyo Golaha Ammaanka 28 Sebteembar 2021]

 

Marwo Madaxweyne,

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Aan ku bilaabo anigoo ugu hambalyeeynaya Ireland madaxtinimadaada bishan, iyo inaan idiinkaga mahadceliyo casuumaadda xog-siinta ah ee maanta. Waxa aan sidoo kale jeclaan lahaa in aan salaan u diro Marwo Shukria Dini oo aan ku farxay inaan la kulmo intii aan booqashada ku jiray.

Waxa aan Golaha ku bogaadinayaa hoggaankiinna Haweenka, Nabadda iyo Amniga iyo gaar ahaan ballanqaadka Ireland, Kenya iyo Mexico inay mudnaanta siiyeen arrintan intii lagu jiray madaxtinimadooda isku xig-xigtay.

Horraantii bishan waxaan fursad u helay inaan u safro Soomaaliya. Tani waxa ay ii ahayd hawlgalkii toddobaad ee aan sameeyey oo diiradda lagu saarayey haweenka, nabadda iyo amniga sannadihii la soo dhaafay, iyo keygii ugu horreeyey qof ahaan u sameeyo tan iyo bilowgii cudurka faafafa ah (Covid-19). Sidoo kale waxay ahayd booqashadaydii labaad ee aan ku tago Soomaaliya oo ku saabsan arrintan.

Safarkani waxa uu ahaa mid lagu taageerayo baaqyada haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan in si buuxda oo siman looga qaybgeliyo siyaasadda, taas oo ay ka mid tahay hirgelinta qoondada 30%, iyo in la muujiyo taageerada beesha caalamka si loo helo doorasho waqtigeeda ku dhacda, loo dhan yahay, isla markaana nabad ah oo lagu kalsoonaan karo.

 

Marwo Madaxweyne,

Soomaaliya waxa ay taariikh muhiim gaartay doorashadeedii 2016-kii iyadoo 24% kuraasta baarlamanka ay qaateen haweenku. Tirooyinkani waxa ay muujinayaan in horumarku suurtogal yahay xitaa duruufaha ugu adag. Hase yeeshee, sidaas oo ay tahay, waxay ka gaabiyeen ballanqaadkii hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ee ahaa in ay gaaraan boqolkiiba 30 matalaadda haweenka ee baarlamaanka. Haweeney kasta waa muhiim.

Waxaa jira walaac dhab ah oo ku saabsan doorashooyinka hadda ee Golaha Shacabka, in  heerarka matalaadda uu hoos u dhici doono, in kasta oo ay jiraan ballanqaadyo iyo shuruudo ku jiran heshiisyada doorashada.

Intii aan joogay Muqdisho waxaan la kulmay Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble, xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka - oo ka kooban Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xunaha ka ah Dawladda Federaalka, xubno ka mid ah Kooxda Hirgelinta Doorashada Federaalka, Kooxaha Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad-goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, ururrada haweenka, bulshada rayidka ah, odayaasha dhaqanka, iyo sidoo kale wakiillo ka socda beesha caalamka.

Si joogto ah ayaan guud ahaan, waxaan uga maqlay ballanqaadyo xooggan oo ku aaddan mabda'a ka qaybgal siman oo ay haweenku ku helaan iyo qoondada 30%.

Waxa ay ahayd dhiirigelin inay ka maqlaan Golaha Wadatashiga Qaranka inay isku raaceen tallaabooyin lagu xaqiijinayo hufnaanta doorashooyinka, daah-furnaanta, kalsoonida, iyo qoondada haweenka.

Waxaan sidoo kale bogaadiyay hoggaanka Ra’iisul Wasaaraha iyo tallaabooyinka la taaban karo ee uu qaaday si loo xaqiijiyo matalaadda haweenka.

Kuwaani waxaa ka mid ah in haweenka laga dhimo khidmadaha murashaxnimo, iyo in la magacaabo Danjire-sharafeedyo, si ay u taageeraan uguna ololeeyaan qoondada boqolkiiba 30-ka ah hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.

Waxa kale oo dhiirigelin ahayd in la maqlo odayaasha dhaqanka oo qiraya doorka dhexe ee haweenku ay ku leeyihiin horumarinta nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Dhammaantood waxaa ka go'aneed arinta ka-qayb-gelinta haweenka.

Haddana, caqabado dhab ah ayaa weli taagan.

Haweenka laftoodu waa ay ka hadleen caqabadaha taagan.

Waxa ay la hardamayaan in ay helaan kaalmo maaliyadeed si ay u qabtaan ololahooda; waxa kale oo aysan lahayn shabakadaha siyaasadeed iyo isku xirnaanta  sida ragga asaagood ah.

Jawiga siyaasadeed guud ahaan uma fiicna wakiillada haweenka, hogaamiyayaal badan oo rag ahina waxay sii wadaan inay kor u qaadaan musharaxiinta ragga ah.

Caqabadahaan waxaa sii dheer rabshado iyo takoor. Haweenku waxay soo sheegeen in gobollada qaarkood, musharrixiinta haweenku aysan awoodin in ay kiraystaan ​​xafiisyada ololaha – waana hab fudud oo wax ku ool ah oo looga hortago in la doorto.

Guud ahaan, haweenku waxay ka hadleen baahida loo qabo in si wayn looga ilaaliyo caga-jug-leynta, dhibaataynta iyo rabshadaha.

Saddex maalmood uun kahor, Marwo Hibaaq Abuukar, oo ahayd La -taliye Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, ayaa lagu dilay qarax bambo oo ka dhacay Muqdisho.

Waxaan bogaadinayaa Marwo Hibaaq iyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed ee maalin kasta halis u gala inay u dagaallamaan xuquuqdooda.

Haweenka ku nool meelaha ay ka taliso Al-Shabaab ayaa iyana wajahaya dhibaatooyin xagga amniga ah oo wiiqaya dadaalladooda ku aaddan inay si cad u ololeeyaan.

 

Marwo Madaxweyne,

Haweenkii aan la kulmay waxay ku baaqeen la helo tilaabooyin farsamo oo wax ku ool ah si loo xaqiijiyo dhaqangelinta qoondada 30%, iyo in loo dhaqaaqo doorasho toos ah oo ah hannaanka hal qof, hal cod.

Qaabka hadda ee xulashada dadban ayaa go'aan-qaadashadii siyaasadda wada gelinaysa gacmaha odayaasha beelaha oo dhammaantood rag ah.

Haweenku waxay ugu baaqeen madaxdooda in ay si buuxda u hirgeliyaan dhammaan heshiisyadii siyaasadeed ee la xiriiray doorashooyinka.

Tani waxaa ka mid ah Heshiiskii 17-kii Sebteembar, Heshiiskii 27-kii Maajo iyo war-murtiyeedkii 22-kii Agoosto, kaas oo madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka (DXDF) ay ku ballan-qaadeen qoondada haweenka oo ah 30%.

Haweenka ayaa sidoo kale ku baaqay in dib-u-habayn lagu sameeyo dastuurka, taas oo abuuri doonta xal joogto ah isaga oo u qoondeen doona saami ka mida kuraasta baarlamaanka oo haweenka u gaara, iyo in haweenka lagu daro guddiyada doorashada, ergooyinka iyo musharraxiinta.

 

Marwo Madaxweyne,

Heer Maamul-goboleed, wasiirrada Arrimaha Haweenka oo aan la hadlay waxay ku dhiirri-geliyeen Qaramada Midoobay inay sii waddo taageeridda hannaanka dib-u-eegista dastuurka, iyo nidaamka doorashooyinka ee xisbiyada badan. Waxay ku nuuxnuuxsadeen inay tani fure u tahay kordhinta ka qaybgalka haweenka ee doorashooyinka mustaqbalka iyo geeddi-socodyada siyaasadeed.

Waxa kale oo jiray garwaaqsi ku aaddan in awood-siinta dhaqaalaha ee haweenku ay ku xiran tahay ka qaybgalka siyaasadda, iyo in si toos ah u saamaynaysa awoodda haweenka ee ku dhaqanka nolosha dadweynaha. Waxay ugu baaqeen Qaramada Midoobay inay sii laban-laabaan dadaalladeenna ku aaddan taageeridda fursadaha haweenka, madaxbannaanida, iyo ka qaybgalka hawlaha dhaqaalaha.

 

Marwo Madaxweyne,

Booqashadaydii Soomaaliya waxay dhacday xilli uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda. Wadahadalladii aan la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, waxa aan markale xoojiyay farriinta beesha caalamka ee ah in Soomaaliya aysan dib ugu laaban kala qaybsanaantii iyo colaadihii hore.

Labada hoggaamiye waxay ballanqaadeen inay sameeyaan wax kasta oo suurtogal ah si looga hortago xiisad iyagoo la sii wadayo wadahadalka, una xallinaya is-fahmi-waaga jira si nabad ah iyo in la jogteeyo dardargelinta doorashooyinka.

Wixii markaas ka dambeeyay, xaaladdu waa ay is beddeshay, oo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ayaa arrintan idinkaga warramay. In kasta oo wada-xaajoodyadu joogt aheeyeen, haddana weli wax horumar ah lagama gaarin, waxaan ku dhiirrigelinayaa madaxda Soomaaliya inay dejiyaan xiisadaha, ayna gaaraan xal dhexdhexaad ah oo ay sii wadaan horumarka laga gaarayo doorashooyinka oo xoojin doona xasiloonida gobolka oo dhan.

Baahida loo qabo xasilloonida gobolka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday shirar aan kula yeeshay Madaxweynayaasha Kenyatta iyo Samiya dalalka Kenya iyo Tanzania intii aan ku sii jeeday Soomaaliya. Labada madaxweyneba waxa ay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo kor u qaadista iyo joogteynta dareenka beesha caalamku ay ku  aaddaan arrimaha xasilloonida Geeska.

Waxaa iska cad in Soomaaliya ay tahay deris laga walaacsan yahay.

Dalka iyo gobolkuba waxay u baahan yihiin ammaan, si ay xoogga u saaraan xoojinta nabadda iyo maal-gelinta ee Qorasha 2030-ka iyo Yoolalka Horumarinta Joogtada ah.

Soomaaliya waxay ku tallaabsatay geeddi-socod doorasho oo mug weyn. Waxaa se muhiim ah in ay tani sii socoto inta la dhammaystirayo doorashooyinka Aqalka Sare iyo bilowga hawsha Aqalka Hoose. Markii dhankaa la eego, waxaan soo dhaweynayaa ku dhawaaqista jadwalka doorashada kuraasida Somaliland.

Marka hore la sii eego, waxaan ku boorrinayaa hoggaamiyayaasha inay hortabinta siiyaan hirgelin dhammeystiran ee Heshiiska Doorashada; in la sameeyo hab-howleed la taaban karo si loo hirgeliyo qoondada boqolkiiba 30; iyo in la xoojiyo dadaallada haweenka looga ilaalinayo rabshadaha. Waxaa taa ka mid ah in si siman loo helo caddaaladda dhammaan haweenka.

Soomaalidu horay uma dhaqaajin karaan dalkooda oo ma dhisi karaan kalsoonida hay'adaha iyo doorashooyinka iyada oo aysan haweenku si siman uga qayb qaadanaynin. Doorashooyin loo dhan yahay ayaa aasaaska u dhigi doona waddan adkaysi leh, waara, isla markaana loo dhan yahay.

 

Marwo Madaxweyne,

Waxaan booqashadan labaad ugu tegey Soomaaliya, sababtoo ah ka qaybgalka siyaasadda ee haweenku waa mid wax ka beddeleysa dadaallada aan ku doonayno inaan ku gaarno nabad waarta, horumar, iyo bulshooyin adkaysi badan oo loo dhan yahay.

Ka qaybgalka haweenka iyo matalaadda siyaasadda ayaa shardi u ah nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya. Qoondada 30% ayaa ah tallaabo muhiim u ah xagga matalaad siman oo ay haweenku ka helaan dhammaan qaybaha kala geddisan ee nolosha, laga bilaabo min ganacsiga ilaa adeegga dadweynaha, doorashooyinka ilaa ballamaha.

Sida ay xustay mid ka mid ah haweenka wasiirrada ka ah Maamul-goboleedyada DF Soomaaliya, haweenka ku nool Soomaaliya ayaa ka badan boqolkiiba 50 dadka kale, sidaas darteedna, qoondada boqolkiiba 30 waa bilow uun.Waxaa tan isna ka dhawaajiyay xubin ka mid ah Kooxda Hirgelinta Doorashada ee Gobolka oo u kuurgalay in maadaama baarlamaanka loogu yeero golihii shacabka, sidaas darteed, ay tahay inuu ka tarjumo in dadka ku jira barkood ay haween noqdaan.

Waxaan jeclaan lahaa inaan idinla wadaago baaq aan ka maqlay qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, si ay beesha caalamku ay u sii waddo diiradeena joogtada ah, taageerada, iyo iskaashiga.

Hawlgalka Qaramada Midoobey iyo Kooxda Waddanka ayaa waxaa ka go'an inay hubiyaan arrintan, iyagoo taageero idinka helaya.

Dadaalladan haddii lasii ambaqaado, waxaan ku kalsoon nahay in Soomaaliya ay horay u sii socon doonto.

Waxaan rajeynayaa inaan soo laabto si aan u arko horumarka oo aan ula kulmo Baarlamaanka cusub - oo ka kooban ugu yaraan 30% wakiillo haween ah - mustaqbalka dhow.

Mahadsanidiin.

 

Halkan ka akhriso warbixinta shirka.