Kow iyo toban sarkaal oo ay Qaramada Midoobay u maamustay shaqada wanaagsan ay ka qabteen Soomaaliya

16 Jan 2018

Kow iyo toban sarkaal oo ay Qaramada Midoobay u maamustay shaqada wanaagsan ay ka qabteen Soomaaliya

Muqdisho – Kow iyo toban sarkaal oo la shaqeeyay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaflad billad guddoonsiin ah oo maanta la qabtay lagu aqoonsaday shaqada wanaagsan ay ka qabteen dalkan ku yaalla Geeska Afrika.

La taliyeyaasha militari oo dhammeystay muddo xileedkooda ayaa ka kala yimi sagaal waddan oo kala ah Burundi, Ghana, India, Mauritania, Pakistan, Sierra Leone, Turkey, Uganda iyo Ingiriiska, waxaa ayna diiradda saarayeen arrimaha sida isku dhafka ciidamada heer maamul goboleed iyo Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo diyaarinta xeerka badda. Lix ka mid ah saraakiishan ayaa waxaa ay la soo shaqeeyeen Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) halka shanta kalena ay la shaqeeyeen Xafiiska Taageerida Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

“Saraakiishan halkan jooga maanta waxaa ay shaqada loo dhiibay u muujiyeen dadaal iyo go’aan si loo xaqiijiyo in la hirgeliyo waajibaadka Howlgalka,” ayuu Raisedon Zenenga oo ah ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya yiri inta ay socotay xafladda, taasi oo lagu qabtay gudaha xarunta UNSOM.

Waxaa uu sidoo kale saraakiisha ugu boogaadiyay dowrka ay ka qaateen dadaallada ku aaddan nabadeynta Soomaaliya. Madaxa UNSOS, Hubert Price, ayaa ka qayb-galayaasha u sheegay in saraakiishan ay xiriir adag la sameeyeen dhiggooda Soomaaliyeed ee ku sugan xarumaha maamul goboleedyada iyo magaalooyinka waaweyn ee ay ka soo shaqeeyeen. Waxaana ka mid ah caasimadda dalka ee Muqdisho, xarunta Koonfur Galbeed ee Baydhabo, xarunta maamulka Puntland ee Garowe, xarunta maamulka HirShabelle ee Beledweyne, iyo xarunta maamulka Jubbaland ee Kismayo.

goboleedyada iyo magaalooyinka waaweyn halkaas oo ay ka soo shaqeeyeen. Waxaa ka mid ah caasimadda dalka ee Muqdisho, iyo Baydhabo oo ku taallo Koonfur Galbeed, Garowe ee Puntland, Beledweyne ee HirShabelle, iyo Kismayo ee Jubbaland.

Staffan Tillander oo ah Agaasimaha Kooxda ku Dhaqanka Sharciga iyo Hay’adaha Amniga oo ay saraakiisha qaar la soo shaqeeyeen ayaa hadal uu ka jeediyay xafladda ka shaaciyay kaalinta muhiimka ah ay saraakiishan ka qaateen dhisidda hay’ado amni oo wax ku ool ah si waafaqsan qaab-dhismeedka Habka Dhammeystiran ee loo Wajahayo Amniga ee dhowaan la ansixiyay.

11 sarkaal ayaa midkiba la guddoonsiiyay Billad Sharafka Qaramada Midoobay ee Waxqabadka Heerka Sare iyo shahaado sharaf kuwaas oo loo siiyay shaqadooda wanaagsan. Billadaha ayaa waxaa la guddoonsiiya saraakiisha ciidamada ee ka soo shaqeeyay howlgal ay leedahay Qaramada Midoobay ugu yaraan 90 maalmood.