UN: $1.6 bilyan ayaa loo baahan yahay si gargaar nolol-badbaadin ah loo fidiyo in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo ay saameeyeen abaaraha

17 Jan 2018

UN: $1.6 bilyan ayaa loo baahan yahay si gargaar nolol-badbaadin ah loo fidiyo in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo ay saameeyeen abaaraha

Muqdisho – Iyada oo roob yari la filaayo xilli roobaadkii shanaad, Qaramada Midoobay waxaa ay ku baaqeysaa in la helo lacag dhan 1.6 bilyan oo doolar si gargaar nolol-badbaadin ah loo gaarsiiyo 5.4 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya. 

“Tirada Soomaalida qarka u taagaan macluul ayaa toban jibbaar sare u kacay tani iyo sanadkii la soo dhaafay,” ayuu Peter de Clercq, oo ah ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya ahna Isku Duwaha howlaha Samafalka ee Qaramada Midoobay maanta ka sheegay xaflad si rasmi ah loogu daah-furayay baaqa.

Codsigan ayaa ku jiraa Qorshaha 2018-ka ee Jawaab-celinta arrimaha Bani’aaddinimada ee Soomaaliya oo uu diyaariyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku Duwidda Arrimaha Samafalka (OCHA). Waxaa qorshaha sidoo kale sheegayaa in tirada Soomaalida u baahan caawimaad haatan lagu qiyaasayo 6.2 milyan oo qof taasi oo u dhiganta in ka badan kala bada tirada guud ee bulshadaku nool dalka. Ku dhowaad 3.3 milyan oo dadkaasi ka mid ah waxaa ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, halka hal milyan oo qof ay ku nool yihiin goobaha barakacayaasha.

 “Sida caadiga ah, carruurta ayaa ugu nugul,” ayuu yiri Mudane de Clercq. “Waxaan ku qiyaaseynaa in meesha lagu gaaro dhammaadka sanadkan ay 1.2 milyan oo carruur ah noqon doonaan kuwo la il daran nafaqo darro.”

Sanadkii 2017-kii, Soomaaliya waxaa ay xaalad macluul ah uga hortagtay dadaallo ay isku biirsadeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay, deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, kuwaas oo si wadajir ah gacan ka geystay in la helo lacag dhan 1.3 bilyan oo loogu talagalay gargaarka.

Hase yeeshee, Mudane de Clercq ayaa sheegay in saadaasha sida joogtada ah u muujineyso in sanadkani uu jiri doono roob yari ayaa keeneyso in loo baahdo ol’ole xooggan ee ku aaddan in gargaar loo helo shacabka Soomaaliyeed.

Xaaladaha abaaraha ayaa dalkan ku yaalla Geeska Afrika ka jiray afartii xilli roobaad ee ugu dambeeyay, taasi oo sii xoojisay xaaladda bani’aaddinimo ee dalka oo horey ahaa mid aad u daran. Xilli roobaadka bilihii Oktoobar ilaa iyo Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay ayaa bilaabay xilli dambe, waxaana la helay roob ka hooseeya intiii la filayay. Saadaasha sanadkani ayaa muujineysaa in xilli roobaadka soo socda oo bilaaban doono bisha Abriil kuna ekaan doono bisha Juun ay xaaladda sidii hore ahaan doonto.

“Ilaa iyo Nofeembar ee sanadkii la soo dhaafay, baahida cunnada ayaa ku dhowaatay labo jibbaar celceliska muddo shan sano iyada oo lagu qiyaasay in 2.4 milyan oo qof ay ku jiraan xaalad dhibaato ah, halka 866,000 ay ku jiraan xaalad degdeg ah,” ayuu yiri Mudane de Clercq.

Ujeeddooyinka qorshaha jawaab-celinta

Qorshaha 2018-ka ee Jawaab-celinta arrimaha Bani’aaddinimada ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo nafaqo darrada, in sare loo qaado bixinta adeegyada ilaalinta ee loo fidiyo bulshooyinka ay saameeyeen abaaraha, iyo in lagu xoojiyo heerarka awoodda soo kabsashada ee bulshada, Bulshooyinka nugul ayaa ka qaxay dhulalka miyiga ay abaarta ku dhufatay iyaga oo si weyn u qaxay magaalooyinka 12-kii bilood ee ugu dambeeyay, sababo la xiriira abaaraha iyo amni darrada ay keentay colaadda hubka la isu adeegsado.

Qorshaha waxaa ansixiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, kaas oo xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhinacyo badan, taasi oo uu uga mahadceliyay taageerrada caalamiga.

 Ra’iisal Wasaare Khaire ayaa hadal uu ka jeediyay xafladda shaaca ka qaaday dib u habeynta dhaqaalaha, ka qaybgelin siyaasadeed oo ballaaran, dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta iyo dib u habeyn dhinaca amniga ay ahaayeen qaar ka mid ah horumarka la gaaray sanadkii la soo dhaafay.

 “Waxaa ay nagu noqoneysaa caddaalad darro haddii aanan aqoonsan oo aan si diiran uga mahadcelin deeq-bixiyeyaasheenna ee 2017-kii noo fidiyay deeqa ugu badnaa abid kuwaas oo u dhowaa lacag dhan 1.3 bilyan oo doolar,” ayuu yiri. Ra’iisal Wasaraha ayaa sidoo kale sheegay in deeqa faraha badan ay gacan ka geysteen in laga hortago in Soomaaliya ay ku dhacdo xaalad bani’aaddinimo oo halis ah, iyada oo sidoo kale ahayd lacagta ugu badneyd taariikhda dalka ee lagu bixiyay jawaab-celin bani’aaddinimo.

Madaxa xafiiska Soomaaliya ee hay’adda OCHA, Justin Brady, ayaa sheegay in dadaallada dhinaca arrimaha bani’aaddinimada ee sanadkan diiradda lagu saari doono dad badan oo ku nool deegaannada aan inta badan la geli karin sababo la xiriira xaaladaha amniga.

“Dhowr bah-wadaagteenna ka mid ah, gaar ahaan hay’adaha maxalliga ah, ayaa halis badan u gala in ay fuliyaan baahiyada dadka ka fog magaalooyinka, maadaama aan magaalooyinka aadi karno. Taasi waxaa ay horseedday in afduub iyo dhibaato loo geysto dadka ku howlan arrimaha samafalka,” ayuu yiri Brady, asaga oo intaasi raaciyay, “Waxaa jiraa dad aad u badan oo ku nool dhulal aynan bah-wadaagtan aadi kari, balse waxaa aan ku dadaaleynaa in aan gaarno inta aan awoodno.”