Wakiilka Qaramada Midoobay oo joogay Hargeysa ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadaha oo la wadahadlo kaddib dagaalo dhacay

11 Jan 2018

Wakiilka Qaramada Midoobay oo joogay Hargeysa ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadaha oo la wadahadlo kaddib dagaalo dhacay

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadaha lana sameeyo wada hadal xilli ay soo bexeen warar sheegaya in ay jiraan isku dhacyo dhex maray ciidamada ‘Somaliland’ iyo kuwa Puntland oo deriska la ah.

“Anaga qaybteenna waa in aan isku dayno in aan dejinno xiisadaha oo aan dardargelinno wadahadalka labada dhinac si haddii ay jirto is-faham la’aan, loo caddeeyo,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, xilli uu joogay Hargeysa oo ah caasimadda ‘Somaliland.’

 Haddii uu khilaaf dhab ah jiro, waa in si deg deg ah loogu xalliyo wada hadal,” ayuu raaciyay. “Balse in la adeegsado awood ciidan iyo dagaal ma ahan habka ugu habboon ee lagu xalliyo dhibaatooyinkan.”

Ergeyga Gaarka ah ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee ‘Somaliland’ Sacad Cali Shire, kaddib markii uu kulan la qaatay Madaxweynaha ‘Somaliland’ Muuse Biixi Cabdi – kaasi oo ahaa kulankii ugu horreeyay ee uu Ergeyga la yeeshay Madaxweynaha cusub tan iyo markii la doortay sanadkii la soo dhaafay. 

Horraantii toddobaadkan ayaa waxaa soo baxay warar sheegayay in ay jireen isku dhacyo ciidamada ammaanka ku dhex maray gobolka Sool, oo qayb ka ah dhul ay ku muransan yihiin labada dhinac ee ‘Somaliland’ iyo Puntland, kaas oo ku toosan waqooyi bari ee Geeska Afrika.

Kulanka ay wada yeesheen, ayay Mudane Keating iyo Mudane Biixi Cabdi ka wada hadleen waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda cusub, iyo sidoo kale arrimaha ugu dambeeyay ee ku aaddan nabadgelyada.

“Waxaa aad ii farxad geliyay oo aan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha go’aankiisa, kaas oo ku yimid waaya-aragnimadiisa shakhsiyadeed ee tobaneeyada sano ah ee [uu ku dareemayo] muhiimadda ay leedahay in dhibaatooyinka loo raadiyo xal nabad ah,” ayuu yiri, “iyo in mudnaanta ay tahay in la isku dayo oo  laga hortago colaad nooc waliba oo ay tahay, haddii ay ahaan lahayd ‘Somaliland’ gudaheeda, ama, xaqiiq ahaan, u dhaxeeysa ‘Somaliland’ iyo dad kale.” 

Inta uu joogay Hargeysa, Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale la kulmay dhowr wasiiro ah oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan waxbarashada, caafimaadka, ammaanka, saameynta abaaraha iyo shaqaaleynta, iyo sida ugu habboon ee ay Qaramada Midoobay gacan ka geysan karto wax ka qabadka caqabadaha ban’aaddinimo iyo kuwa horumarineed ee deegaannadan. Kulamo la mid ah ayaa sidoo kale uu la yeeshay wakiillada bulshada rayidka.

Waajibaadka hay’adda Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) – oo uu Mudane Keating madax ka yahay isla markaana  xafiis ku leh magaalada Hargeysa – waa in ay taageerto dadaallada ‘Somaliland’ ee ku aaddan in la yeesho nidaam dimuqraaddi ah iyo siyaasad xasilloon kaas oo waafaqsan mabaaddii’da maamul wanaagga. 

Booqashadii Laas Geel oo soo shaac-bixisay hodantinimada dhinaca hiddaha iyo fursadaha dhaqaale

Ergayga Gaarka ah ayaa sidoo kale booqday buuraha Laas Geel oo ah meel hal saac u jirta waqooyi-bari ee Hargeysa, oo ah halka uu ku yaalo farshaxanka qowmiyadihii hore oo la sameeyay kumanaan sano ka hor. 

“Sababaha aan halkan u imid waxaa ka mid ah in ay tahay wax fiican in la is xusuusiyo in maadaama sawirka qaybtani adduunka kamidka ah laga heysto uu yahay mid collaadeed, rajo-xumo iyo dhibaatooyin, iyada oo uu kamid yahay meelaha ay ka asaasantay ilbaxnimada,” ayuu yiri Keating. 

“Inkastoo ay adduunka u tahay keyd, waxaa ay haddana sidoo kale muhiim u tahay in Soomaalida ay ogaadaan in ay ku nool yihin dhul leh taariikh iyo dhaqan soo-jireen ah kuwaasi oo isbaddelaya,” ayuu raaciyey.  

Cilmi-baareyaal Faraansiis ah ayaa arkay goobtani iyaga oo daraasad ka wada halkaan 2002-dii, waxaana la aaminsan yahay in ay tahay goobaha farshaxanka dhagxaanta ee ugu da’weyn Afrika iyo goobta ugu muhiimsan ee qaddiimiga ah ee Soomaaliland.’ Sawriada ayaa tusaya xayawaannada duur joogta iyo lo’ iyo dad xoolo dhaqato ah oo si farshaxan ah loo sawiray.   

Sida ay sheegeen dowladdaha hoose, ilaa 200 oo dad oo ka kala socda gobolka iyo dibedaha ayaa booqda goobta bil kasta inkastoo aanay fududeyn in la tago, oo uu jiro walaac amni.

“Taasi waxaa ay tuseysaa in fursadaha mustaqabalka ay aad u sarreeyaan, oo aysan ku koobnayn godadka buuraha kaliya,” ayuu yiri Mudane Keating. “Waxaa ay leedahay bay’o dabiici ah, baddeeda iyo xeebaheedana waa heersare, fursaddeeda dhinaca dalxiiska waa kuwo aad u weyn.” 

 Sanadihii ugu dambeeyay waxaa jiray walaac ku aaddan in farshaxannada goobta ku yaalla ay halis ugu jiraan in ay baaba’aan sababo la xiriira kiimikada iyo sidoo kale xoolaha ku dhaqan deegaanka.

Hay’adda Qarmada Midoobay ee Waxbarashada, Sayniska iyo Hiddaha (UNESCO) ayaa 2016-kii guddi usoo dirtay si ay goobta dib-u-eegis ugu sameeyaan. Waxaa uu guddiga bixiya talooyin ku saabsan sida ugu habboon ee loo ilaalin karo, waxaana uuna la shaqaynayaa dowladaha hoose si tallooyinkaasi looga mirodhaliyo.