Kulamo ka dhacay gobollada ayay haweenka Soomaaliyeed isku raaceen in ay ka midoobaan in ay wanaajiyaan dowrkooda ku aaddan dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta

28 Jul 2018

Kulamo ka dhacay gobollada ayay haweenka Soomaaliyeed isku raaceen in ay ka midoobaan in ay wanaajiyaan dowrkooda ku aaddan dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta

Baidoa, Dhusamareb, Garowe, Jowhar, Kismayo - 26 Luulyo 2018 – Kulamo wadatashi ah oo si heer sare ah loo agaasimay oo toddobaadkan lagu qabtay magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya, ayaa haweenka Soomaaliyeed isugu yimaadeen si ay uga wada hadlaan dowrka ay ku leeyihiin geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee dalka iyo in ay xoojiyaan dagaalka ka dhan xagjirnimada rabshadaha wata taasi oo saameyn ku leh dadaallada la wada ee ku wajahan nabadda.

“Ujeeddadeenna waa in aan ku dhiiriggelino haweenka in ay u sii gudbiyaan wixii ay halkan ka barteen qoysaskooda, deegaannadooda, degmooyinkooda iyo tuullooyinkooda; iyo in ay baraan saameynta ay leedahay xagjirnimada rabshadaha wata, si uu dalka u helo nabad buuxda,”  ayay Marwo Madiino Maxamed, oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed (UHQS), ka tiri kulanka lagu qabtay magaalada Kismaayo oo ah caasimadda maamulka Jubbaland.

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed (UHQS) ayaa kaalinta ugu weyn ka qaatay qaban-qaabinta kulanka labada maalin ee “madasha nabadda” kaas oo ku aaddan horumarinta dowrka haweenka ku aaddan dadaallada nabadda, oo si isku mar ah lagu qabtay shanta caasimadood ee maamul goboleedyada Koonfur Galbeedm, Jubbaland, Puntland, HirShabeelle iyo Galmudug. Hadafka ugu weyn ee madasha waa in wadatashi lala sameeyo haweenka kala duwan – kuwa u ol’oleeya nabadda, kuwa u ol’oleeya isbeddelka, xirfadlayaasha – si loo go’aamiyo siyaabaha iyo xeeladaha lagu horumarin karo dowrka ay haweenka ku leeyihiin horumarinta nabadda iyo ka hortagga xagjirnimada ka jirta waddanka.

Ka qaybgalayaasha shanta maamul goboleed ayaa waxaa ay ka wada hadleen awood-siinta haweenka iyo xeeladaha lagu wanaajin karo ka qaybqaadashooda dhinaca dadaallada nabadda, amniga iyo dib-u-heshiisiinta. Waxaa ay sidoo kale ka arrinsadeen siyaabaha looga hortagi karo loolana dagaali karo xagjirnimada, si gacan looga geysto dadaallada ay waddo dowladda ee ay ku beddeleyso maskaxda dhallinyarada la khalday.

Hadafka muddada dheer ee wadatashiga waa in lagu wanaajiyo dowrka haweenka ku aaddanka hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, si waafaqsan waxyaabaha mudnaanta u ah qaranka ee ku xusan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2017-2021, iyo hannaanada dib-u-heshiisiinta qaran ee ay daah-furtay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Magaalada Kismaayana, Marwo. Badraan Muxumed Cabdulle, oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Jubbaland, ayaa sheegtay in madasha ay haweenka siisay dhiiriggelin ee ay si firfircoon uga qayb qaataan dib-u-heshiisiinta iyo hawlaha nabadaynta.

"Haddii aysan nabad jirin, wax horumar ah ma jiri doono," ayay tiri. "Nabadda waa waxa kaliya ee horseedi kara horumarka Soomaaliya."

Dowrka muhiimka ah ee haweenka

Magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntlandna, madasha waxaa si rasmi ah u furay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar "Camey", kaasi oo ballanqaaday taageerada dowladda ee hawlaha awood-siinta iyo in ay dowr weyn oo ka ciyaaraan dadaallada nabadaynta.

Hadal ay ka jeedisay madasha, ayay Guddoomiyaha UHQS, Marwo Batuula Sheekh Axmed Gaballe, ku boorrisay haweenka in ay u jiheeyaan dadaalkooda ku dhinaca midnimada waddanka. Waxaa ay sidoo kale ku dhiirigelisay in ay si firfircoon uga qayb qaataan siyaasadda dalka oo ay dowr ka qaataan hannaanka go'aan-qaadashada.

Mas’uulka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo ah Wakiilka Gaarka ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Michael Keating, ayaa ka qaybgalay shirkii Garoowe, asaga oo sheegay, "Waa wax iska cad in dhibaatooyinka ay Soomaaliya la daaladhaceyso aan la xallin doonin haddii aysan haweenku hormuud iyo udub dhexaad ka noqonin, waxaana taasi ka mid ah wax kasta laga bilaabo caafimaadka, iyo waxbarashada, iyo barbaarinta qoyska, iyo dhinaca ganacsiga iyo dhaqaalaha – balse sidoo kale amniga iyo, gaar ahaan, xallinta khilaafaadka.”

Kulanka ka dhacay Baydhabona, ee caasimadda Koonfur Galbeed, ayaa Cudbi Cumar Cali, oo ka mid ah daadihiyeyaasha, waxaa ay ku shaacisay in haweenka ay isku raacsan yihiin in ay doonayaan in ay kaalin muuqda ka ciyaaraan la dagaalanka xagjirnimada rabshadaha wata.

"Waxaan ku heshiinnay in aan ka midowno fikradaha xag-jirnimada; in haweenku ay la socdaan dhammaan hawlaha ka dhacaya guryahooda, in ay ka ilaaliyaan carruurtooda in lagu tashkiiliyo xagjirnimada,” ayay tiri.

"Marka la eego heerka bulshada rayidka ah, heerka qaybta amniga, anaga ka haween ahaan, waa in aan yeelanno shabakad, qaab aan ku wada xiriirno si aan isku baranno, si aan uga wada shaqeyno nabadda iyo dib-u-heshiisiinta," ayuu raacisay Marwo Cudbi Cumar Cali.

Waxaa hadal la mid ah jeediyay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Koonfur Galbeed, Marwo Nadiifo Armey Cabdullahi.

"Ujeeddada laga leeyahay kulankaan waa in la isku duwo haweenka hoos yimaada Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, ee dhammaan maamul goboleedyada, si ay diiradda u saaraan nabadda," ayay tiri, iyada oo haweenka ku tilmaamtay laf-dhabarka bulshada isla markana shaacisay dowrka muhiimka ah ee ay ka qaataan horumarinta iyo soo celinta nabadda Soomaaliya. 

Qodobbada ka soo baxay kulamadan oo ay gacan ka geysteen Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa loo adeegsan doonaa wadahadalka kulanka Madasha Nabadda Haweenka ee qaranka, oo lagu wado in uu ka dhaco caasimadda dalka ee Muqdisho, dabayaaqada sanadkan.

Sanadkii 2000, hay'adda caalamiga ah ayaa waxaa ay aqoonsatay dowrka muhiimka ah ee ay haweenku ku ciyaari karaan nabadda iyo amniga kaddib markii uu Golaha Ammaanka ee QM uu meelmariyay qaraarka 1325, kaasi oo xaqiijiyay kaalinta muhiimka ah ee haweenka ee ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, wadaxaajoodyada nabadda, nabadaynta, nabad-ilaalinta, jawaab-celinta arrimaha bani'aadamnimada iyo dib-u-dhiska colaadaha kaddib.