Xalka Soomaaliya waxaa uu u baahanyahay in haweenku hormuud u noqdaan – Ergayga QM

25 Jul 2018

Xalka Soomaaliya waxaa uu u baahanyahay in haweenku hormuud u noqdaan – Ergayga QM

Garoowe – Sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in haweenka si xooggan looga qeyb-galiyo xal u helista caqabadaha dalka ka heysta meela farabadan, oo ay ka mid yihiin dadaallada nabadeynta iyo xasilinta.

“Waa wax iska cad in dhibaatada Soomaaliya aaney xallismeynin ilaa haweenku horay iyo dhexdaba uga jiraan oo lagu daro waxkasta; laga bilaabo caafimaadka iyo waxbarashada ilaa caawinta qoysaska iyadoo loo marayo ganacsi iyo horumarin dhaqaale – iyo waliba ka qeyb-qaadashada ammaanka iyo xallinta khilaafaadka,” ayuu Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Michael Keatin ka sheegay madal haweenku isugu yimaadeen oo nabadda looga hadlayay oo lagu qabtay caasimadda Puntland ee Garoowe.

“Waxaa jira astaama badan oo caalamka daafihiisa iyo Soomaaliyaba ka muuqda, kuwaas oo muujinaya in heshiisyada nabadda ee lagaaro iyo wadashaqeynta bulshada ee ay haweenku dowr lixaadleh ka qaataan, ay yihiin kuwa inta badan waara oo hirgala,” ayuu intaas ku daray. “Haddii haweenku ay ka qeyb-galaan heshiisyada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta maxalliga ah, waxay u badantahay in nabad la gaaro oo heshiiskuna fulo.

Kulankaan oo ay soo abaabuuleen ururrada maxalliga ah ee haweenka, ayaa qey ka ah kulamo xiriir ah oo ka dhacaya Soomaaliya oo dhan, kuwaasoo gacan ka geysan doona shirweynaha qaran ee nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, oo sidoo kale la doonayo in wax looga qabto ka hortagga xagjirnimada hubeysan iyo in la dhiirrigaliyo dib-u-heshiisiinta.

Sandkii 2000, Qaramada Midoobay waxaa ay aqoonsatay kaalinta haweenku ay ka ciyaari karaan nabadda iyo ammaanka caalamka, xilligaasoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay qaraarka tirsigiisu yahay 1325, oo markale ku celiyay muhiimadda kaalinta haweenka ee xallinta khilaafaadka, wadaxaajooyada nabadda, nabadeynta, nabad-ilaalinta, ka jawaabista gargaarka baniaadanimo iyo dib-u-dhiska dalalka colaadaha ka soo kabanaya.

Intii uu ku sugnaa Garoowe, ergayga QM, ahna madaxa Howlagalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa sidoo kale la kulmay koox ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Puntland iyo madax kale, kuwaasoo kaalin muhiim ah ka ciyaaray xallinta khilaafaadka iyagoo buuxinaya kaalinta ay ku leeyihiin dowlad wanaagga iyo arrimaha amniga.

Colaaddii bilawgii sanadkaan dhexmartay Puntland iyo dariskeeda ‘Somaliland’ ee ku saabsaneed maamulka magaalada Tukaraq, oo labada dhinacba ay sheegteen, iyo kaalinta odayaasha dhaqanku ka qaadan karaan xallinta khilaafka, ayuu xusay Mudane Keating.

“Tukaraq, waxaa jirta baahi loo qabo in laga hortago colaad kale oo la helo xal siyaasadeed, ayna dadka gobolku ka qeyb-galaan go’aan ka gaarist mustaqbalkooda, taasoo ah waxyaabaha ay QM daneyneyso iney gacan ka geysato,”

Kulanka odayaasha ka hor ayuu sarkaalka QM la kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Maxmed Cali. Wadahadalkooda ayaa looga hadlay nabadeyn ay QM iyo beesha caalamku taageeri karaan, si loo xalliyo colaadda Tukaraq. 

Waxa ay sidoo kale ka wadahadleen, booqashadii u dambeysay ee ergayga QM uu ku tagay Gaalkacyo, taasoo la xiriirtay xudduudda Puntland iyo Galmudug. Magaalada oo la daalaa dhici jirtay colaad hubeysan, ayaa hadda laga shaqeynayaa si khilaafaadka loo soo afjaro iyadoo booliska iyo guddiga nabadda ee iskudhafka ihi ay hadda laf-dhabar u yihiin dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta.