Kulan socday laba maalmood ayaa gaba gabadiisii lagu baaqay in la ballaariyo gogosha wadahadalka bulshada Soomaaliyeed iyo kor u qaadista u doodista xuquuqda aadanaha

24 Aug 2023

Kulan socday laba maalmood ayaa gaba gabadiisii lagu baaqay in la ballaariyo gogosha wadahadalka bulshada Soomaaliyeed iyo kor u qaadista u doodista xuquuqda aadanaha

Muqdisho – Dood-cilmiyeed socotay muddo labo maalmood ah oo ay isugu yimaadeen dad ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu baaqay in wax badan laga qabto sidii loo ballaarin lahaa gogosha wadahadalka bulshada Soomaaliyeed.

"Ururada bulshada rayidka ah waa ururo muhiim ah sababtoo ah waxay gaaraan dadka xitaa meelaha aysan tagi karin mas'uuliyiinta dowladda. Ururada bulshada rayidka waa kuwo si firfircoon uga hawl-gala gudaha dalka, haddii aan awood la siin iyaga saameynteenna dowlad ahaan lama dareemi karo” ayay tiri wasiir-u-dowlaha haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya, Aamina Xasan Cali.

"Ururrada bulshada rayidka ah waxay si fiican ula falgalaan bulshada iyagoo ogaada baahiyaha bulshada, waxayna dhamaystiraan dadaallada dowladda," ayay ku dartay wareysiga maalinta furitaanka dood-cilmiyeedka oo aheyd Arbacadii.

Dood-cilmiyeedkan oo ay maalgalisey Qaramada Midoobay ayna soo qabanqaabisay hay’adda aan dowliga ahayn ee Ururka daryeelka haweenka iyo dhallaanka Soomaaliyeed (SWCCA) ayaa waxaa ka soo qeyb galay difaacayaasha xuquuqul insaanka, saxafiyiin, xildhibaano, wasiiro ka tirsan xukuumadda, iyo aqoonyahanno.

Marka laga soo tago balaadhinta goobaha wada hadalka bulshada ee dalka, waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa ururada bulshada rayidka ah (CSOs) si ay uga dhex muuqdaan bulshooyinkooda, uga hadlaan arrimaha muhiimka ah ee xuquuqul insaanka iyo inay awood u yeeshaan inay si wadajir ah codkooda ugu biiriyaan horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Matalaadda Muwaadiniinta

Madaxa Kooxda Xuquuqul Insaanka iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Kirsten Young oo ka hadashay furitaankii munaasabadda ayaa carrabka ku adkeysay doorka muhiimka ah ee Ururada Bulshada Rayidka ah ee matalaadda muwaadiniinta iyo iney masuuliyiinta u soo bandhigaan arrimaha khuseeya dadweynaha.

Hadalkeeda, waxay calaamadisay mawduucyo kala duwan, sida xuquuqda dadka laga tirada badan yahay iyo doorka muhiimka ah ee xorriyadda hadalka ee doodaha furan. Waxay si gaar ah u iftiimisay wada shaqaynta bulshada rayidka ah ay la leedahay baarlamaanka federaalka Soomaaliya si loo meel mariyo sharciga xuquuqul insaanka, xuquuqda naafada iyo xuquuqda carruurta.

"Waxa xiisaha leh ee aan aragnay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, waa in Baarlamaanku uu waday dhageysi ku saabsan arrimaha ay muwaadiniintu u keeneen baarlamaanka - arrimaha iyaga khuseeya," ayay tiri Ms. Young, oo sidoo kale ah wakiilka Soomaaliya ee Xafiiska Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (OHCHR).

"waxaan u maleynayaa in tani ay tahay dhaqan fiican sababtoo ah waa doodo toos ah oo muwaadiniintu daawanayaan iyagoo arka waxa laga hadlayo ka dibna ka falcelinkara," ayay raacisay. Waana shaqooyin badan oo daaha gadaashiisa ay bulshada rayidka ka riixeyso."

Meelaha diirada la saaray

Doodihii labada maalmood socday, ayaa ka qaybgalayaasha diiradda ku saareen arrimo badan oo ay ka mid yihiin ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka.

“Waxaan sii wadeynaa u doodista in dastuurka federaalka ah lagu muujiyo matalaadda haweenka ee boqolkiiba soddonka ee Baarlamaanka. Laakiin taasi lama gaari karo haddii aan la helin taageero la taaban karo oo ay siiyaan bulshada rayidka ah oo si aadka ah ugu ololeysa xuquuqda haweenka, iyo kobcinta wacyiga bulshada,” ayay tiri xoghayaha guddiga haweenka, xuquuqul insaanka iyo arrimaha bini’aadannimada ee baarlamaanka federaalka, Cadar Maxamed.

"Waxaan ogaanay in uu jiro farqi weyn marka loo eego ka qaybgalka haweenka ee horumarinta iyo siyaasadda. Waxaan qabanqaabinay aqoon-is-weydaarsiyo ku saabsan ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda, waxaana ku faraxsanahay in laba ka mid ah saaxiibadeyda ay hadda yihiin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka,” ayay tiri aasaasaha xarunta nabadda iyo horumarinta haweenka, Hibo Cali Cismaan oo hadal ka jeedisay munaasabadda.

Arrinta xuquuqda naafada ayaa sidoo kale lagu muujiyay doodaha. Hadda, sharciga naafada Qaranka ayaa loo diray baarlamaanka si ay u eegaan.

Ku-simaha Agaasimaha Fulinta ee Ururka Daryeelka Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed, Xayaat Maxamed, ayaa xustay in dadka naafada ah loo baahan yahay in la siiyo fursad ay ra’yigooda kaga dhiibtaan fagaarayaasha ay bulshadu ku kulanto, maadaama inta badan la iska indho-tiro aragtidooda.

"Bulshada rayidka ah, baarlamaanka iyo xukuumaddu waxay u baahan yihiin inay iska kaashadaan buuxinta farqigan, kaasoo weli ah caqabad weyn," ayay tiri  Marwo Xayaat.

“Dadka naafada ah waa 15 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed, haddana ma helaan xuquuqaha aasaasiga ah, Tani waa nasiib darro, waxaana dowladda Federaalka ka codsaneynaa in ay nagu gacan siiso sidii aan xuquuqdeenna u heli lahayn, waayo dowladda ayaa mas’uul ka ah,” ayay tiri guddoomiyaha hay’adda kobcinta naafada Soomaaliyeed, Farxiya Maxamuud Maxamed.

War murtiyeed laga soo saaray gaba gabadii kulanka ayaa ka qeyb galayaasha waxa ay isku raaceen in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxeysa bulshada rayidka ah iyo hay’adaha dowliga ah, gaar ahaan Baarlamaanka Federaalka. Ka qaybgalayaashu waxay kaloo ku baaqeen in la helo gogol furan oo oggolaanaysa xorriyadda hadalka, iyadoo loo aqoonsanayo bulshada rayidka ah iyo warbaahinta inay muhiim u yihiin dib-u-dhiska iyo dimoqraadiyadda Soomaaliya.