Qalin Shube Cumar Nuur Baasharax: “Tani shaqo keliya nooma ahan. Waxay ku socotaa xididdada dhiiggeena waxaana ay sal u tahay taariikhdeenna”

previous next
19 Aug 2023

Qalin Shube Cumar Nuur Baasharax: “Tani shaqo keliya nooma ahan. Waxay ku socotaa xididdada dhiiggeena waxaana ay sal u tahay taariikhdeenna”

Muqdisho – Qofka dhex maraya luuq-luuqyada burbursan ee degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho, waxa ugu horreeya ee uu dareemayo waa jabaqda hooseysa ee biraha la qaraacayo lana laab-laabayo ee ka soo baxaysa garaashyada iyo dukaamada ku yaalla hareeeraha waddooyinka yaryar.

Mid ka mid ah dadka jabaqdaasi sameynaya waa Cumar Nuur Baarashax oo 63 sano jir ah.

Isaga oo ay hareerihiisa yaallaan soofayaal, biinsooyin, burusyo iyo kuudinayaal, oo dhabarkiisuna xoodan yahay, indhihiisuna ay xoog wax u fiirinayaan, ayaa waxaa uu naashnaashkii ugu dambeeyey ku sameynayaa silsilad dahab ah oo looga soo dalbadey aroos.

Waa wax uu Mudane Baasharax sameynayey 50kii sano ee la soo dhaafey, xirfaddaan waa mid isaga oo yar uu ka bartey aabbihii. Laakiin waxaa uu ka welwelsan yahay in xirfadda – maqaamka ay ku dhex leedahay bulshadiisu – ay sii jiri doonto 50ka sano oo kale.

“Xirfaddan waxaan bilaabey anniga oo 13 sano jira waxaan ka bartey aabbahay,” ayaa uu yiri Mudane Baasharax, oo ah mid ka mid ah xarfadlayaasha qalin-shubista ee ka harey beesha Qalin Shube, ee caanka ku ah xirfadaha ay u leeyihiin shubista dahabka iyo qalinka.

“Maqaam gaar ah ayay ku dhex leedahay beesheenna. Waxaana loo yaqaannaa Qalin Shube (oo macnaheedu yahay qofka dhalaaliya macdanta qalinka’ hawshaas ayaanna caan ku nahay. Dadku waxay nagu ixtiraamaan xirfaddan,” ayuu yiri Mudane Baasharax. 

“Waxaan dhab ahaan jeclahay in dhallinyaradu ay ogaadaan in xirfadahan ay qiime sare leeyihiin ayna tahay in la ilaaliyo. Waa in la baraa taariikhdooda iyo dhaqankooda,” ayuu intaa sii raaciyey. “Waxaan waxyaabo aad u qurux badan ka sameynaa dahab iyo qalin. Middan shaqo keliya nooma aha. Waxay ku socotaa xididdada dhiiggeena waxaana ay sal u tahay taariikhdeenna.” 

Taariikhda asaliga ah

Beesha Qalin Shube waxaa ay ka mid tahay beel-weynta Banaadiriga ee degta xeebaha koonfurta Soomaaliya. Caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaa ay aad u deggan yihiin degmada Xamarweyne.

Beesha Banaadiriga, waxaa ka hoos farcama beelo kale oo yaryar. Beelahaas waxaa ka mid ah Shaanshi, oo caan ku ah xirfadaha ganacsiga iyo karinta macmacaanka; beelaha Moorshe iyo Bandhabow, oo looga dambeeyo dharka gacanta lagu farsameeyo; iyo Reer Faqi; oo lagu yaqaanno taqwadooda iyo in ay ka mid yihiin culimo badan oo aad loo ixtiraamo.

Laakiin marka ay timaaddo farsamada sameynta jowharaadka (dahabka iyo qalinka) la isku qurxiyo ee loo xirto munaasabadaha gaarka ah sida aroosyada, dhalashooyinka iyo sanad-guurooyinka, waxaa ay Soomaalidu u soo doontaan beesha Qalin Shube.

“Farsameynta dahabka laga sameeyo waxyaabaha la isku qurxiyo waxaa markii ugu horreysey bartamihii qarnigii 20aad Soomaaliya keeney Hindi. Aabbahay ayaa xirfadahan ka bartey ganacsatadii Hindida ahaa ka dibna anniga ayaa ka dhaxley,”ayuu yiri Mudane Baasharax. 

Tobanaankii sano ee xigey, ganacisga farsameynta dahabka iyo qalinka ayaa ku bullaaley guud ahaan Soomaaliya waxaana ay caan kaga noqotey Bariga Afrika iyo meelo ka shisheeyaba. 

“Waxyaabaha aan soo saarno ayaa lagu soo bandhigi jirey dibadda sida magaalada Talyaaniga ku taalla ee Milano,” ayuu yiri Mudane Baasharax. “Nasiib-darrose, hadda ma jirto arrintaas.”

Waqtiga Is-beddelaya 

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka bilowdey horraantii 1990-meeyadii ayaa wax walba beddeley. 

Intii ay socotey colaadda dhiigga badan ku daatey, ayaa badi ganacsiyadii yaryaraa ee beesha Qalin Shube ee jiilalka iska soo dhaxleen ay burbureen, oo qaar ka mid ah farsamayaaqanadii ugu fiicnaa ee dahabka farsameyn jirey ee Soomaaliya ayaa la diley ama dalka ka qaxay.

“Dhismayaashii iyo qalabkeennii shaqada waa la bililiqeystey, maciishaddeennii waa la burburiyey, waxaana qaar badan oo naga mid ah ay ku khasbanaadeen in ay dalka ka qaxaan,” ayuu yiri Mudane Baasharax.

Xataa kuwii badbaadey ee dalka sii joogey, waxaa aad hoos ugu dhacay shaqadooda maaddaama macaamiishii ay wax iibin lahaayeen ay meesha ka baxeen.

Laakiin qaar ka mid ah Qalin Shube-yaasha ayaa hawshooda sii watey, xataa markii xaaladuhu xumaadeen. Sii wadashada shaqadooda kuma saleyneyn keliya dakhliga ka soo gelayey – waxaa ay ilaa xad ku faraxsanaayeen sii joogteynta farshaxannimada shaqada ay caanka ku ahaayeen.

Tiro wax yar ka badan dersin haween iyo rag ah ayaa weli ka sii shaqeynaya qalin-shubista, mustaqbalku ma ahan mid rajadiisu fiican tahay – badi farsama-yaqaannada waa ay duqoobayaan waxaana aad u tiro yar dhallinyarada Soomaalida ah ee dooneysa in ay farsamada ka dhaxlaan. Qalin Shubaha ayaa aaminsan in ugu yaraan laba ilaa saddex sano ay qofku ku qaadneyso in uu si buuxda u barto xirfadaha farsamo ee la halmaala in la kululeeyo biraha qaaliga ah,  in gacanta looga shaqeeyo oo laga farsameeyo waxyaabaha la isku qurxiyo iyada oo qalab aasaasi ah la adeegsanayo.

Mudane Baasharax oo aabbo u ah shan carruur ah ayaa waxaa uu aad isugu dayayaa in uu xirfadahaas aan wax loo dhiga lahayn uu u gudbiyo carruurtiisa,  laakiin iyaga iyo dhallinyarada kale ee beeshaasi ayaa ay yar tahay xiisaha ay u hayaan barashada xirfaddaas.

“Xamarweyne waxaa jooga dad khubarro ku ah hawshan. Waxaa jooga ilaa 20 rag ah iyo lix haween ah. Dadkan waxaa ay diyaar u yihiin in ay aqoontan u gudbiyaan jiilka dhallinyarada ah,” ayuu yiri Mudane Baasharax.

Macaamiisha oo weli daneyneysa

Dhinaca kale waxaa yaab leh, inkasta oo ay degdeg hoos ugu dhacayso xiisaha loo hayo in la barto xirfadda qalin-shubista, haddana weli waxaa jira macaamiil daneyneysa shaqadooda.

Sida uu sheegey Mudane Baasharax, tayada wanaagsan ee waxyaabaha ay farsameeyaan Qalin Shubayaasha, oo ay weheliso sida ay waxyaabaha ay farsameeyaan u waafajin karaan waxa uu shakhsiga macmiilka ah uu rabo iyo dhaqaalaha uu haysto, ayaa sababtey in ay helaan macaamiil badan, oo ay ka mid yihiin kuwo dibadda ku nool.

“Waxyaabaha aan farsameyno waxaa lagu jecleystey in ay yihiin kuwo gacanta lagu farsameeyo, tayadooda, nakhshadda iyo quruxda. Haweenka ayaa dahabka aan farsameyno xirta marka ay jiraan musaabadaha gaarka ah, sida aroosyada iyo kulamada kale ee ay bulshadu isugu timaaddo sida Dabshidka waana ay ku faraxsan yihiin waxa aan farsameyno,”ayuu yiri Mudane Baasharax.

“Macaamiisha ayaa mararka qaar naga codsada in aan u farsameyno nakh-shad gaar u ah waxaana muhiimad gaar ah u leh in ay haystaan fursad ay ku dooran karaan waxa ay rabaan,” ayuu sii raaciyey. “Waana taas midda keentey in ay weli rajo nagu sii jirto.”

Waxa dad la gudboon

Laakiin marka laga soo tago in ay adag tahay in la helo dhallinyaro Soomaali ah oo raba in ay farsamadan bartaan, xirfadlayaasha Qalin Shubeyaasha waxa haysta culeys kale: tartan ay suuqa kula galaan jawharadaha la soo dhoofiyo, dhibaato ay kala kulmaan in qalabkii farsamada ay ka helaan suuqa degaanka iyo in ay aad u yar yihiin alaabada qayriin ee tayada leh, ayaa ah tiro yar oo laga magac-dhabi karo.

“Dahabka bannaanka ma soo dhigi karno sababta oo ah waa nalagu dili karaa [yacni tuugo] ama alaabteenna ayaa la xadi karaa qiimaha iyo muhiimadda uu leeyahay dahabka daraaddood. Waxaan ku khasbanahay in aan inta badan farsameyno qalinka kaas oo dakhliga dad ka soo gelayo uu yar yahay,” ayuu yiri Mudane Baasharax.

Farsamo-yaqaanka ayaa aaminsan in haddii la sameeyo xarun tababar oo ay ku soo hirtaan ayna ku negaadaan qalin-shubayaasha mustaqbalka ay taasi gacan ka geysan karto waarista qaybtan ka mid ah dhaxalka reer Qalin Shube.

Mudana Baarashax oo keliya sidaas ma qabo.

“Xirfadahan jiilba jiil ayuu u soo gudbinayey ilaa maanta, haddase waxaa ay mareysaa waqti xasaasi ah, taas oo lagamamaarmaan ka dhigtey in laga ilaaliyo dabargo,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Khaalid Macow, oo ka tirsan ururka aan dowliga ahayn ee degaanka ka dhisan ee magaciisu yahay WeLiterate, oo bulshooyinka jilicsan ee Muqdisho ku dhiirrigeliya kor-u-qaadista akhris-qoraalka iyo isku-filnaanshaha si wax looga qabto caddaalad-darrada, takoorka iyo saboolnimada iyo si gacan looga geysto ilaalinta dhaqankooda iyo xirfadaha shaqo ee soo-jireenka ah ee halista ugu jira in ay ka dabar-go’aan Soomaaliya.

“In mar walba lagu tiirsanaado alaabo dibadda laga soo dhoofiyo waxa ay la mid tahay in aad baa’bi’ineyso hiddahaaga, farsamadaada gacanta, ilbaxnimadaada waana in aan marna oggolaan in ay taasi dhacdo,” ayuu sii raaciyey Mudane Macow, isaga oo xusey in dhiirrigelinta isticmaalidda waxyaabaha dalka lagu farsameeyo ay gacan ka geysan karto hawsha farsameynta biraha. 

Qaramada Midoobey ayaa fikradaas ku waafaqsan.

Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobey ee Xuquuqul-Insaanka /The Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR) iyo hawlgallada hay’addan caalamiga ah ka jooga Soomaaliya ayaa wada-hawlgalayaal degaanka ka jira iyo bulshooyinka Soomaaliyeed kala shaqeeya soo bandhigista hodonnimada iyo kala-duwanaanshaha dadka iyo dhaqanka Soomaaliyeed si ay u dhiirrigeliyaan in si macno ku fadhida looga wada-qaybqaato mustaqbal nabad iyo u-wada-dhammaansho ku sifeysan oo ay yeeshaan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa leh taariikh hodon ah iyo hidde iyo dhaqan cajiib ah, waxaana taas markhaati u ah beesha dahabka shubta iyo xirfaddeeda. Dahab-shubista keliya nooma aha xirfad ee waxaa ay qayb aasaasi ah ka tahay dhaqanka lagu aqoonsanayo beelaha Banaadiriga ah ee Muqdisho,” ayay tiri Madaxa Kooxda Xuquuqul-Insaanka iyo Ilaalinta ee Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM), Kirsten Young, ahna Wakiilka OHCHR ee Soomaaliya. 

“Beesha ayaa weli ilaashaneysa xirfaddeeda inkasta oo ay jiraan dhibaatooyinka la xiriira nabad-gelyo-xumada, gacan-ka-hadalka iyo barakaca, waxaana muhiim ah in loo dabaaldego guushan laakiin waxaa sidoo kale muhiim ah in kor loo qaado wacyiga ku aaddan culesyadan la soo xusey,” ayay ku dartey Ms. Young.

Hay’adda Qaramada Midoobey ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa sidoo kale ka shaqeysa ilaalinta iyo dhowrista dhaqanka iyo dhaxalka dabiiciga ah, marka laga bilaabo goobaha taariikhiga ah iyo matxafyada, ilaa hab-dhaqannada iyo ganacsiyada soo-jireenka ah ee weli nool. 

“Xirfadaha sida tan Cumar oo kale waxaa loo hoos fariistaa macallin, oo markan ahaa aabbihiisa, waxaana ay u lumi karaan si abadi ah haddiii uu hal jiil keliya jilco xiriirka u dhexeeya macallinka iyo ardayga. Si la mid ah sida marka ay lunto bay’ad (eco-system), ama luuqad, dunidu waxay noqoneysaa mid ka liidata sidii ay ahayd,” ayuu yiri Madaxa Miiska Soomaaliya ee UNESCO, Mark Wall.