Labo haween ah oo ka adkaaday saddex rag ah doorashada baarlamanka ee hadda socota

18 Nov 2016

Labo haween ah oo ka adkaaday saddex rag ah doorashada baarlamanka ee hadda socota

 

Saddex murashax oo haween ah ayaa lagu doortay maamulka Jubbaland maalintii ugu horeysay ee cod-bixinta. Labo ka mid ah kuraasta lagu tartamayay waxaa loo qoondeyay haweenka kaliya laakiin Xamsa Sheekh Xasan ayaa la tartantay labo murashax oo rag ah.

49 jirtaan horey u aheyd xildhibaanad ayaa si xoog leh uga adkaatay ninkii la tartmayay, iyadoo heshay codad gaaraya 36 cod guud ahaan 50-kii cod ee ergadu dhiibteen.

“Wuxuu ahaa nin iga xoolo badan waxaana taagerayay rag kale iyo waliba dad ka yimid qurbaha,” Laakin waxan juhdi weyn galiyay la tashiga odeyaasheyda aniga markasta waxa dhageysta dadkeyga.” ayay tiri Xamsa

Markii uu dilaacay dagaalkii sokeeye 1991 Xamsa waxay si geesinimo leh ugu biirtay dhaqdhaqadyadii ururada bulshada oo ay xiligaa adkeyd in qof haween ah ka hadasho siyaasada. Waxay ka shaqeysay dhowr ururada bulshada rayidka ah kuwaas oo ay ku jiraan xarunta Cilmi Baarista iyo Wada-hadalka iyo xarunta Hormarinta Haweenka, intii aysan kusoo biirin baarlamnka.

“Sababta aan ugu soo biiray siyaasada waa anigoo ka rajo dhigay xaalada fowdo ee dalkeygu kusii socdo,” ayay ku tiri hooyadan oo heysata sideed caruur agoon ah. “Dagaal kasta waxa uu aad u saameyaa haweenka si toos ah. Caruurtena iyo nimankeena ayaa ku dhinta dagaalka.”

Saameynta uu haweenka Soomaliyed ku yeeshay colaadaha hubeysan ayaa Xamsa ku dhiiro galisay iney raadiso in codka dumarka laga maqlo fagaaraha siyaasada ee dalka.

“Waxaan ka soo jeeda bulsho aad u nugul oo ku nool hareeraha wabiga Jubba gobolka Jubbada hoose,” ayay sheegtay haweeneydan loo doortay ka mid noqoshada baarlamanka iyadoo ku mataleysa kursiga beesha Cowl-yahan. “Markii ugu horeysa oo aan bilaabay dhaqdhaqaageyga, ujeedkeygu wuxuu ahaa inaan xoojiyo haweenka ay saameysay dagaalada, saboolnimada iyo waliba cudurada.”

Si ka duwan Soomali fara badan oo da,deeda ah ayaa doortay iney joogan dalka intii ay socotay fowdadii iyo dagaaladii sokeeye, halkii ay ka aadi lahaayen dibada si ay u helaan meelo amaan ah.

“Waligey kuma noolaan meel ka baxsan Soomaliya,” ayay tiri. “Waxan joogay halkan xitaa xilligii ugu xumeyd ee dagaalada sokeeye dhibaataduna aad u darneyd. Arintaa ayaa igu dhiira galisay inaan u istaago xalinta dhibaatoyinka iyo waliba kor u qaadida nolasha dadkeyga.”

Guud ahaan nolasha Xamsa waxay u olaleyn jirtay joojinta ku dhaqanka gudniinka fircooniga kasoo inta badan gabdhaha ay isku deeganka yihiin lagu sameeyay. Waxay u aragtay dhaqdhaqaqeda inuu u noqon karo qalab lagu raadin karo ilaalinta qeybaha bulshada ee taagta daran.

“Inaan ku dhex jiro siyaasada waxay I siisay cod xoog leh iyo madal aan ku abuuri karo is-badal,” waxan caawiyay dad badan oo taag daran, dadka dhiban ee bulshadeyda.” Ayay tiri.

Waxaa guusheeda qeyb weyn ka qaatay taagerada ay ka hesho odayaal beeledyada kuwasoo sida ay sheegtay jecel iney dhageystaan.

Xamsa waxay sidoo kale u mahadcelisay dowlada Jubbaland doorkeeda ku aaday taagerida qoondada haweenka laga siiyay Aqalka hoose, 17 haween ee ku guuleystay kuraasta guud ahaan dalka 9 ka mid ah waxa laga soo doortay Jubbaland ilaa 18 November.

Xamsa waxay balan qaaday iney u isticmaali doonto xiligeeda afarta sano ee baarlamanka iney ka guul gaarto isbadal waara.

“Soomaliya waxay soo martay burbur fara badan sanadihii la soo dhaafay” waxan rabaa inaan ka qeyb qaato dib u soo kabashada Soomaliya. Waxan u baahanahay inaan dhalinyarada ka caawino helida shaqooyin kuna dhiiri galino haweenka iney ka qeyb qaatan siyaasada.” Ayay tiri Xildh. Xamsa

Guusha Xamso ee sanadkan ka guuleysatay saddexda murashax ee rag ah ayaa laga yaabaa iney dhiiro galiso haween badan iney ku daydaan marka dalka uu qabanayo doorashooyinka soo socda ee 2020.