Shan xildhibaan kale oo loo doortay Golaha Shacabka doorashooyinkii ugu dambeeyey ee Baydhabo iyo Jowhar

Saraakiisha doorashooyinka ayaa tirinaya codadka inta lagu guda jiray doorashada  xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Baydhabo, 27 Nofembar 2016. QM Sawir

27 Nov 2016

Shan xildhibaan kale oo loo doortay Golaha Shacabka doorashooyinkii ugu dambeeyey ee Baydhabo iyo Jowhar


Shan xildhibaan oo kale ayaa maanta loo doortay Golaha Shacabka doorashooyinka ka socda magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar ee caasimadaha maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.
 
Doorashada Baydhabo ayaa tirada xildhibaannada la doortay ee metelaya Koonfur Galbeed ka dhigaysa 59, waxaana maalmaha soo socda loo tartami doonaa 10-ka kursi ee harsan.
 
Mudane hore oo lagu magacaabo Xasan Cusmaan Xuseen ayay ergadu dib u dooratay isagoo helay 31 cod, halka musharraxiintii la tartamayay oo kala ah Axmed Luqmaan iyo Axmed Sheekh Xasan Fiqi ay kala heleen afar iyo 16 cod.
 
Xasan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dib loo doortay, isagoo xusay in uu ku rajo wayn yahay ka soo dhalaalidda waxyaabaha ay ka filanayso bulshadiisa. Xildhibaanka la doortay ayaa qiray in geeddisocodka doorashada uu ahaa mid adag, ayna ku qaadatay olole hal sano ah sidii dib loogu dooran lahaa.
 
“Loollanku wuxuu ahaa mid adag, xilli kastana waan rumaysnaa in uusan kursigu cidina u gaar ahayn, balse uu yahay boos uu qof kasta u tartami karo. Waxaan diyaar u ahaa la shaqeynta cid kasta, haddii la iga guulaysan lahaa, waxaana rajeynayaa in musharraxiinta aan ka guulaystay ay ayagana sidaas si la mid ah samayn doonaan,” ayuu yiri Mudane Xasan ka dib doorashadii Axadda.
 
Xildhibaan kale oo hore, Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa isna dib loo doortay isagoo helay 49 codka, ka dib markii musharraxaddii la tartamaysay, Faadumo Maxamed Axmed, ay ka tanaasushay tartanka. 
 
Dhankaas iyo Jowhar, haweeney ayaa ka mid ahayd saddex musharrax oo Axaddii xildhibaannimo loo doorto xilli maamul goboleedyada ay u degdegaayaan sidii ay u soo gabagabayn lahaayeen doorashooyinka. Guddiga HirShabeelle u qaabilsan hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa ballanqaaday in uu dedejin doono geeddi socodka.
 
“Waan sii wadi doonnaa hannaanka doorashada xubnaha Golaha Shacabka labada maalin ee harsan. Si hufnaan leh ayaan u wadi doonnaa ilaa aan ka soo afjarno hannaanka,” ayuu yiri Cusmaan Baarey, afhayeenka Guddiga HirShabeelle u xil saaran hirgelinta doorashooyinka dadban.
 
Xubnaha la doortay ayaa kala ah Maryan Axmed Haaruun, oo ku guulaysatay kursi loo qoondeeyey musharraxiin haween ah; Maxamuud Cabdullaahi Axmed iyo Cabdirsaaq Axmed Maxamed. Iyadoo hadleysay wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay in ay guuleysatay, Maryan ayaa sheegtay in guusheeda ay sabab u tahay dadaal iyo shaqo adag, waxayna dhammaan Soomaalida ugu baaqday midnimo si dalka loo horumariyo.  
 
“Safar dheer ayuu ahaa, dadaal adag ayaan soo galnay muddo dheer si aan u xaqiijinno in qofka ugu habboon uu ku guulaysto kursigan, ugu dambayntiina qofkaas ayaa ku guulaystay. Aan hadda u midowno sidii aan u horumarin lahayn dalka,” ayay tiri Maryan.
 
Waxay uga mahadcelisay maamulka HirShabeelle xushmaynta qoondada 30 boqolkiiba ee loogu talagalay haweenka, waxay kaloo u mahadcelisay ururrada haweenka oo u ololeeyay sidii ay haweenka ku heli lahaayeen xuquuqdooda.
 
Xildhibaan Maxamuud Cabdullahai Axmed ayaa dhankiisa ballanqaaday in uu ka dhabayn doono ballamihii uu qaaday muddadii uu ololaha ku jiray. “Waxaan u shaqayn doonaa dadka. Waxaan ballanqaadayaa in aan adeegyo u fidin doono dadka. Waxaan rajeynayaa in aan fulin doono ballamihii aan qaaday, waxaan doonayaa taageeradiinna,” ayuu raaciyay Maxamuud.
 
Doorashada saddexda mudane ayaa ka dhigan in maamulka HirShabeelle uu soo gunaanaday saddex meelood labo meel kuraasta loo qoondeeyay beelaha ka soo jeeda maamulkaasi. Ilaa hadda, 24 xildhibaan ayaa lagu doortay HirShabeelle kuwaas oo qeyb ka ah 37 kursi oo maamulkaasi loo qoondeeyay, waxaana ilaa hadda harsan 13 kursi oo u baahan in la buuxiyo ka hor dabayaaqada toddobaadka.