Xoosh Jaamac Faarax: “Waxaan go’aansaday inaan sameeyo horumar la taaban karo anigoo adeegsanaya waxbarashada.”

18 Jun 2022

Xoosh Jaamac Faarax: “Waxaan go’aansaday inaan sameeyo horumar la taaban karo anigoo adeegsanaya waxbarashada.”

Garowe – Xoosh Jaamac Faarax wuxuu yiri ma jiraan wax aan dadka dheerahay, laakiin waxa uu sheegay inuu yahay nin dhallinyaro oo dadaal badan ku bixiyay inuu wanaajiyo mustaqbalkiisa, nolosha reerkiisa, isla markaana ku hamminaya inuu qayb ka qaato dadaalka dalkiisu ugu jiro inuu helo baraare iyo nabad waarta.

Dadaal xilli dheer kahor uu soo bilaabay, waliba asagoo da’adiisu yartahay, ayaa horseeday inuu soo gaaro halka uu maanta joogo.

Noloshiisa oo ka hufan isla wayni, waxaa wax la taaban karo ka baddalay dadaalkii uu galiyay waxbarashada. Waqtigan la joogana wuxuu maamulaa ganacsi guulaystay oo u gaar ah gudaha magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland.

Asaga oo aan ku doodayn inuu yahay tusaalaha dhallinyarada kale, wuxuu aaminsan yahay in dadaallada uu nolosha ka sameeyay ay dhiiri galin karaan dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed.

Xoosh Jaamac, oo loo yaqaan ‘Xoosh Docol’ – waxa uu dhashay sannadkii 1991-kii, waqtigaas oo waddanku galay dagaal sokeeye oo daba-dheeraaday. Waxa uu ku dhashay tuulo yar oo lagu magacaabo Labilammaane oo ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Qoyskiisu waxay ahaayeen xoolo-dhaqato, wuxuuna ka mid ahaa 13 walaalo ah.

Isaga oo ku dhex koray cabsida iyo qalafsanaanta dagaalka, waxa uu go’aansaday in uu noloshiisa wax ka sameeyo, waxbarashaduna waxa ay u furtay waddo wanaagsan.

Sanadku markuu ahaa 1997-kii, ayaa asaga iyo walaalkii ka wayn waxay u wareegeen magaalada Jariiban si ay waxbarashadooda iyo dhismaha mustaqbalkooda halkaas uga yagleelaan. Labadan walaalaha waxay halkaasi ku sugnaayeen muddo sagaal sano ah, hayeeshee Mudane Xoosh waxa uu halkaasi ku dhamaystay waxbarashadiisii dugsiga hoose. Sanadku markuu ahaa 2006, wuxuu u wareegay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo uu waxbarashadiisii ​​sare ku dhameystay dugsiga sare ee Cumar Samatar, waxaana uu si guul ah u qaatay shahaadada dugsiga sare sanadku markuu ahaa 2012.

Intaa kadib, waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ku qaatay koorsada horumarinta dhaqaalaha iyo maamulka, Jaamacadda Muqdisho xarunteeda Boosaaso, wuxuuna ka qalin jabiyay sanadkii 2016-kii.

Mid kamid ah dadaalladii uu ka dhabeeyay ee ahaa ballaarinta xirfaddiisa, xilli uu wali ku gudo jiro waxbarashadiisii jaamacadda ayuu xilliyada yar ee uu firaaqada helo wuxuu Mudane Xoosh u huray arimaha bulshada. Shaqooyinka aan buuxin ee uu qabanayay waxaa kamid ahaa mid uu la hayay hay’adda Qaramada Midoobay ee Cuntada Adduunka (WFP), waxana uu ku shaqayaynay barnaamijka diiwaangalinta. Wuxuu kaloo qaatay koorsooyin dhowr ah oo dhinaca online-ka ah, dhinacyada naqshadaynta sawirada iyo maaraynta mashaariicda.

"Safarka aan ugu jiray aqoon kororsiga wuxuu ku bilowday dadaal iyo naf-hurnimo – Waxaan bilaabay inaan wax is baro, anigoo qaadanaya koorsooyin door ah oo aan doonayay inaan ku kobciyo heerkayga aqooneed – Intii u dhaxaysay sanadihii 2015-kii iyo 2017-kii, waxaan ku guulaystay inaan sameeyo koorsooyin gaa-gaaban oo dhinaca internet-ka ah, kuwaasoo dhab ahaantii iga caawiyay inaan kobciyo xirfaddayda shaqo,” ayuu yiri.

Hamuunta uu u qabay kororsiga aqoonta wuxuu ka baxsanaa xayndaabka waxabrasho ee caadiga ah ee uu waday. Tusaale, sanadkii 2017-kii, wuxuu si guul ah u dhamaystiray koorso hal sano ah oo uu bixinayay mac-hadka Alison oo ah xarun bixisa waxbarashada internet-ka laga helo.

"Markii aan koorsadaas dhameeyayba, waxaan xaqiiqsaday inaan yeeshay aasas wanaagsan oo la xiriira xirfadda filin samaynta, taasi oo ah mid kamid ah dhinacyada xirfadaha ee aan ku xooganahay, gaar ahaan dhinacyada tifaftirka iyo duubista filimada,” ayuu yiri 31-jirkan.

Sahankiisa waxbarashada, oo ay u dheerayd galaangalkiisa la xiriira raadinta fursadaha la xiriira warbaahinta dhijitaalka ee soo kobcaysa, ayaa u sahashay inuu baddalo xirfaddii shaqo ee uu diiradda ku hayay.

Hadda waa khabiir dhanka soo saaridda warbaahinta dijitaalka oo saldhigiisuna yahay magaalada Garoowe. Waxa uu maamulaa shirkadda Dookh Press, oo uu aasaasay sanadkii 2017-kii, waana shirkad hoos laga soo bilaabay balse iminka shaqaalaysiisay dad gaaraya todobo qof.

"Markii aan dhidibbada u aasayay shirkaddan, waxay fikraddan dhalatay xilli aanan loo hayn wax dhaqaale mana jirin dhaqaale aan ka doontay dadka ehelka ama dayn aan ka dalbaday bangiyada maxalliga ah. Waxaa ku riyoon jiray inaan sameeysto ganacsi iigaar ah, kana faa’iidaysto xirfaddayda dhinaca wax soo saarka dhijitaalka ah, waxaana si tartiib-tartiib ah u suurto galay qorshahaygii iyo inaan sameeyo macaamiil, sanado yar kadib, shirkaddaydu waxay noqotay mid kamid ah shirkadaha laga yaqaan magaalada aan dagganahay ee Garoowe ee bixiya adeegyada ugu wanaagsan,” ayuu yiri Xoosh Docol. 

“Tan iyo markii aan aasaasay Dookh Press shan sano kahor, waxaan hirgaliyay wada shaqayn taabbo gashay oo aan la sameeyay hay’ado ay kamid yihiin kuwa Qaramda Midoobay, hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah iyo sidoo kale qayb kamid ah hay’adaha Puntland,” ayuu intaa raaciyay. “Tusaale, ayadoo ay shaqeeyaan shirkado kale oo tayda lamid ah ayaa Wasaaradda Waxbarashadu ii dooratay inaan kala shaqeeyo naqshadaynta 118 buugta waxabrashada ee iskuulada hoose ee Puntland gaar ahaan illaa fasalka afaraad. Waxaa intaa dheer inaan si gaar ah u naqshadeeyay 100 buug oo aan u samaynay jaldiyo.” 

Dib u milicsi

Marka dib loo milicsado socdaalkiisii ​​nololeed ilaa hadda, waxa uu ka sheekaynayaa waddadii uu u maray si uu u gaaro madax-banaanidiisa iyo isku filnaanshihiisa. Ma ahayn safar sahlan marka la bar bardhigo qaar badan oo asxaabtiisa ah.

Caqabadihii uu la kulmay, waxa uu ka warramayaa kala-guurka adag ee tuulo yar oo faqiir ah oo loo guuray magaalo weyn, oo leh shabakad qoys oo kooban iyo taageero dhaqaale oo yar.

Iyadoo qaar ka mid ah asxaabtiisa ay u aadeen dalka dibadiisa si ay nolol middooda ka wanaagsan u raadsdaan, ayaa asaga waxaa ka go’nayd inuu raaco wadadii uu u qorshaysnayd inuu raaco ee guulaha u horseedday.

"Weligay waxaan aaminsanaa dalkayga, waxaanan ku kalsoonahay inay jiraan fursado badan oo dalkayga ah, hadday tahay waxbarasho iyo hadday tahay shaqo. Qof kastaa iguma raacsanayn aragtidayda - tiro aad u badan oo dhallinyaro ah oo ila mid ah oo dibadda u aaday baadigoobka nolol wanaagsan iyo waxbarasho ka wanaagsan tan hadda jirta, ayaa ugu dambeyntii u riyaaqay go'aankeyga ka dib markii qaarkood ay ku guuldareysteen inay rumeeyaan riyooyinkoodii dibadda," ayuu yiri.

Walow uu wajahay caqabado door ah intuu uu waddadaas ku jiray, haddana marna kama aysan hakin inuu ku taagnaado waddadiisa.

"In badan oo kamid ah waqtigayga ayaan u huray inaan madax-bannaanaado. Waxaan go'aansaday inaan nafteyda ku horumariyo waxbarashada iyo inaan yeesho mustaqbal ifaya," ayuu yiri Mudane Xoosh. “Khibraddayda, ma jirto wax lagu baddasho hawl-karnimo hadii aad rabto inaad gaarto himiladaada. Waxaan qaatay go'aanka ah inaan xoogga saaro ballaarinta xirfadeyda si aan riyadeyda u rumeeyo."

Abaalgud bulsho

Si lamid ah hal-abuurro badan oo guulo gaaray, Xoosh wuxuu ku faraxsan yahay in wixii uu soo bartay inuu dib ugu celiyo una adeego bulshadiisa sida waxbarashada oo noqotay wadiiqada ugu muhiimsan ee uu taageerada ku bixiyo.

Isagoo diiradda saaraya horumarinta bulshada ayadoo la adeegsanayo waxbarashada iyo horumarinta naftiisa, waxa uu shaqo aan buuxin oo macallinimo maaddada Biology-ga ka bixinayay Boosaaso waxaa u dheeraa casharo gaar gaar ah oo xilliyada fiidkii uu bulshada siin jiray. Dabadeed waxa uu sii waday in uu isku daro waxbaridda iyo u doodista bulshadiisa deegaanka, isaga oo u gudbinaya aqoonta iyo kor u qaadista wacyiga ku saabsan arrimo badan ayadoo la isticmaalayo aaladaha dhijitaalka ah.

“ Sanadku markuu ahaa 2015-kii, waxaan sameeyay olole dhanka baraha bulshada ah oo la magac baxay #Isbaro oo ujeedkiisu ahaa in dhallinyarada Soomaaliyeed la baro arimo badan oo ku saabsan taariikhda Soomaaliya, suugaanta, afka, deegaanka, dhaqanka, xiddigaha iyo kuwo kale oo badan –  run ahaantii waxay ii ahayd khibrad isoo jiidatay inaan baaritaan ku sameeyo mawduucyadan isla markaana aan la wadaago dadka ila da’ada ah. Mawduucyadan waxaan waday muddo afar sano ah, qudhaydu markaas wax badan oo cilmi ah ayaa ii kordhay,” ayuu yiri Xoosh Jaamac.

Waayo-aragnimadiisii ​​ahayd inuu yahay aabbe dhalay afar carruur ah oo yaryar, da’dooduna u dhexayso hal ilaa sagaal jir, oo ay weheliso waaya-aragnimadiisa u gaarka ah ee uu ku soo koray dhaqaale yari, waxay ka dhigan tahay in baahida iyo rajada dhallinyarada Soomaaliyeed aanay marnaba maskaxdiisa ka fogayn.

“Shaqo la’aantu waa caqabad weyn oo soo wajahda dhalinyarada Soomaaliyeed, si looga gudbo culeyskaas, waxaan mar walba dhalinyarada u sheegaa inay dalkooda aaminaan, oo ay aad wax u bartaan, marka ay awoodaanna ay shaqo abuur u sameeyaan, mar walba waxaa jiri doona caqabado, laakiin arrimahaas waxaa looga gudbi karaa dulqaad iyo naf-hurid badan,” ayuu intaa raaciyay.

 

Muhiimadda waxbarashada

Qorshaha horumarinta qaranka ee sagaalaad ee Soomaaliya, oo daboolaya muddada 2020-24, ayaa waxbarashada ku daraya liiska qaybaha muhiimka u ah horumarka iyo baraaraha dalka, waxaana mas’uuliyiinteedu hiigsanayaan inay “ waxabrasho aasaasi ah oo bilaash ah oo khasab ku ah ardayda ah ku helaan waxbarashada aasaasiga ah fasal/sannad kasta ilaa inta laga gaadhayo guud ahaan 2030."

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa muddo sanado ah ka taageereysay Dowladda Federaalka dhanka waxbarashada. Waxaa ka mid ah dhameystirka qorshaha istaraatiijiyadeed ee qeybta waxbarashada, daah-furka manhaj cusub oo waxbarsho oo loogu talagalay dugsiyada hoose dhexe ee dalka oo dhan, qaadista imtixaanaadka guud ee dalka Soomaaliya oo dhan, iyo in si habsami leh ay u soo gebagebowday dib u eegista wadajirka ah ee qeybta waxbarashada ee Muqdisho.

Intaa waxaa dheer, in Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay si xooggan ugu ololaynayso in la kordhiyo maalgelinta qaybta waxbarashada ee Soomaaliya si loo hubiyo in waxbarashadu ay tahay mid ay heli karaan dhammaan bulshooyinka.

Qaramada Midoobay waxay si xooggan isugu hawshay taageerada in la gaaro Yoolalka Horumarka Waara. Yoolalkani waxaa lafdhabar u ah waxbarashada waxaana aasaas u ah in dadku helaan waxbarasho tayo leh oo ay uga baxaan faqriga, iyo sidoo kale yaraynta sinnaan la’aanta, iyo awoodsiinta dhaq-dhaqaaqa dhaqan dhaqaale iyo in la gaaro sinaanta jinsiga.

Qayb ka mid ah Ajendaha 2030  ee Yoolalka Horumarka Waara  waa baaq caalami ah oo ku aaddan wax-ka qabashada faqriga, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta nolosha iyo rajada qof kasta, meel kasta, waxaana ansixiyay dhammaan waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay 2015-kii oo qayb ka ah Ajendaha 2030-ka, kaas oo dejinaya qorshe 15 sano ah oo lagu xaqiijinayo qorshayaasha Yoolalka Hourmarka Waara.