Maalinta Nelson Mandela, Dowladda Soomaaliya iyo QM ayaa ka hadley xaaladda xabsiyada Soomaaliya

18 Jul 2024

Maalinta Nelson Mandela, Dowladda Soomaaliya iyo QM ayaa ka hadley xaaladda xabsiyada Soomaaliya

Muqdisho – Iyaga oo ka hadlaya xuskii Maalinta Caalamiga ah ee Nelson Mandela, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta ka hadleen xaaladda xabsiyada dalka iyo muhiimadda ay leedahay sii wanaajinta xaaladaha xabsiyada iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista. 

“Xabsiyada mararka qaar waa qaybta la iloobay ee nidaamka cadaaladda. Iyadoo sidaas ay tahay, haddana xaaladaha xabsiyadeenna iyo xuquuqda maxaabiista ku jirtaba waxay leeyihiin muhiimad weyn. Waxaan ku bilaabaynaa soo-jeedin fudud: xabsiyadu waa in ay noqdaan meesha xalka ugu dambeeya ah,” ayay tiri Nasrin Khan, oo ah Madaxa Qaybta Isku-dhafan ee Garsoorka iyo Asluubta ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). 

“Waa kuwo ay dowladda kharash badan ku bixiso maamulkooda, in maxaabiista dhaqancelin loo sameeyo oo bulshada dib loo dhexgeliyo mooyaane, waxaa sii kordhi karta halista in ay dambi kale soo geystaan – sidaa daraadeed maanta waxay noo tahay fursad muhiim ah oo aan ku qiimeyn karno halka aan joogno iyo dib-u-milicsiga mudnaanaha mustaqbalka ee hortabinta leh,” ayay hadalkeeda ku dartey.

Marwo Nasrin Khan ayaa ka hadleysay munaasabad si wadajir ah loogu xusayey Maalinta, oo sidoo kalena lagu daah-furayey warbixinta qiimeynta QM ee ku saabsan xaaladaha xabsiga ee Soomaaliya. 

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgaley wakiillo ka socda xukuumadda Soomaaliya, baarlamaanta, bahwadaagta caalamiga ah iyo sanduuqyada, barnaamijyada iyo hay'adaha QM. Hay'adaha Qaramada Midoobay waxaa ka mid ahaa Xafiiska QM u qaabilsan Ka-hortagga Daroogada iyo Dembiyada (UNODC), oo aragtidiisa ku aaddan sida uu u hirgelinayo xeerarka loogu magac-darey Xeerarka Nelson Mandela la wadaagey xukuumadda Soomaaliya iyadoo uu u marsiinayo Barnaamijka Isku-dhafan ee Garsoorka iyo Asluubta ee QM.

Hadalladii uu munaasabadda ka jeediyay, xildhibaan Generaal Bashiir Cabdi Maxamed – oo ah guddoomiyaha Guddiga Xabsiyada (Asluubta) ee Barlamaanka – ayaa wuxuu ku xusay doorka la-socoshada ee sharci-dejinta, wuxuunna ku celiyay qodobadii ay Marwo Nasrin Khan sheegtay ee la halmaalay dhaqancelinta.

“Tusaale ahaan, waxaan Wasaaradda Waxbarashada ka codsaney in ay gacan ka geysato dhaqancelinta maxaabiista. Ujeeddada xabsigu waa in ay noqotaa dhaqancelinta maxaabiista halkii lagu ciqaabi lahaa. Arrintan ayaa xaqiijinaysa in ay bulshada dib ugu noqdaan oo ayna wax-ku-biirrinayaan iyagoo isbeddelay oo aqoon leh. Waxaan Wasaaradda ka codsaney in ay bixiso tababar xirfadeed/mihnadeed sida koronto gelinta (farsamada korontada), dhismaha bulkeetiga, tubogelinta (tubiistenimo), ama xitaa waxbarasho toos/rasmi ah. Iyadoo codsigeenna ka soo jawaabeysa, ayay wasaaraddu waxay ku deeqday buugaagta wax lagu barto, waxaana socda howsha waxbaridda maxaabiista,” ayuu yiri Jen. Bashiir. 

Warbixinta xabsiyada

Warbixinta UNSOM, ee cinwaankeedu yahay ‘Xaaladaha Xabsiga Soomaaliya – Qiimeyn Dhammeystiran,’ ayaa bixinaysa sharraxaad kooban oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah, iyo soo-jeedimo.

Caqabadaha taagan, ee ay waxbixintu sheegayso waxaa ka mid ah buux-dhaaf/ciriiri, nadaafad-darro, biyo nadiif ah iyo koronto la'aan, iyo helitaanka daryeel caafimaad.

Xabsiyada qaar, dhismayaasha xabsiga ayaa ah kuwo ay xaaladoodu aad u liidato oo halis ugu jira in ay dumaan, taas oo khatar ku ah nolosha maxaabiista iyo hawlwadeennada xabsiyada. Tiro badan oo maxaabiista ka mid ah uma xukumna dambiyo culus, oo ay ka mid yihiin inta badan haweenka iyo carruurta xabsiga ku jira. 

Warbixintu waxay ku talinaysaa dib-u-habeyn sharci iyo mid siyaasadeed oo ka tarjumaysa baahiyada ay xilligan qabaan maxaabiista, dayactirka xabsiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, dhismaha xarumo caafimaad oo si fiican u qalabeysan, bixinta joogtada ah ee cunto iyo biyo nadiif ah oo ku filan, iyo hirgelinta barnaamijyada waxbarashada iyo tababarka xirfadeed ee xabsiyada, iyo dib-u-habeyn kale.

Iyadoo ay wehliyaan barnaamijyada, sanduuqyada iyo hay'adaha QM ee kala duwan, ayaa Qaybta Isku-dhafan ee Garsoorka iyo Asluubta ee UNSOM waxay sannado badan taageeraysay xasbiyada Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa dowladda Soomaaliya. 

Gargaarkan waxaa ka mid ahaa karti-dhisid iyo taageero farsamo oo la siinayo nidaamka asluubta Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo Xeerarka Nelson Mandela, ee ku aaddan xaqiijinta in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha iyo sharafta shakhsiyaadka xorriyadooda laga qaadey, iyadoo diiradda la saarayo kooxaha nugul oo ay ka mid yihiin haweenka iyo carruurta.

“Habkeenna waxaa udub-dhexaad u ah ‘Xeerarka Mandela,’ oo ah iftiin nagu hagaya hab xabsi-dhigid ku saleysan bani'aadamnimo, ammaan ah, oo dhaqan-toosin leh. Xeerarkan ma ahan oo kaliya soo-jeedimo laakiinse waa jiheeye akhlaaqeed, oo nagu jiheynaya dhanka xushmeynta sharafta qof walba,” ayay tiri Marwo Nasrin Khan.

“Inta aan horey u sii soconno,” ayay tiri iyadoo hadalkeeda sii wadata, “aan ballanqaadno in aan xabsiyadeenna u beddelayno meelo ixtiraamka loogu hayo xuquuqda aadanaha uu u gogol xaarayo dhabbaha dhaqancelinta saxda ah. Aanu ka wada-shaqeyno sidii aan u xaqiijin lahayn in habkeenna ku aaddan asluubta uusan kaliya ku tacaluqin xabsi ku hayn laakiinse uu sidoo kale ku saabsan yahay wax-ku-biirrin – wax-ku-biirrinta nolosha maxaabiista, qoysaskooda, iyo marka dambena, qaab-dhismeedka bulshadeenna.”

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya (MoJCA), Feysal Aadan Xasan, oo munaasabadii maanta ka hadley ayaa sheegay in shaqaalaha xabsiga aysan helin tababar xirfadeed iyo agab, iyo sidoo kale baahiyada aasaasiga ah ee xirfadeed oo ku filan iyo in aysan ku baraarugsaneyn jaangooyada caalamiga ah ee la xiriira dhaqancelinta iyo xuquuqda maxaabiista.  

Wuxuu xusay in Wasaaraddiisu ay ka shaqeynayso sidii ay wax uga qaban lahayn arrimahan.

“Nidaamku wuxuu u shaqeeyaa qaab militeri oo keenay dhibaatooyin iyo hufnaan la'aan. Iyadoo arrintan ka jawaabaysa, Wasaaradda Cadaaladda – oo caawimaad ka helaysa saaxiibada kale ee caalamiga ah – ayaa waxay ka shaqeynaysay qaab xabsi oo cusub iyo in qaabka cusub ee la soo-jeediyay uu hiigsanayo in la sameeyo adeeg xasbi oo ay hoggaamiyaan dad rayid ah,” ayuu yiri mudane Feysal.

Maalinta Caalamiga ah ee Nelson Mandela

Golaha Guud ee QM ayaa 18kii bisha Luulyo u aqoonsadey Maalinta Caalamiga ah ee Nelson Mandela sannadkii 2009 si ay ugu sharfaan himilada Madaxweynihii Hore ee Dalka Koonfur Afrika oo ahayd duni aan ka jirin dulmi, saboolnimo iyo sinnaan la'aan. 

Nelson Mandela, ka hor inta uusan madaxweyne noqon wuxuu 27 sano ku soo jiray xabsi xilligii Midab-takoorka uu ka jiray dalka Koonfur Afrika, ka hor inta uusan ugu dambeyntii xorriyaddiisa dib-u-helin sannadkii 1990.

Mudane Mandela intii uu ku jiray xabsiga jasiiradda Robben Island, waxaa uu hoggaaminayey dhaq-dhaqaaq amardiiddo madani ah oo maxaabiista u horseeday in ay helaan xaalado wanaagsan. Amardiiddadan waxay aakhirkii keentay in cuntada iyo xaaladaha kale la wanaajiyo.

Sannadkii 2015, Golaha Guud ee QM wuxuu meelmariyay Xeerarka Ugu Yar ee Jaangooyada QM ee La-dhaqanka Maxaabiista – oo sidoo kale loo yaqaanno ‘Xeerarka Nelson Mandela’ – kuwaas oo ku saleysan waajibaadka in dhammaan maxaabiista la xushmeeyo iyadoo sharaftooda la ilaalinayo.