Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo daah furay Xeerka Dowladda Hoose

14 Jul 2017

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo daah furay Xeerka Dowladda Hoose

BAIDOA – Maalinta talaadada, maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamul goboleedyada ka jira dalka ayaa si rasmi ah u daah furay Xeerka Dowladda Hoose, wuxuuna sidoo kale bilaabay hannaanka dhismaha golaha degmada.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo taageero ka heleyso Barnaamijka Wadajirka ee Maamulka Dowladaha Hoose ee Qaramada Midoobay, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM), iyo Midowga Yurub (EU), waxaa ay ka shaqeyneysaa in ay dhisto gole degmo oo xooggan haddana nidaamsan, tanina waxaa ay qayb ka tahay dadaalka ay dowladda ugu jirto in ay wanaajiso hufnaanta iyo daahfurnaanta dowladaha hoose. Daahfurka xeerka dowladda hoose iyo bilowga hannaanka dhismaha golaha degmada waxaa ay muujinayaan in howlahan ay si rasmi ah horey uga socon karaan maamulka. 

Dadka khudbadda ka jeediyay daahfurka ka dhacay Baydhabo, oo ah caasimadda maamulka Koonfur Galbeed, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in awoodda la baahiyo lana gaarsiiyo heerka ugu hooseeya, si loo xaqiijiyo in dadka shacabka ah ay dooran karaan hoggaamiyeyaasha ay ayagu doonayaan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sharif Xasan Sheekh Aadan, ayaa asna sheegay in maamulka uu asaga hoggaamiyo uusan faragelin ku sameyn doonin geeddi-socodka lagu dooranayo madaxda dowladaha hoose, wuxuuna xaqiijin doona in geeddi-socodka uu noqdo mid ay dadka horwadeen ka yihiin.

“Waxaan u aragnaa dhismaha golaha degmada iyo maamulka degmooyinka guulaha laga dhaxlay nidaamka federaalka. Runtii, waxaa aan u mahadcelineynaa dhammaan dadka lug ku lahaa qabaanqaabinta, maalgelinta, iyo dadka ka dambeeyay hannaankan,” ayuu ku daray Madaxweyne Xasan Sheekh Aadan, asagoo ballaanqaaday in Maamulkiisa uu taageeri doono go’aannada hay’adaha la doorto. “Waxaan rajeyneynaa in ay dooran doonaan hoggaamiyeyaal wanaagsan kuwaas oo hagi doono. Ka maamul ahaan, waxaa aan ballanqaadeynaa in aan faragelin ku sameyn doonin hay’adaha la doorto.”

Madaxa Wafdiga ka socday Midowga Yurub, Pilar Palmero, oo ku hadlaysay magaca midowga ayaa xustay in hannaanka gobolka loogu dhisayo dowladaha hoose waa mid ay leeyihiin ayna hoggaaminayso Soomaalida. Waxaa ay shegtay in hannaankan uu wanaajin doono nolosha shacabka ku dhaqan deegaannada. “Waa hiigsi ay leeyihin ayna hoggaaminayaan dadka Soomaalida, kaas oo si buuxa u waafaqsan waxyaabaha dowladda mudnaanta u ah, iyo siyaasadaha iyo qorshaha qaybaha kala duwan,” ayay tiri Marwo Palmero.

Waxaa ay intaasi ku dartay in Midowga Yurub uu in muddo ah ay taageerayay xasilinta iyo xoojinta dowladaha hoose ee dhammaan Soomaaliya. “Maamul hoosaad oo hufan waa wax muhiim u ah wanaajinta nolosha dadka. Sida dadka qaar ay yiraahdaanba, waxaad u dhowdihiin dadka aad mataleysaan, waxaa awoodna u leedihiin in aad isbeddel natiijo la taaban karo leh aad la timaaddaan,” ayay tiri Marwo Palmero. 

Ku xigeenka Madaxa xafiiska Koonfur Galbeed ee UNSOM, Usman Dogar, ayaa carrabka ku adkeeyay in Maamulidda Dowladaha Hoose uu ku saleysan yahay mabaadii’da la xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si loo siiyo shacabka Soomaaliyeed awood ay kala xisaabtamaan dowladaha hoose arrimo la xiriira adeegyada ay bixiyaan iyo waxqabadkooda.

Mudane Dogar ayaa sidoo kale ammaanay dadaallada wadajirka ah ee Maamul Goboleedka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, iyo bah wadaagta kale, wuxuuna ku celceliyay in si loo xaqiijiyo in la sameeyo dowlad hoose oo hufan, waa in laga qaybgaliyo dadka muhiimka ah sida ururrada haweenka, ururrada dhallinyarada, odayaal dhaqameed, culumada, siyaasiyiinta, iyo madaxda heerarka kala duwan.

Barnaamijka Wadajirka ah ee Dowladaha Hoose ee Qaramada Midoobay waxaa dhaqangeliyaa shan Hay’adood ee Qaramada Midoobay oo la kaashanaya maamulka Dowladda. Shanta Hay’adood ee Qaramada Midoobay waxaa ay kala yihiin: Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO), Sanduuqa Raasumaalka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNCDF), Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Degsiimaha Aadana (UN-Habitat), iyo Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF).