Madasha Bahwadaagta Soomaaliya oo qiimeyn ku sameeyey horumarada dalka, halka ay bidhaamiyeen waxyaabaha hortabinada leh

7 Dec 2020

Madasha Bahwadaagta Soomaaliya oo qiimeyn ku sameeyey horumarada dalka, halka ay bidhaamiyeen waxyaabaha hortabinada leh

Mogadishu – Dowladda Federalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ayaa shir hal maalin isugu yimi magaalada caasimadda ah, kulanka meeqaamkiisu sarreeyey ayaa lagu qiimeeyey horumarada uu dalka ka sameeyey qeybaha kala duwan, halka la’isku afgartay waxyaabaha soo socda ee hortabinada leh.

Sida sanadkii hore, Madasha Bahwadaagta Soomaaliya waxaa lagu qabtay Muqdisho, mawduucyada looga hadlayna waxaa ka mid ahaa doorashooyinka dalka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Kala Guurka la qorsheeyey ee Amniga, horumarka dhaqaalaha iyo kuwo kale.

Doorashada Soomaaliya ayaa hareysay khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed X. Rooble kaas oo ahaa shir gudoonka Madasha isu keentay Dowladda Federalka, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo saaxiibada caalamka.

Isaga oo ka hadlaya in aan hore loogu socon doorashooyinkii ‘Qof iyo Codka” ahaa ee doorashooyinka hadda socda, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in nidaamkaas codeynta ah uu gaar ahaan ahaa himilada dhammaan Soomaalida, waxa uu ballan qaaday in la sameyn doono diyaar garow xilli hore ah inta aan la gaarin doorashooyinka midda hadda xiga, waxaa diyaar garowgaas ka mid ah wadahadallo lala yeesho Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka.

“Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay durba bilowday habraac lagu sameynayo tub looga gol leeyahay in ay ku qabsoonto doorasho nooceedu yahay heer caalami 2024/2025. Habraacaas waxa uu u baahan doonaa in lala falgalo daneeyeyaal ay ka mid yihiin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, ururada bulshada rayyidka ah, asxaabta siyaasadda si loo xaqiijiyo doorasho loo dhan yahay, laguna kalsoon yahay mustaqbalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Kelmeddiisii Madasha oo ku baxday qaab dhinaca khadka ah, Ergeyga Gaarka ah ee Xogyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, waxa uu ku baaqay wadaxaajood si loo xalliyo caqabadaha ku hor gudban doorashooyinka hadda, waxa uu bidhaamiyey baahida loo qabo tub laga shaqeyn karo oo leh hiigsi ku jaan go’an waqti oo horseeda doorashooyin “Qof iyo Cod” ah doorashooyinka xiga midda hadda.

Ergeyga Gaarka waxa uu ku tilmaamay heshiiskii wadar ogolka ahaa ee ay gaareen Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee horseedka ka noqday heshiiska hadda ee doorashooyinka dadban, in ay caddeyn u tahay waxa lagu guuleysan karo haddii la maro dhabbe wadaxaajood iyo dhisidda wadar ogolka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay baahida loo qabo in horumar laga sameeyey dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah inta lagu guda jiro muddo xileedka barlamaanka hadda fadhiya si looga baaqsado dib u dhac.

“Waxaan aaminsannahayin ay aad muhiim u tahay horumarka laga sameeyey qodobada aan xasaasiga ahayn in ansixintooda la xaqiijiyo kahor dhammaadka muddo xileedka barlamaankan, marka ma aha muhiim in markale dib loo soo bilaabo. Tani, sidoo kale waxa ay u baahan doontaa heshiis u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka. Waxaan rejeynayaa in si deg deg ah hore loogu sii wado. Waxaa sidoo kale muhiim ah in lagu soo daro haweenka, ururada bulshada iyo kooxaha kale, kuwaas oo aan hore looga qeybgalin. Laakiin geeddi socodka dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah wali mid hortabin muhiim ah leh oo aan dooneyno in aan aragno horumarro badan oo laga sameeyey,” ayuu yiri Ergeyga QM.

War-Murtiyeedka La Soo Saaray

Gunaanadkii Madasha, waxaa la soo saaray War-murtiyeed lagu xusay in “Sii wadidda wadaxaajoodyo loo dhan yahay si loo dhiso heshiisyo wadar ogol ah in ay muhiim u tahay xaqiijinta in la fuliyo doorasho waqtigeeda ku dhacdo, lagu kalsoon yahay oo la aqbali karo, si loo ilaaliyo dhaqanka Soomaalida ee awoodda si nabad ah la’isugu wareejiyo.”

Waxaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ansixinta qodobada aan xasaasiga ahayn ee dastuurka qabyo qoraalka ah kahor inta uusan dhammaan muddo xileedka siyaasadeed ee hadda jira. War Murtiyeedka, waxaa lagu sheegay in saaxiibada caalamka ay ogoladeen in ay Soomaaliya ka taageeraan qodobadaas iyo kwo kale, sida sii wadidda geeddi socoda dib u heshiisiinta qaran iyada oo laga qeybgalinayo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka.

Saaxiibada caalamka waxa ay sidoo kale ogolaadeen sii wadidda taageeridda kala guurka la xiriira in Soomaaliya ay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalka oo ay kala wareegeyso ciidamada nabad ilaalinta ee Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM), waxaa ka mid ah in dib u qaabeyn lagu sameeyo AMISOM si loo xoojiyo la dagaalkanka Al-Shabaab iyo dardargalinta hawlaha kala guurka amniga.

Arrimaha quseeyey horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, War Murtiyeedka waxa uu xusay in dalku horumar la taaban karo ka sameeyey dhaqaalaha, oo lagu xusi karo guushii taariikhiga ahayd ee lagugaaray HEERKA GO’AANKA ee Wadamada Saboolka ah ee Sida Weyn u Qaameysan (‘Decision Point’ under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative) bishii Maarso ee sanadkan. Waxa ay tilmaameen in dadaal badan la sii galiyo dhinacan.

“Iyada oo heleysa taageerada caalamka, Soomaaliya waxaa ka go’an in ay fuliso is bedello muhiim ah oo la xiriira maaliyadda iyo dhaqaalaha, sare u qaaddo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka oo ay qeyb ka tahay dhaqaalaha Dowladda Federalka ay siiso Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, raadinta ka mid noqoshada Ururuka Ganacsiga Aduunka, horumariso koboc dhaqaale oo loo siman yahay, iyo sare u qaadidda is dhexgalka dhaqaale ee gobolka si barwaaqo intaas ka badan loogu gaaro,” ayaa lagu xusay War-Murtiyeedka.

Saaxiibada caalamka waxa ay ogolaadeen in ay Soomaaliya ka taageeraan sameynta nidaam qaran oo lagula tacaalayo saameynta is bedelka cimilada ku yeesho amniga guud ee bili’aadamka, sameynta siyaasadda bulshada, in ahmiyad la siiyo awoodsiinta dhallinyarada, la shaqooyin la abuuro, la dhiso adkeysigooda iyada oo loo marayo badbaadinta bulshada, xoojinta awoodda ay Dowladda u leedahay adeeg bixinta dadweynaha, wax ka qabashada saameynta halista ah ee uu yeesho COVID-19 iyo kor u qaadidda sharciyadda Dowladda (Government legitimacy).

Intaas waxaa dheer, saaxiibada caalamka waxaa ka go’an in ay Soomaaliya ka taageeraan horumarinta waxyaabaha leh hortabinada sida lagu xusay Qorshaha Qaranka ee Sagaalaad.

** Halkan ayaad ka heli kartaa War-Murtiyeedkii Madasha Bahwadaagta Soomaaliya.