Sweden oo gacan ka geysaneysa dhaqancelinta dagaalyahaannada Al-Shabaab ee ku xiran xabsiyada Soomaaliya

1 Jun 2017

Sweden oo gacan ka geysaneysa dhaqancelinta dagaalyahaannada Al-Shabaab ee ku xiran xabsiyada Soomaaliya

Baidoa –  Wafdi madax sare oo uu hoggaaminayo Safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mikael Lindvall, ayaa maanta booqasho ku tagay xabsiga dhexe ee Baydhabo si ay u kuuragalaan hirgelinta mashruuca dhaqan-celinta maxaabiista Al-Shabaab.

Danjire Mikael Lindvall waxaa ku safarkiisa ku weheliyay madax ka socday Adeegga Xabsiyada iyo Carbinta ee Sweden iyo Agaasimaha UNSOM ee Guddiga ku Dhaqanka Sharciga iyo Hay’adaha Ammaanka, Mudane Staffan Tillander.

Wafdigan ayaan booqday xabsiga una kuuragaleen howlaha mashruuca dhaqancelinta, waxay sidoo kalena la kulmeen maamulka xabsiga iyo howlwadeennada mashruuca. Howlwadeennada ayaa sheegay in laga gudbay cabsida iyo shakiga ay qabeen maxaabiista Al-Shabaab kaddib markii lala yeeshay wada-hadal iyo kalsooni-dhis, waxaa ayna xuseen in maxaabiista ay haatan si buuxa ula jaanqaadayaan mashruuca.

“Ujeedka waxaa uu yahay in aan sii wadno mashruuca oo aan eegno in aan sii ballaarin karno oo aan ka bilaabi karno meelaha kale ee Soomaaliya,” ayuu yiri Mudane Lindvall.

Wafdiga ayaa sidoo kale la kulmeen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaas oo mahad ballaaran u soo jeediyay dalka Sweden taageerada ay ku bixisay mashruucan, waxaana uu ka codsaday in ay maamulka ka saacidaan dib u dhiska nidaamka garsoorka iyo iyo dhisidda xabsi cusub si loo wanaajiyo xaaladaha xabsiyada. 

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbalin karin in ay shacabka caddaalad ka doontaan maxkamadaha Al-Shabaab sababo la xiriira in aysan jirin garsoor shaqeynaya.

“Aad ayay muhiim u tahay in idil ahaan la dhiso xukunka sharciga iyo in wax waliba la isku dheelitiro. Waxaan u baahannahay ciidan boolis ah, waxaa loo baahan yahay caddaalad, waxaa loo baahan yahay xabsiyo dadka qaab hufan oo wanaagsan ula dhaqmo,” ayuu yiri Mudane Tillander.

Markii laga gudbo mashruuca dhaqancelinta, hay’adda UNSOM waxaa ay taageero siineysay xabsiga iyado u dhistay bar kontarool; ayna tababar siisay ciidamada asluubta dhanka maareynta aasaasiga ah ee xabsiyada, xuquuqda aadanaha iyo daryeel caafimaad. Sidoo kale, iyada oo kaashaneyso hay’adda UNIDO, waxaa ay fureen xarun maxaabiista lagu baro xirfadaha gacanta.

Taliyaha xabsiyada gobolka Baay, Aadan Cali Axmed ayaa u mahadceliya UNSOM, dalka Sweden iyo hay’adaha kale dadaalka ay ugu jiraan horumarinta ammaanka, bixinta tababarka iyo wanaajinta daryeelka maxaabiista. “Kani marki hore xabsi lama dhihi kareynin,” ayuu yiri.

Booqashada wafdiga Sweden ayaa yimid kaddib markii horantii bishii la soo dhaafay shirkii London ee Soomaaliya lagu ansixiyey heshiis dhinaca ammaanka kaasi oo ku baaqaya heeshiis siyaasadeed ee ku aaddan  caddaladda iyo qaab-dhismeedka xabsiyada Soomaaliya.