Fariinta madaxa Qaramada Midoobay ee munaasabadda Ciidul-Fitriga

4 Jun 2019

Fariinta madaxa Qaramada Midoobay ee munaasabadda Ciidul-Fitriga

Muqdisho – Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay bogaadin diiran oo ku aaddan munaasabadda Ciidul-Fitriga u diraysaa dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Sarkaalka Ka Mas’uulka ah (Sii Hayaha) Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa yiri, “anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay, waxaan idiin rajeynayaa Ciid farxad iyo raynrayn leh oo nabad ah.  Iyadoo la joogo waqtigan gaarka ah ee sannadka, waxaan idinku soo biiraynaa si aan u soo dhoweyno bisha cusub ee bilatay iyo dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.  Waxaan idiin baryayaa in barakada Ciidda ay raynrayn iyo farxad badan idiin keento idinka iyo qoysaskiina, waxaana rajeynaynaa in ujeeddada Ciidda ay xoojin doonto nabad iyo barwaaqo laga helo dalka dhammaantiisa. Ciid Wanaagsan.”