Madaxda Maamulka ku-meelgaarka ee Galmudug oo aragtidooda ku aaddan hanaanka doorasho ee 2016da la wadaagay beesha caalamka

16 Feb 2016

Madaxda Maamulka ku-meelgaarka ee Galmudug oo aragtidooda ku aaddan hanaanka doorasho ee 2016da la wadaagay beesha caalamka

Cadaado –  Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo horkacayay wefdi ka kooban danjireyaal iyo xubno sare oo ka socda beesha caalamka – sida Modowga Afrika, Midowga Yurub, Sweden, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya – ayaa manta booqasho ku tegay Cadaado si ay kulamo ula yeeshaan Madaxweynaha Maamulka Ku Meelgaarka ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo madaxda deegaanka.

Xubnaha wefdigu waxay dhageysteen fikradaha laga qabo go’aanki ay Dowlada Federaalka ah ka gaartay nooca doorasho ee 2016, qorshaha lagu hirgelinayo doorashadaas, iyo hindisaha Khariidadda loo marayo 2020 taas oo ugu dambayn horseedi doonta doorashooyin ku qotoma ‘qof iyo codkiisa’. Madaxweyne Guuleed ka sokow, wefdigu wuxuu la kulmay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, Ku-xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug, madaxda bulshada rayidka ah iyo odey-dhaqameedyada.

Waxaa walaac laga muujiyay habka loosoo xulayo Aqalka Sare ee Baarlamaanka laakiin dhamaantood waxay carrabka ku adkeeyeen inay ogolyihiin go’aanka ay Dowladda Federaalka ah ka gaartay nooca doorasho. Maadaama Maamulkoodu cusubyahay, waxay sheegeen in loo baahanyahay in tixgelin gaar ah la siiyo arrimaha amniga iyo horumarka Galmudug.

“Waxaan Cadaado ku yeelanay fikir is-weydaarsi waxtar leh,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating gebagebadii booqashada. “Madaxdii ka kala socotay baarlamaanka, odey-dhaqameedyada iyo ururada bulshada si cad ayay u sheegeen yididiilada ay ka qabaan Dowladda Federaalka ah iyo beesha caalamkaba”.