Maryan oo ka sheekeysay sida ay uga badbaaday faraxumeynta loo geystay iyo dadaalka ay u sameysay in ay horay u socoto

19 Jun 2017

Maryan oo ka sheekeysay sida ay uga badbaaday faraxumeynta loo geystay iyo dadaalka ay u sameysay in ay horay u socoto

Muqdisho – Maryan Cali (ma ahan magaceeda saxda) waxaa ay tusaysaa dhaawac bogsaday oo tooray ah ee gacanteeda midigta ah laga geliyay, iyada oo ka faalooneyso maalinta ay dhowr hal mar kufsi u geysteen.

Maryan waxaa ay ka shaqeyn jirtay oo ay nolol-maalmeedkeeda ka heli jirtay mid ka mid ah suuqyada caasimadda Muqdisho halkaas oo ay ka ahayd dadka macaamiisha soo dhaweeya, waxayna ahayd qof riyo iyo hiigsi weyn leh. Hase yeeshe, dambiga iyo dulmiga loo geystay ayaa nolosheeda daba-geddiyay oo mugdi geliyay, iyadana ku abuuray cabsi iyo niyad-jab.

“Nin baa ii imid waxaana uu iga codsaday in aan u qaado dambiil. Isma lahayn waa dabin uu kuu dhigayo. Markaan ku dhacnay waddo yar oo jiiro ah, aniga dambiisha madaxa ku sita, waxaa markiba igu soo booday seddax nin. Mid ka mid ah nimankii tooray ayuu I geliyay dhulka ayaana ku dhacay. Labadii kalena waa ay isoo aadeen oo way igu dul dhaceen,” ayay tiri iyadoo ilintii ceshan la’.

Inta ay Maryan xarbineysay si ay uga fakato nimankii, mid ka mid ah dambilayaashii ayaa tooray ku saray, durbadina way suuxday iyagiina mugdiga habeenka ayay ku baxsadeen.

Haweeneydan 35-jirta ah waa laga soo gaaray, waxaana la geeyay xarun ay leedahay Haweenka Nabadda iyo Nolosha (HINNA) oo ah hay’ad maxalli ah ee ka howlgasha Muqdisho taasi oo kaalmeyso dhibbanayaasha shaqaaqada loo geysto haweenka.

Sida laga soo xigtay Fadwa Xasan Jimcaale oo ah masuul u qaabilsan qaybta ilaalinta ee hay’adda HINNA, xarunta waxaa ay bil waliba caawisaa ugu yaraan 50 haween ee loo gaystay faraxumeyn iyo shaqaaqo ka dhan ah jinsiga, tanina waxaa ay caddeeyn buuxda u tahay howsha adage e Soomaaliya hortaallo si wax looga qabto dhibtan.

Fadwa Xasan waxaa ay xustay in xarunta ay ku kaalmeyso dadka dhibta soo gaaray caawinaad dhinac sharci iyo dhinac caafimaad labaduba ayna ku caawiso in ay dib ugu laabtaan noloshooda caadiga ah. “Waxaan siinnaa talo sharci ah haddi ay doonayaan, waana caawinna qofka go’aansaday in uu sharciga horgeeyo dadka dibta u geystay,” ayay tiri

Howlgalka Kaalmeynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) waxaa ay la kaashaneysa asxaabteeda kale si ay u sameyaan wacyigelin ku saabsan khatarta shaqaaqada ka dhan ah jinsi iyo faraxumeynta.

Noel Kututwa, Madaxa Ilaalinta Haweenka ee UNSOM, waxaa ay tiri in hay’adda ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka ah iyo bulshada rayidka ah si loo yareeyo saameynta shaqaaqada noocaasi ah iyada oo ay bixiso adeegyo dhowr ah.

Masuulkan UNSOM waxaa ay sheegtay in inta u dhaxeysay bilaha Janaayo iyo Maarso 2017, asxaabta ka wada shaqeeyo arrimaha ka dhanka ah shaqaaqada jinsiga waxaa ay gaarsiiyeen wadar ahaan 17,053 qof ee dhibbanayaasha ka mid ah waxyaabo isugu jira jawaab-celin ka hortag ah iyo karti-dhisid.