Maxamed Cali Xasan: Wuxuu tusaale u yahay dhallinyarada dooneysa ku biiridda siyaasadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya

previous next
8 Sep 2020

Maxamed Cali Xasan: Wuxuu tusaale u yahay dhallinyarada dooneysa ku biiridda siyaasadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya

Baydhabo – Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu kororka badan dhallinyarada adduunka -taas oo ah, in ku dhowaad 60 boqolkiiba dadkeeda oo lagu qiyaaso 15.9 milyan oo qof ay da'dooda ka yartahay 30, marka la eego Saadaasha Dadweynaha Adduunka, oo ay soo saarto Waaxda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay.

Tiradaas badan ayaa waxa ay la micnotahay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha la xiriira waxbarashadooda, shaqadooda iyo arrimo kale oo fara badan, oo ay ku jiraan matalaaddooda siyaasadeed.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya (KGS) waxay muujinayaan in horumar uu jiro waayahaan dambe.

Xulistii Golaha Shacabka ee ugu dambeeyay ayaa markii ugu horreysay abid dhallinyardu waxay boqolkiiba 40 ka noqdeen baarlamaanka cusub. Tani waa guul la taaban karo oo laga gaaray kaqeybgalka dhallinyarada iyo matalaadkooda, taas oo guud ahaan   si ballaaran loo soo dhoweeyay iyadoo loo diyaargaroobayo doorashooyinka guud ee dalka.

Matalaadda dhallinyarada ayaa la sii xoojiyay kaddib markii bishii Juun ee sannadkan, Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ uu  isku-shaandheyn  kooban ku sameeyey golihiisa wasiirrada, taas oo horseeday in golaha wasiirada ay ku kordhaan  sideed wasiir oo da'doodu ka yar tahay 38.

Ma jiro qeexitaan caalami ah oo la isku raacsan yahay oo ku saabsan da’da dhallinyaranimada. Si kastaba ha noqotee, ka tirakoob ahaan, Qaramada Midoobay waxay ku qeexaysaa ‘dhallinyaranimada’ dadka da'doodu u dhexeyso 15 ilaa 24 sano, in kasta oo aan loo aabbo yeelin qeexitaannada kale ee ay sameeyeen Dowladaha Xubnaha ka ah. Dhaqanka Soomaalida, dadka waxaa lagu tiriyaa inay yihiin dhallinyaro ilaa ay ka gaaraan 40 jir.

Madaxweynaha KGS ayaa ku helay amaan heer gobol iyo mid qaranba sida wanaagsan ee uu u siisay dhallinyarada fursad ay uga mid noqdaan golihiisa wasiirada si ay u muujiyaan awoodooda ay ugu adeegayaan bulshada.

Tusaalaha deegaanka

Mid ka mid ah xubnaha golaha shacabka cusub ee KGS waa Maxamed Cali Xasan, oo gaaray caasimadda ku meel gaarka ah KGS, Baydhabo, bishii Febraayo 2019, si uu u qabto xilka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo loo magacaabay.

34-jirkaan, waddadiisa siyaasadeed ee KGS waxa ay ahayd mid xoogaa lama filaan. Waxa uu ku dhashay, kuna soo barbaaray  waxna ku bartay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaas oo uu kaga qalin jabiyay jaamacadda SIMAD isaga oo qaatay shahaadada cilmiga kombiyuutarka sanadkii 2012.

Wasiirka ayaa kaddib ka soo shaqeeyay wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya(XFS), kuwaas oo sidoo kale siiyay fursado tababar iyo aqoon isweydaarsiyo dibadda ah oo ay la yeesheen qaar ka mid ah saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah.

"Weligay kamaan qixin dalkayga," ayuu yiri. “Qalin-jabintayda ka dib, waxaan fursad u helay inaan la shaqeeyo XFS oo ii oggolaatay inaan tago dalal badan - oo ay ka mid yihiin Japan, Qatar, Turkey, Kenya iyo Ethiopia. Waxaan sameeyay isbarbardhig waxaana xaqiiqsaday in dalalkan aan tagay aysan dhisin malaa'ig oo ay yihiin kuwa ay dhiseen dad sida annaga oo kale ah. Marka, maxaa dalkeyga u diidaya?”

Wasiirka ayaa sheegaya in rabitaanka kaqeybgalka bulshada deegaankooda iyo tan guud ay muhiim u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed ayna wax ku biirin karto waxbarashada iyo dadaalladooda.

“Saddex meelood meel, xubnaha golaha shacabka ah ee hadda jira ee KGS waa jaamiciyiin. Ku soo daridda baarlamaanka dhallinyarada wax baratay, ayaa ah waddada ugu fiican ee isku xirka dowlada iyo shacabka, maadaama dhallinyarada ay yihiin 75 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed,” sidaa ayuu yiri Mudane Xasan.

"Tani waxay ahayd matalaadii siyaasadeed ee ugu fiicneyd ee aan waligeen helno tan iyo markii la dhisay KGS sanadkii 2015," ayuu raaciyay. "Waxaan dhihi karaa waa ay mira dhashay awoodsiinta dhallinyarada- Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya."

Tan iyo markii loo magacaabay wasiirnimada oo uu ku biiray baarlamaanka KGS, Mudane Xasan - iyo xildhibaano kale oo da’yar ah - wuxuu isku arkay in u tusaale u yahay dhallinyarada deegaanka  ee doonaya inay door ku yeeshaan siyaasadda gobolka iyo tan qarankaba.

“Waxaan kula talin lahaa inaysan siyaasada usoo gelin iska gal kuwa kaleba waay galeen darteed. Taabadalkeed, waa inay hadaf yeeshaan qorhseeyaana in ay ka shaqeeyaan:  Haka waaban waligaa inaad u tartanto xafiis siyaasadeed marba haddii aad haysato fikrado miro dhal ah oo kor u qaadi karta amniga gobolkeenna, xasilloonideena iyo dhaqaalaheena, ”ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray," Maxaad fursadaha noocaas ah u siineysaa dagaal oogayaasha iyo khaa'imiinta  adiga oo  awooda in adeeg wanaagsan u qabatid bulshadaada?”

Ficiladiisa, ereyadiisa iyo horumarkiisa ayaa soo jiitay.

“Waxaan u arkaa ku biirista siyaasada inay tahay talaabo muhiim ah (aniga ahaan) waxaan u isticmaali doono ka qeyb qaadashada dadaallada dib u dhiska Soomaaliya. Dhallinta maanta waxay xor ka yihiin qabyaaladda. Waa dad waxtar badan waxayna  abuuri karaan fikrado wax ku ool ah, Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo iyaduna qayb ka qaadan doonta hindisaha dhismaha qaran oo  sal ballaaran,” ayuu yiri Ciise Cabdalla Xasan, oo ka mid ah shaqalaha rayidka dowladda, kuna rajo weyn mar uun  inuu noqdo xildhibaan.

Ku biirista siyaasaddu waxay iga caawin doontaa inaan beddelo  jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya oo aan jaro silsiladdii hore oo ku dhisneed awood siinta jaahiliinta iyo qabqableyaasha dagaalka oo u jeedkood ugu weeyn ahaa u adeegida danaha shaqsiyadeed iyo kan qabiil, iyo ku lug lahaanshaha falalka musuqmaasuqa ah, halkii ay ka shaqeeynlahaayeen danaha ummadda Soomaaliyeed. ”ayuu yiri Mudane Xasan.

U dhaqdhaqaaqe waxbarashada, Cabdi Dhaqane Maxamed ayaa sidoo kale leh rajo la mid ah, oo ujeedkeeda ugu dambeysa ah inuu gacan ka geysto hagidda jihada siyaasadaha waxbarashada KGS - ama xitaa in uu hoggaamiyo - wasaaradda waxbarashada KGS maalin maalmaha ka mid ah.

"Waa qayb ka mid ah qorshahayga inaan ku taageero ka-qayb-galka wax-ku-oolka ah iyo waxbarasho tayo leh oo isku dhafan oo soo saari karta mustaqbalka  hoggaamiyeyaal heer gobol iyo heer qaran ah," ayuu yiri. Waxaan kula taliyaa hogaamiyaasha hadda jira inay bilaabaan dhisidda xarumo lagu tababaro macalimiinta si aan u helno macalimiinta ugu fiican ee carruurteena siin karta waxbarasho tayo leh.”

Marka laga reebo tusaalahiisa shaqsiyadeed, Wasiir Maxamed Cali wuxuu kaloo  isku dayaa inuu wax ka qabto daruufaha haysto dhalinyarada.

Tusaale ahaan, wasaaradiisu waxay iskaashi la yeelatay Hay’adda Horumarinta Warshadaha ee Qaramada Midoobay oo loo yaqaano (UNIDO) iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si ay magaalada Baydhabo uga dhisaan Xarunta Horumarinta Ganacsiga, waxayna tageero dhaqaale ka heshay Wakaaladda Talyaaniga ee Horumarinta Iskaashiga.

Xarunta Horumarinta Ganacsiga Baydhabo oo ka mid ah sadax xarumood oo dalka ka jira, waxaa ay tababar siisaa ganacsatada iyo kuwa doonaya in ay ganacsi bilaabaan mustaqbalka, waxay sidoo kale taageertaa ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee deegaanka waxayna mid-mid uga caawisaa waxayabaha lagama maarmaanka u ah bilaabidda shirkad ganacsi, hagaajinta howlaha ganacsiga, taageerada isku xirka tiknoolajiyadda iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

"Xarunta Horumarinta Ganacsiga waxa ay in kabadan 80 saacadood oo tababar horumarinta ganacsiga ah siisay dhallinyarada iyo haweenka deegaanka. Sidoo kale waxaa ay siisay in kabadan 80 saacadood oo la-talin ganacsi ah oo ay kujirto tagidda goobaha ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah si looga caawiyo kor u qaadista xirfadahooda ganacsi," sida ay hay’addu xustay. “Sidaa darteed, dhallinyaradii iyo haweenkii ganacsatada ahaa ee la tababbaray sidoo kalena lala taliyay waxa ay si fudud u xaqiijin karaan fikradahooda ganacsi, halka kuwa horay u jirayna ay bedeli karaan qaab dhaqameedkii hore ee ganacsigooda.”

Xoog wax ku ool ah

Qaramada Midoobay waxay aaminsan tahay in dhallinyaradu ay noqon karaan xoog wax ku ool u ah horumarka marka la siiyo aqoonta iyo fursadaha ay u baahan yihiin inay wax ku qabsadaan.

Farriintiisa sanadkaan ee Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, oo ku asteysneed 12-kii Ogosto, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu ku ammaanay dhallinyarada firfircoonidooda iyo ka caawinta inay isbeddel ka sameeyaan adduunka.

"Waa nabad-dhisayayaal horumarinaya isku-duubni bulsho waqti lagu jiro kala fogaaansho bulsho, waxayna u gudbeen dhammaynta dagaallada adduunka iyo u ololeeynta wada noolaanshaha waqti nacaybka sii kordhaya," ayuu yiri. "Waxaan ugu baaqayaa hoggaamiyeyaasha iyo dadka waaweyn meel kasta oo ay joogaan inay sameeyaan wax kasta oo suurtagal ah si dhallinyarada adduunka ugu raaxaystaan nolol xasilloon, siiyaana sharaf iyo fursad oo ay gacan kaga geystaan awoodda wanaagsan ee kartidooda.”

Gudaha Soomaaliya, howlgalka Qaramada Midoobay wuxuu sameeyay guddi lataliyayaal dhallinyaro ah, oo ka kooban 18 dhallinyaro ah, sagaal haween ah iyo sagaal rag ah oo ka kala yimid daafaha dalka, si ay ugala taliyaan nidaamka Qaramada Midoobay arrimaha dhallinyarada Soomaaliya. Guddigu wuxuu ujeedkiisu yahay inuu xoojiyo la shaqeynta UN-ka ee dhallinyarada Soomaaliyeed iyo ka-qayb-galkooda geeddi-socodka siyaasadeed iyo dadaallada nabad-dhisidda oo qayb ka ah ajandaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee adduunka.

Ajendaha wuxuu daaranyahay Go’aanka 2250 ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, kaas oo la ansixiyay 2015 wuxuuna xooga saarayaa muhiimada dhallinyarada wakiil ka noqoshada  ilaalinta iyo kor u qaadista nabadda iyo amniga.