Wareysi lala yeeshay La-taliyaha arrimaha Deegaanka ee QM ee Soomaaliya, Christophe Hodder

10 Sep 2020

Wareysi lala yeeshay La-taliyaha arrimaha Deegaanka ee QM ee Soomaaliya, Christophe Hodder

Nooca shaqo ee Christophe Hodder waa mid gaar ah: Muwaadinkan reer Biritin waa khabiirka kowaad ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cimilada iyo ammaanka ee soo hoos taga hawlgaka nabadda ee Qaramada Midoobay.

Booskiisa waxaa maalgeliyay Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Fedraalka Jarmalka waxa ay ku baraarugsan tahay in mawduuca la xiriira cimilada iyo ammaanka ay meel sare kaga jiraan ajadendeyaasha Qaramada Midoobay.

Taageerada Hodder ee uu siiso UNSOM Soomaaliya waxa ay ka soo bilaabatay Nairobi bishii Lixaad 2020. Waxaa u qorsheysanaa in uu si joogta ah ugu safro dalka Geeska Africa, taas laakiin sababo la xiriira xanuunka Caabuqa Koroona Feurus ma suurtagalin.

Mr Hodder, Sidee ayey xiriir u leeyihiin cimilada iyo ammaanka?

Shaki yar ayaa laga qabaa in ay is bedel cimilo socdo – dhabtii xaalad deg deg ah oo cimilo ayaan ku jiraa. Waa wax culus oo aad u weyn, waxa ay is bedel ku saameyneysaa nidaamka deegaanka iyo nolosha. Tani waxa ay toos ula xiriirtaa dadweynaha ku tiirsan waxa aan ugu yeerno raasamaalka dabiiciga ah sida beeraleyda maxaliga ah. Aan tusaale u soo qaadanno dadka u daaq geeysta xoolohooda jiinka Wabiga. Daadadka oo kordhaa waxa ay ku sababi kartaa barakac. Dadkani waxa ay aadi doonaan dhul kale oo ay beerelay kale isticmaasho. Markaa waxaa kordhaya dadaalka la xiriira dhakhliga dabiiciga ah. Cadaadiskan waxa ay la falgalayaan bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha iyo sida ay bulshada u kala dagan tahay. Marka xaaladda meel halis ah fuusho, ayna gabaabsi noqoto waxyaabihii lagula tacaalayey, waxaa dhalanaya dhacdooyin isku xiran oo khatar galiya bulsha. Taas waa xiriirka u dhexxeeya cimilada iyo ammaanka.

Waa maxay khataraha, gaarka ah ee Geeska Africa?

Waxaa jira koror dhinaca abaaraha ah iyo fatahaadaha, deegaanka iyo nabaad guurka dhulka, cudurada dalaga iyo xoolaha, cudurada bili’aadanka sida Kaneecada/duumada laakiin sidoo kale cudurada faafa sida Koroona Feyrus. Waxaa aad u badan dadka meelaha isu dhaw dagan waxaana kordhay dadka magaalooyin dagan kaar ahaan meelaha isku raranka ah kuwaas oo ay ka dhashaan baahi badan oo loo qabo cuntada iyo arrimo la xiriira sicirka cuntada. Sidaas daraadeed, amniga cimilada waxa ay ku laba jibbaareysaa kororka saboolnimada iyo kala duwanaanshaha darajo ee bulshada. Kuwan oo dhan waxa ay kor u qaadayaan dagaalada la xiriira dhakhliga dabiiciga ah iyo waxyaabaha la xiriira xasillooni darada.

Waxaad tahay qofka kowaad ee khabiirka ku ah cimilada iyo ammaanka ee hawlgalka nabadda Qaramada Midoobay aduunka oo dhan. Doorkaaga saxda ah waa maxay?

Doorkeyga waxa weeye in aan taageero Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) si loo meelmariyo waajibaadkooda la xiriira deegaanka.  Waa wax la xiriira sidii uu hawlgalku  barnaamijyadooda ugu tixgalin lahaayeen dhibaatooyinka is bedelada cimilada iyo masiibooyinka dabiiciga ah. Waxaan fariistaa xafiiska ku xigeenka ergega gaarka ah ee Soomaaliya. Waxaan isku dayaa in aan caawiyo ergeyga gaarka ah iyo hawlgalka guud ahaan si ammaanka deegaanka ay qeyb uga noqoto wax walba ee ay sameeynayaan.  Guud ahaan doorkeygu waa sameynta wacyigalin iyo isku xirka saaxiibada kala duwan iyo dadka hawsha ay quseyso, waxaa ka mid ah uruda hoose ee deegaaka dagan. Waxaan ku rejo weynahay in aan caddeyn ku muujin karo in ay muhiim tahay in la isku xiro cimilada iyo ammaanka iyo in dhammaan kuwan la’isugu keeno hawlgalka nabadda dhisidda ee hoos taga Qaramada Midoobay.

Sidee u qorsheyneysaa in aad hawshan u qabato, yaase xiriir la leedahay?

Waxaan taageero ka helay hay’adaha ammaanka cimilada – koox ka kooban dhammaan qoysa Qaramada Midoobay. Waxaa hadaba jira cilmi baaris badan halka saaxiibo kala duwan sida Safaaradaha Jarmalka ay hawshan si dhaw adag uga shaqeeynayeen. Laakiin wali waxaa ay hawli badan in laga qabto u harsan tahay waxyaabo gaar ah, waxaan dhabtii isku dayayaa in aan kala shaqeeyo qeybaha siyaasadda ee hawlgalka, aniga oo ka caawinaya dadaaladooda nabad dhisidda waxa   kala xiriira cimilada , waxaan sidoo kale caawinayaa dhisidda sharciyo iyo hay’addo sharci. Taas waa hal qeyb, midda kale waa taageeridda dowladda iyo hay’adaha kala duwan

Marka waxaad la shaqaynaysaa shabakad ballaaran

Sida cad. Dhinac kale waa ururinta xogaha aan u baahnahay. Sidaa darteed, waxaan la shaqaynayaa saaxiibo sida FAO oo arrimaha cuntada ah iyo UNHCR oo ku shaqa leh barakacayaasha. Sidoo kale gudaha hay'adda QM ee arrimaha degaanka waxaan haynaa sawirro badan oo dhanka dayax-gacmeedka laga qaaday, waxaan sidoo kale kaashanaynaa hay'aadaha gobolka oo xogo badan haya.

Shaqadiinna waxaa maalgelisa DF Jarmalka, sidee u aragtaan doorka uu dalkaasi ka qaadanayo xakamaynta halisaha amaan ee ka dhashay cimilada?

Jarmalku waxay ka mid ahaayeen saaxiibbada horseedka ah marka ay timaado amaan darrida degaanka. Waxay ku lug lahaayeen in ajendahan la horgeeyo Golaha Amaanka. Waxaan ku boorrin lahaa inay diiradda saaraan dhibaatooyinka muddada fog ee Heshiiska Paris. Waa inay ajendaha ballaariyaan oo isku dayaan inay mowduucan geeyaan meelaha sare ee looga hadlo. Waxaan sidoo kale ku boorrin lahaa inay sii wadaan xoojinta mugga QM iyo urur goboleedyada. In kor loo qaado codka dalalka ay saamaysay sida Soomaaliya iyaduna waa muhim. Jarmalku waa inuu sii wada cilmi baarista, xog wadaagga iyo inuu tusaale wax ku hoggaamiyo.

Wax nooga sheeg aqoontaada caafimaad?

Waxaan ka imid dhanka caafimaadka dadwaynaha, oo diiradda la saarayo hab-dhaqanka iyo isbeddellada hab-dhaqanka. Wax badan oo aan cimilada ka sameeyana taas ayay la xiriiraan. Waxaan waayahayga inta badan ku dhamaystay dalalka nugul ee soo koraya, marka waxaan si dhow ula shaqeeyey dowlado dunida ka jira waxaana aqaan sida loo caawiyo nidaamyada nugul. Kahor intii aanan Soomaaliya imanin waxaan joogey Nepal oo aan ka caawinayey dhul-gariirkii. Tusaale, waxaan gacan ka gaystey samaynta Wakaaladda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka.

 

Wareysigan waxa uu  markii hore ka soo muuqday:

 https://www.deutschland.de/en/topic/environment/climate-and-security-ger...