Maxamed Muuse Xassan: Sare u qaadidda Waxbarashada Haweenka ee Ganacsiga Soomaaliya

2 Nov 2020

Maxamed Muuse Xassan: Sare u qaadidda Waxbarashada Haweenka ee Ganacsiga Soomaaliya

Muqdisho In kasta oo ay horumar sameysay sanadihii la soo dhaafay Soomaaliya, haddana  weli waa ay ka fogtahay in ay noqoto meel u sahlan dhanka ganacsiga gaar ahaan haweenka. 

Maxamed Muuse Xasan ayaa hormuud ka ah dadaallada lagu doonayo in arrinkan wax looga qabto. 

Muuse oo 32 jir ah, waa Agaasimaha Fulinta, sidoo kalena waa Aasaasaha, Machadka Hal-abuurka, Teknolojiyadda iyo ganacsi-abuur (IITE) ee SIMAD University, isagoo ku rajo weyn inuu gacan ka geysto hagidda iyo qaabeynta hammiga ganacsiga iyo hal-abuurka ee Soomaalida. 

Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdishu 1988, Mudane Xasan Xiriirkiisa dhow ee ganacsiga waa mid ku lug leh waxbarashadiisa. Wuxuu ka qalin jabiyay jaamacada SIMAD isaga oo ka qaatay shahaadada koowaad ee Bachelor of Business Administration sanadkii 2012, waxaa u xigay Master of Business Administration oo uu ka qaatay jaamacada Ritsumeikan Asia Pacific University sanadkii 2018. 

Waqtigiisa firaaqada, waxa uu in badan oo ka mid ah la shaqeeyaa barnaamijyada hal-abuurnimada ee dhallinyarada. Waxaana howlahaa ka mid ah isaga oo ah iskuduwaha Empower NextGen Somalia,  oo ah barnaamij ay maalgeliso safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyo isku duwaha The Next Economy, oo ay sidoo kale taageerayaan xubno ka tirsan beesha caalamka. Intaa waxaa dheer, waxa uu sidoo kale wada shaqeyn la leeyahay Ashinaga Africa Initiative Young Leaders for Africa ee Tokyo iyo Kakehashi Africa, oo ah urur ay ku mideysan yihiin in kabadan 1,200 oo Afrikaan ah oo wax ku bartay Japan. 

Sida uu xusay Mudane Xasan, IITE waa xarun ka shaqeysa kobcinta hal-abuurka, tikniyoolajiyadda, iyo hal abuurka ganacsiga ee Soomaaliya iyo meelo ka baxsan Soomaaliya. Waxaa loo aasaasay inay bixiso barnaamijyo horumarineed iyo la talin si ay u taageerto ganacsatada gudaha, waxay isticmaashaa hab ku saleysan waxbarasho, aqoon isweydaarsiyo, iyo xallinta dhibaatooyinka, si kor loogu qaado hal-abuurka gudaha dalka.

“Barnaamijyadeeda waxa ay taageeraan kooxo kala duwan: waxaan u haynaa barnaamijyo ganacsatada cusub, milkiilayaasha ganacsiyada yar-yar, shirkadaha ay haweenku leeyihiin iyo ganacsiyada kobac doonka ah. Waxaan sidoo kale haynaa barnaamijyo taageera ardayda cusub ee qalin jabisa si ay u helaan laylisyo shaqo iyo shaqooyin joogto ah, ”ayuu sheegay Mudane Xasan, isaga oo intaa ku daray in machadka IITE uu sidoo kale la shaqeeyay Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) si loo qaabeeyo caqabadaha hal-abuurka, iyadoo la isticmaalayo habab iskaashi oo dhanka tiknoolajiyadda ah. 

Haweenka ganacsada 

Mowduuca haweenka Soomaaliyeed ee ganacsiga ayaa ah mid uu Mudane Xasan aad u daneynayo inuu wax ka qabto, iyadoo dadaal gaar ah laga sameeyay arrintan iyadoo ganacsiyada haweenku leeyihiin la siinayo mudnaanta koowaad. 

“Waxaan la soconnaa muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadkeenna isla markaana la hubiyo in loo dhanyahay barnaamijyadeena si ay gacan uga geysto ajendaha horumarinta qaran ee Soomaaliya. Sababtaas awgeed, waxaan ku dhiirrigelinnaa ka-qaybgalka dumarka barnaamijyadeena. Waxaan qaadannay siyaasad ah inaan meel dhigno boqolkiiba 50 boosaska banaan oo lagu tababari karo haweenka ganacsatada ah dhammaan mashaariicdeenna. Tani waxa ay keentay in aan tababarno ku dhowaad 100 haween ganacsato ah labadii sano ee ugu horreysay; Qaarkood waa qalin jabiyeyaal cusub, halka kuwa kalena ay wadaan howlahooda ganacsi, ”ayuu yiri. 

Sannadkii 2019, waa kii ugu horreeyay ee uu shaqeynayo, Machadka IITE wuxuu u adeegay toddobo ganacsi oo bilow ah. Waxay ka koobnaayeen goobo jalaatada iyo qaxwo lagu iibiyo, meherad kabo iyo goob jimicsi - afar ka mid ah waxaa madax ka ah haween ganacsato ah. 

“Markii aan xaqiijinay habka ay aragtideennu u shaqeynayso, waxaan ku kordhinnay tababbarka ganacsiyada yaryar ee koraya. Waxaan hadda qorsheyneynaa 16 shirkadood oo bilow ah oo aan shaqaale u tababarno waxayna ka qalin jebin doonaan barnaamijkeenna bisha Nofeembar 2020,” ayuu yiri Mudane Xasan. “Waxaan sidoo kale dhammeystirnay tababar aan siinnay 18 shirkadood oo yar yar, iyo kuwo dhexe isugu jira (MSMEs) bishan Sebtembar, waxaana aad ugu rajo weynahay in waxqabadyadeennu caawin doonaan milkiilayaasha ganacsatada Soomaaliyeed sidii ay u qaabeyn la haayeen kobaca ganacsigooda.”  

Mid ka mid ah ganacsatada ka qalin jabisay IITE bishii Sebtember 2020 waa Idil Maxamed Cabdiraxmaan. Waa 25 jir maamusha Kafia Center, oo ah shirkad cusub  oo bixisa wax soo saar iyo adeegyo kala duwan, oo ay ku jiraan cuntooyinka caafimaadka leh, daryeelka maqaarka iyo tababarka xirfadaha fudud sida isgaarsiinta iyo xiriirka macaamiisha. Waxa ay ganacsiga bilawday sanadkii 2017 iyadoo maalgelintii ugu horreysay ka heshay qoyskeeda. 

 “IITE waxay iga caawisay sara u qaadidda aqoonteyda ee maaraynta ganacsiga waxayna igu kordhisay xirfado horumariyay ganacsigayga kana dhigay mid waara. Waxaan bartay sida loo horumariyo istaraatiijiyadaha ganacsiga, tabaha suuq geynta, diiwaan gelinta, maareynta halista, maareynta qiimaha, iyo wixii la mid ah. Waxaan hadda xirfadihii aan ka soo qaatay machadka ku dabbaqay  ganacsigeyga,” ayay tiri Marwo Idil. 

Ardayad kale oo ka qalin jabisay barnaamijka bishii Sebtember 2020 waa Deeqa Sheekh Axmed Nuur Maxamuud, waa 26 jir haysata shahaadada labaad ee Maareynt Gananacsiga oo ay ka qaadatay  Jaamacadda Open University of Malaysia iyo milkiilaha Xarunta Deeqsan Style Center, oo ah shirkad ay aasaastay 2017, waxaana  udub dhexaad u ah agabka dumarka. 

“Waxbarashada ganacsigu waa mid ka mid ah xirfadaha ugu muhiimsan ee ay u baahan yihiin haweenka ganacsatada ah ee Soomaaliyeed, maadaama ay ku qalabeyso kalsooni si ay ula wareegaan kaalin kasta oo ganacsi. Waxay ka caawinaysaa inay sii saadaaliyaan baahiyaha dalka gudahiisa ka jira iyo inay la yimaadaan xalal cusub,”ayay tiri Marwo Deeqa. 

“Marka haweenkeenna Soomaaliyeed ee ganacsatada ah ay la yimaadaan fikirro ganacsi,” ayay raacisay, “isbeddel qoto dheer ayaa dhacaya. Waxay ku baraarugi doonaan fursadaha ku hareeraysan, waxa ayna baranayaan sida loo xalliyo dhibaatooyinka, looguna fekero si qoto dheer oo hal-abuur ku dheehanyahay ,iyo inay ku kalsoonaadaan awooddooda wax ka qabashada caqabadaha. 

Ku dhowaad 100 haween ah ayaa ilaa hadda dhammeystay ganacsiyada koorsooyinka ee IITE. Mudane Xasan wuxuu rajaynayaa in tiradan ay kororto bilaha soo aaddan. 

"Iyadoo la siinayo haweenka xirfadaha ganacsi iyo aqoonta lagama maarmaanka ah, IITE waxay aasaas u tahay ganacsiyada ay haweenku hoggaamiyaan inay koraan oo ay gacan ka geystaan horumarinta dhaqaalaha dalka," ayuu xusay. 

La shaqeynta Qaramada Midoobay 

Hay’adda Shaqaalaha Dunida (ILO) iyo IITE waxay iska kaashanayaan hadda nooc maxalli ah oo ah barnaamijkii hore ee 'Start and Improve Your Business' (SIYB), oo ah barnaamij caalami ah oo ku saabsan hal-abuurka ganacsiga, kaas oo diiradda lagu saarayo tababbarka maaraynta ganacsiga ee haweenka si loo horumariyo bilowga. Kal hore qaar ka mid ah tababarayaasha IITE waxa ay ILO siisay shahaadooyin ku saabsan bixinta barnaamijka SIYB ee haweenka ganacsatada ah ee Soomaaliya. 

Sida laga soo xigtay UN Women, marka la eego awood siintooda dhaqaale, haweenka Soomaaliya guud ahaan waxay ku leeyihiin boos liidata dhanka  shaqada suuqa, waxayna matalaan tiro badan oo dad ah oo ku jira suuqa shaqaaleysiinta nugul. Dhaqaale ahaan, haweenka Soomaaliyeed waxay sameeyeen xoogaa faa'iido ah, iyagoo ku fiday qabtana shaqooyin caadiyan raggu qaban jireen, gaar ahaan iyadoo haween badan ay qaataan mas'uuliyadda dakhliga qoysaska. 

Inkasta oo ay jiraan caddeymo sii kordhaya oo ku saabsan natiijooyinka wanaagsan ee ka imanaya xoojinta dhaqaalaha haweenka adduunka oo dhan, haddana haweenka da'da yar ayaa weli la kulmaya sinnaan la’aan xagga waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha ah, sida laga soo xigtay Hay’adan Qaramada Midoobay, iyada oo intaas ku dartay in maal-gashiga lagu xoojinayo haweenka iyo horumarinta xirfadaha ay ka mid tahay siyaabaha ugu wax ku oolka badan ee lagu gaaro horumarka sinnaanta jinsiga, ciribtirka saboolnimada, iyo kobaca dhaqaalaha loo dhan yahay.