Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa kulan loogu hadlayay amniga la yeeshay mas'uuliyiinta maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya

9 Aug 2017

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa kulan loogu hadlayay amniga la yeeshay mas'uuliyiinta maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya

Baydhabo - Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Raisedon Zenenga ayaa maanta kulan is-xogwareysi ah la yeeshay mas'uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna ka wada hadleen horumarka uu maamulka ka sameeyay dhinaca amniga.

Booqashada Mr. Zenenga ayaa diiradda lagu saaray dhismaha socda ee xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Qeybtiisa 60-aad iyo saldhig tababbar ciidan oo ay taageereyso Boqortooyada Ingiriiska.

"Waxaan halkan u nimid inaan aragno horumarka baaxadda leh ee la sameynayo, taas oo lagala kaashanayo annaga ka QM ahaan iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, saaxiibbada caalamiga ah ee nala shaqeynaya iyo dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed si aan u taageerno mashaariic badan oo ay ku jiraan dhinaca amniga" ayuu yiri Mr. Zenenga.

Wafdiga ayaa soo gaaf wareegay xarunta militariga waxayna muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin horumarka ilaa iyo hadda la sameeyay.

Markii lasoo gabagabeeyo, xarunta ayaa waxa ay martigelin doontaa saraakiisha millatariga, waxayna tababbari doontaa ciidamada amniga ee Soomaaliya si loo xoojiyo awooddooda ciidameed, xilli ay isku diyaarinayaan inay mas'uuliyadda koowaad ee amniga dalka kala wareegaan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Arrintaan ayaa barbar socota heshiiskii siyaasadeed ee ku saabsanaa Qaabeynta Amniga Qaranka oo ay saxiixeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada Soomaaliya bishii Abriil 2017. Heshiiska ayaa wuxuu taageerayay qaab-dhismeedka hay'adaha federaalka ee loo dhan yahay ee loogu talagalay in dib-u-habeyn loogu sameeyo laamaha amniga.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee maamulka Koonfur-galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo matalayay madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ugu warbixiyay wafdiga horumarka uu maamulka ka sameeyay xoojinta amniga iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka dhashay abaaraha hadda jira.

“Waxaan siinnay warbixinno ku saabsan horumarka ballaaran ee ay sameysay dowlad goboleedka Koonfur-galbeed tan iyo markii la aasaasay. Waxay bogaadiyeen talaabooyinka waxku'oolka ah ee uu Maamulka uqaaday dhanka amniga, militariga iyo dhismaha xarunta militariga” ayuu yiri Wasiirka.

Shirka ayaa la isku raacay in la sii wado taageerada militari iyo tan bini’aadanimo ee la siiyo dowlad goboleedka Koonfur-galbeed si gacan loogu geysto xallinta caqabadaha dhaqan dhaqaale ee ay hadda wajaheyso.

Wasiir Fiqi oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay inuu ugu mahadcelinayo QM taageeradooda ciidanka booliiska, waxa uuna yiri "Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada aan helnay ee ku aaddan dhisidda aqoonta iyo xirfadda booliiska iyo bixinta mushaaraadka 600 oo boolis ah".