Nabad, rajo, iyo midnimo, carruurta loo fidiyo midba mar

7 Sep 2017

Nabad, rajo, iyo midnimo, carruurta loo fidiyo midba mar

Sahro Cabdikadir Carte waxaa ay kala shaandheyneysaa warqado rasteysan iyadoo isku diyaarineysa shir subaxaas dhacayay ee ay la yeelaneyso kooxdeeda macallimiinta ah ka hor inta aayan cashir kale siinin carruurta darbi-jiifta.

17-kii bilood ee ugu dambeysay Sahro iyo kooxdeeda waxaa ay barnaamij waxbarasho rasmi ah oo lacag la’aan ah oo ay siinayaan carruurta derbi-jiifka ah ka wadeen magaalo xeebeedka Kismaayo.

Barnaamijka oo loogu magac-daray ubaxa rajada ayaa hadda waxaa ka faa’iida 50 carruur oo darbi-jiif ah kuwaasi oo horay uga rajo dhigay helitaanka waxbarasho tayo leh.

 “Sababta aan barnaamijkan u unkay waxaa ay tahay waxaa aan aaminsannahay in waddan uusan nabad, xasillooni iyo horumar gaari karin ilaa ay carruurtooda waxbarasho iyo xirfado waxtar leh helaan. Maxaa yeelay carruurtu waa ubaxa rajada iyo hoggaamiyeyaasha mustaqbalka,” ayay tiri Sahro.

Carrurtu shan maalin ayay usbuuciiba casharro qaataan iyagoo la baro maadooyinka kala ah Ingiriiska, Carabiga, Xisaabaadka, iyo Tarbiyada Islaamka. Barnaamijkan fursad weyn ayay u tahay ardaydani sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay ku dhici lahaayeen debinta kooxaha argagixisada kuwaasi oo carruurta ciidan ahaan u qorta ama ku qasba guur.

“Guusha ugu weyn ee laga gaaray barnaamijka waa in carruurtani nugul ee lagu tashkiilin jiray in ay falal xun xun u geystaan dadka deegaanka ee nabadda jecel ay hadda waxbaranayaan oo ayna fahmayaan muhiimadda ay nabadda u leedahay nafsadooda iyo guud ahaan bulshada,” ayay xustay Sahro.

Macalimaddan 25 jirka ah waxa ay si xooggan u taageersan tahay waxaa ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, culuunta Sayniska iyo Dhaqanka ee loo soo gaabiyo (UNESCO) ka qabto waxbarashada bulshada. Sida laga soo xigtay UNESCO, waxbarashada waa in ay tahay mid si isku mid ah u awood siineysa carruurta iyo dadka waaweyn si ay u noqdaan kuwa waxqabad leh oo ka qeyb-qaadan kara horumarinta bulshada

Barnaamijka waxa uu sababay in uu isdeddel u ku yimaado dabeecadaha iyo asluubta carruurta, waxa uuna awood u siiyay in ay iskaashi la sameeyaan bulshada inteeda kale dhanka dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta. Dhanka kale bulshada waxaa ay bilaabi karaan in ay beddelaan aragtida khaldan ay ka qabaan carruurta darbi-jiifka ah, kuwaas oo xuquuqdoodii shaqsiyeed in muddo ah la iska indho-tirayay, sida ay sheegtay Sahro.

“Markii hore, aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada ka mid ah ulama aysan muuqanin carruurta darbi-jiifka ah in ay muhiim u yihiin xallinta khilaafaadka, ayaga oo aqoon u lahayn in carruurta aadka u nugul si fudud loogu isticmaali karo falalka xun xun. Aragtidaan hadda si weyn ayay isku beddelaysaa magaalada Kismaayo,” ayay tiri.

Guusha ay gaartay ubaxa rajada darteed, barnaamijyo kuwaan la mid ah ayaa laga bilaabay Kismaayo iyo deegaanno kale oo ka mid ah dowlad goboleedka Jubbaland, tanina waa tallaabo ay kaga faa’iidaysteen carruur farabadan oo ahaa caruurta darbi-jiifka ah waxbarasho lacag la’aan ah.

Ha yeeshee, markii hore dadka oo dhan kama wada dhaadhicin go’aankeeda ahaa in ay barnaamij u hirgeliso carruurta darbi-jiifka ah. Sahro waxaa ka hor yimid saaxibbadeeda iyo qaraabadeeda oo u fikirkeeda u arkayay mid wakhti lumis oo ay meel bilaash ah isku daalineyso. “Saaxiibbadeyda iyo dadka aan wada-shaqeyno ayaa i niyad-jabin jiray, marar badanna waxaa ay iga codsadeen in aan joojiyo carruurtan ee aan wax u dhigayo maadaama aan wax faa’iido ah ka soo baxeynin. Balse aniga ma qaadanin

Sahro waxaa ay rajo weyn ka qabtaa mustaqbalka Soomaaliya waxaa ayna aad u aaminsan tahay in maalin un la heli doono nabad iyo xasillooni.

“Nabadda waa nolol; waa sheeyga ugu qaalisan ee aan heli karno haddii aan nahay Soomaali, maadaama dalka uu in ka badan labaatan sano ku jiray dagaallo. In Soomaaliya nabad noqoto waxaa ay muhiim u tahay sida nolol oo laguu hadiyeeyay,” ayay tiri.