Saaxiibada beesha caalamka oo walaac ka muujiyay dadaalka la sheegay in dowlad goboleed cusub laga sameynayo gobolka Hiiraan

6 Sep 2017

Saaxiibada beesha caalamka oo walaac ka muujiyay dadaalka la sheegay in dowlad goboleed cusub laga sameynayo gobolka Hiiraan

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooday Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle ka dib markii Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedku ku dhawaaqay inuu xilka ka xayuubiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto. Iyagoo garowsan in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada.

Iyadoo la eegayo maalgashiga weyn ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee lagu bixiyay hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo dadaallada tayo dhiska ee hadda socda, saaxiibada caalamku waxay si gaar ah uga walaacsanyihiin iskudayga la sheegay in dowlad goboleed gooni ah lagu sameynayo gobolka Hiiraan. Tallaabooyinka ay dhinacyadu iskood ugu dhawaaqaan oo aan asaas sharci lahayn, oo isla markaasna waxyeelleynaya dadaallada dhisidda dowlad goboleedyada.iyo xasilinta ee hadda socda waxay keenayaan dhibaato waxayna abuurayaan welwel.

Saaxiibada caalamku waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay raacaan hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo, dastuurka HirShabelle iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan. Saaxiibadu waxay ku adkeynayaan muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.