Nabadda Gaalkacyo ayaa horumar laga sameeyay, iyadoo odayaasha dhaqanka, booliska iyo hoggaamiyaasha bulshadu ay isugu yimaadeen wadatashi

24 Jul 2018

Nabadda Gaalkacyo ayaa horumar laga sameeyay, iyadoo odayaasha dhaqanka, booliska iyo hoggaamiyaasha bulshadu ay isugu yimaadeen wadatashi

Gaalkacyo – Hogaamiyayaasha, xubnaha bulshada iyo saraakiisha booliska Waqooyiga iyo Koofurta Gaalkacyo ayaa isuyimid iyagoo yeelanaya wadahadal toddobaad soconaya, si ay u aasaasaan madal bulsho ayna u dejiyaan qorsha howleedka lagu dhisayo boolis isku dhaf ah – Tilaabooyinka muhiimka ah ee la qaadayo si loo sii horumariyo dhismaha nabadda ee gobolka.

2017-kii, ayaa heshiis xabbad joojin ah waxaa wadagaaray Puntland iyo GalMudug ka dib dagaal magaalada ku dhexmaray labada maamul oo la xiriira xudduudda labada dhinac ee Gaalkacyo, heshiiskaas waxaa loo yaqaannaa ‘Heshiiskii Xabbad-joojinta Gaalkacyo; waxaa lagu aasaasay heshiiskaas boolis wadajir ah oo roondo ka sameeya magaalada, kaasoo ka kooban ciidamo labada maamul ah, si ay u ilaaliyaan xabbad-joojinta la gaaray iyagoo xaqiijinaya sarreynta sharciga kana shaqeynaya nabad-dhisidda.

“Booliska iskudhafka ah iyo fikradda boolisiyeynta bulshadu waxay u noqotay bulshada nafis,” ayuu ka sheegay furitaanka wadahadalka duqa magaalad Gaalkacyo ee GalMudug, Xirsi Yuusuf, isagoo sidoo kalana ka mahadceliyay taageerada QM iyo beesha caalamku.

Wadahadalka madasha bulshada iyo qorsha howleedka dhismaha booliska bulshada Gaalkacyo, ayaa loo arka tillaabada xigta ee ugu muhiimsan xaqiijinta isdhexgalka ay hoggaamineyso bulshada deeaanku iyo wadaagidda booliska deeganka ee magaalada.

Kulanka ayaa waxaa hoggaaminayay madaxda Puntland iyo GalMudug, oo taageero ka helaya Barnaamijka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee Sarreynta Sharciga oo ay maalgaliso dowladda Jarmalku ayna wada fuliyaan, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) iyo Howlagalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Isagoo ka hdlayay munaasabadda, ayuu guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Xasan Khaliif Maxamed uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay taageerada caalamiga ah ee dadaallada nabad-dhisidda maxalliga ah iyo booliska wadajirka ah ee bulshada.

“Gaalkacyo waxaa loo arkayay meel aan la tagi karin, hayeeshee xaaladdaasi hadda waa isbeddeshay ka did dadaallo joogta ah oo ay sameeyeen bulshada deegaanka, dowladda iyo Qaramada Midoobay,” ayuu yiri. “Boolisiyeenta bulashadu waa buundo isku xireysa bulshada iyo booliska, waxaan u baahannahay taageero dheeri ah oo arrinkaan ku saabsan si dib loogu so celiyo sharciga iyo kala dambeynta, iyo horumrin dhaqaale iyo mid bulsho.”

Dadka kale ee kulanka furitaanka ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa, taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal BAashi Cabdi Maxamed, iyo Wakiilka Xoghayaha-Guud ee Qaramda Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating.

Hadal uu munaasabadda ka jeediyay, ayaa sarkaalka booliska ugu sarreeya waxaa uu ammaanay dadaallada nabadda ee la arkayay iyadoo dhallinyarada iyo booliska maxalliga ihi ay isu imaanayaan si ay uga wadashaqeeyaan nabadda Gaalkacyo.  

“Waxaa bogaadinayaa dadaallada UNDP iyo dadaalka la galiyay xoojinta kartida bulshada ee arrinkan. Guusha Gaalkacyo waxa ay rajo u tahay Soomaaliya oo idil,” ayuu sheegay Jeneraal Maxamed. “Boolisiyeynta bulshadu aad bey muhiim u tahay waxaanna ku boorrinayaa dhallinyarada in ay muhiimaada koowaad siiyaan nabadda iyo amniga.”

Sidoo kale, ergayga QM ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Dowladda Federaalka ah iyo maamullada maxalliga ah, iyo la shaqeynta bulshada deegaanka si loo xaqiijiyo nabadda.

“Aadbaan ugu faraxsanahay inaan halkaan ku arko dhallinyaro badan, haween iyo xubnaha bulshada. Gaalkacyo maanta aadbey uga duwantahay sidey ahaan jirtay laba sano ka hor markaan halkaan imid markii iigu horreysay,” ayuu yiri Mudane Keating.

“Waxaa aad tihiin hogaamiyayaasha bulshada, dadku waxaa ay eeganayaan hoggaankooda – si ay isugu dayaan in ay xalliyaan dhibaatooyinkooda ayna u joogteeyaan nabadda. Xaqiijinta guusha geeddi-socodka nabaddu waa muhiim, waxaan u baahannahay inaan helno dad badan oo qeybaha bulshada ah oo arrinkaan ka wadahadlaya,” ayuu intaa ku daray.

Kulanka toddobaadka soconaya ayaa la qorsheeyay in la soo gabagabeeyo Khamiista, 26 Luulyo, ayadoo heshiis laga gaaaray tillaabooyinka xiga ee horumarinta madasha bulshada iyo qorsha howleedka booliska deegaanka.

Kulankan toddobaadka socda ee wadahadalka bulshada waxaa sidoo kale barbar socda, tababarkii seddexaad oo xiriir ah oo ku saabsan boolisiyeynta bulshada, kaasoo diiradda saaraya dhisidda hogaaminta booliska iyo isdhexgalka bulshada.