Bile iyo Cabdiqaadir: Saaxiibo, rafaad iyo raaxaba

30 Jul 2018

Bile iyo Cabdiqaadir: Saaxiibo, rafaad iyo raaxaba

Iyagoo ku soo koray xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho 1980-yadii, Bile Ismaaciil Diiriye iyo Cabdiqaadir Macalim Maxamed waxaa ay ahaayeen saaxibada aadka iskugu dhaw.

Xiriirkooda saaxibtinimo waxaa uu ku xoogeystay waddooyinka xaafaddooda iyo garoomada ciyaaraha, halkaasi oo ay ku ciyaari jireen ayna waqtigooda firaaqada ah ay ku wada qaadan jireen.  

“Saaxibtinimadu waxaa ay ka dhigan tahay qof kula qaybsada farxadda iyo murugada. Dhacdooyinka iyo isbeddellada nolosheenna ee aan laga fursan karin ayaa saaxiibtinimadeenna xoojiyey,” ayuu yiri Cabdiqaadir oo 49 jir ah. 

Sanaddii 1991-dii, kaddib markii uu cirka isu shareeyay kacdoonkii siyaasadeed, dagaal sokeeye ayaa ka qarxay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Kooxo hubeysan ayaa ku loolamay xukun, qabaa’illada ayaa iska hor yimid – oo ay ka mid yihiin labada qabiil ee Cabdiqaadir iyo Bile ay ka soo kala jeedaan.   

“Labo qabiil ayaan ka kala nimid. Markii ay labadeenna qabiil si daran isku dagaaleenna, waxaa ay ahayd xilligii ugu darnayd saaxibtinnimadeenna, balse kama aanan yeelin in ay xaaladdaasi soo afrjarto xiriirkeenna,” ayuu yiri Bile oo hadda jira 43. “Taasi beddelkeed, xiriirkeenna saaxiibtinimo waa uu sii kobcay.”

Si ay uga badbaadaan maleeshiyaadka wareegayay waddooyinka caasimadda iyaga oo raadsanaya xubnaha qabaa’illada “cadowga ah”, labada saaxib waa ay is garab siin jireen markii ay xubnaha maleeshiyaadka ay ka wareystaan qabaa’illada ay raacsan yihiin iyaga oo iska dhigayay in ay ka tirsan yihiin qabiilka “lala jiro” markii ay dani ugu jirto.

Markii uu dagaalka aad ugu sii xoogeystay Muqdisho, qoyska Bile waxaa ay magan-gelyo ka doonteen magaalo xeebeedka Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya ee maamulka Jubbaland. Qoyska Cabdiqaadir waxaa ay doorbideen in ay halkoodii iska sii joogaan.  

In kasto ay kala fogaayeen haddana labada saaxib waxaa ay isku la xiriiri jireen farriimo ay dadka isugu kala soo dhiibi jireen ilaa 1993-dii, markaasi oo dagaalka uu istaagay. Waxaa dib u soo yara laabtay xasilloonidii, taasi oo horseedday in qoyskii Bille uu ku soo laabto Muqdisho. Xilligaasi kaddib, waxaa si weyn u xoogeystay saaxiibtinimadoodi, halka dhinaca kale ay caasimadda ka socdeen dadaallo iyo horumar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida.  

Saaxiibbo noqday qoys

Haddii ay dib u milicsadaan, xilli dunida loogu diyaar garoobayo Maalinta Adduunka ee Saaxiibtinimada oo ku beegan 30-ka Luulyo, Bille iyo Cabdiqaadir waxaa ay u arkaan in ay yihiin kuwo nasiib badan leh.

“Qofka marka uu yar yahay, waxaa uu ku hammiyaa saaxiib ka farxiya inta uu nool yahay. Saaxiibkaasi waxaa uu noqday Cabdiqaadir,” ayuu yiri Bille. “Waxaa uu ahaa uu welina yahay saaxiibkayga iigu dhaw. Waan is dhiiriggelin jirnay marka aan garoonka ku ciyaarayno, intaan iskoolka dhiganeynay, ilaa aan ka qalin jabinnay oo aan shaqo helnay.”

Dacban, waxaan la yaab ahayn, waa saaxiibtinimo isku beddeshay qaraabonimo, iyada oo uu Bille guurkiisa labaad ku guursaday Cabdiqaadir gabar ina adeertiis ah 18 sano ka hor.

“Ma jiro dareen ka fiican in saaxiib kuugu dhaw uu guursado gabar ina adeertaada ah,” ayuu yiri Cabdiqaadir. “Ma garanayo qaab aan ku sharfi karo [Bille] oo ka wanaagsan in aan u guuriyo ina adeertay.”

“Xiriirkeenna saaxiibtinimo si aan caadi ahayn ayay u kortay,” ayuu raaciyay Bille. “Hadda waxaa xiriirkeenna sii xoojiyay qaraabonimada.”

Sida ay qabaan labadan nin, saaxiibtinimadu waa dareen bulsho iyo ka mid ahaansho – waa mid siyaabo badan loo muujin karo, ha ahaato heer shakhsi ama heer bulsho.  

“Saaxiibtinimadeennu waa mid lagu tusaalo qaadan karo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya,” ayuu yiri Bille. “Haddii ay noo suurtagashay in aan saaxiibbo sii ahaanno oo uu xiriirkeenna saaxiibtinimo uu sii xoogeysto intaas oo sano iyada oo ay jireen caqabado badan, bulshooyinka Soomaaliyeed si la mid ah way sameyn karaan.”

“Arrintani waa la sii ballaarin karaa waana laga dhaqangelin karaa guud ahaan dalka,” ayuu xusay Cabdiqaadir, oo maareeye mashruuc ka ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn.

Qaramada Midoobay waxaa ay dhiiriggelineysaa hawlaha horumariyaa saaxiibtinimada ee Soomaaliya, oo loo adeegsanayo qaab lagu dhiriggeliyo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta dalka. Sanadkii 2011, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in 30-ka Luulyo uu noqonayo maalin la xuso Maalinta Adduunka ee Saaxiibtinimada, taasi oo looga gol leeyahay in lagu dhiiriggeliyo dhaqanka nabadda iyada oo loo marayo saaxiibtinimo, isla markana lagu dhiiriggeliyo dadka, waddamada, dhaqammada kala duwan iyo shakhsiyaadka, laguna horumariyo dadaallada nabadda oona la isugu soo dhaweeyo bulshooyinka.