New York — Golaha Ammaanka ee QM ayaa maanta yeelanaya kulan ay uga hadlayaan xaaladda Soomaaliya. Wakiilka Gaar ah ee Xoghaya Guud QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulanka Golaha Ammaanka warbixin ka siin doona xaaladaha waqti xaadirkan ka jira Soomaaliya.