Nicmo Ibraahim Cumar: U adeegsiga goobaha badqabka abaabulka dhalinyarada

12 Aug 2018

Nicmo Ibraahim Cumar: U adeegsiga goobaha badqabka abaabulka dhalinyarada

Nabadda iyo xasiloonida yar ee ka jirta Soomaaliya ayaa kor u qaadday u adeegsiga goobaha badqabka hawlaha isbaddellada keena ee dhalinyarada. Dhalinyarada dalka oo idil ayaa iskugu yimaada goobahani si ay isku dhaafsadaan aqoon, u wadaagaan fikrado, khibrado iyo xirfado ayna u dhisaan saaxibtinimo loo marayo farshaxannada iyo ciyaaraha.

Goobahani mid ka mid ah waxaa uu ku yaalaa magaalo xeebeedka Kismaayo halkaasi oo ay Nimco Ibraahim Cumar, 27 jir ah ay hormuud ka tahay taabagelinta dhalinyarada iyada oo u mareyso dhiiri gelin iyo casharro ku saabsan hoggaanka, iyagoo na taageero ka hela Ururka Dhalinyarada Kismaayo oo ay ka mid ahayd dadkii asaasay saddex sano ka hor.

Nimco iyo saaxibadeeda waxaa ay dhalinyarada ka caawiyaan dib isku garashadooda iyagoo bara faa’iidooyinka ay leedahay in si togan looga qayb qaato hawlaha dhalinyarada. Dhalinyarada ayaa halwahaasi kaga wadahadla mowduucyo habboon sida xalinta colaadda iyo dib-u-heshiisiinta iyada oo xubnaha ururka dhalinyarada ay ka qaybgaleyaasha kala hadlaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo ismaandhaafka oo loo xaliyo si degan.

Nimco waxaa ay marar badan goobaheeda ku casuumtay dad gabyaa iyo oday dhaqameedyo iskugu jira si ay dhalinyarada wax uga ifiso waddaninimada iyo sida si nabdoon la iskula noolaado.

“Waxaa aan aaminsannahay in haddii dhalinyarada waddankani fursad laga siiyo dhanka talada, heer gobol iyo heer qaranba ay noqon karaan kuwo horyaal dhab ah u ah nabadda,” ayay tiri Nicmo oo shahaado dugsi sare heysata.

Nicmo oo heysata labo carruur ayaa waxaa ay waddaa in xoogeeda badankiisa ay geliso raadinta nabadda iyadoo goobaha bulshada iskugu timaado isticmaasha si ay u xaqiijisato in dhalinyarada ay qaataan nabadda, ayna ka qaybgalaan halwaha dhisidda nabadda ee gobolka Jubbada Hoose.

“Waxaa aan qabannaa wacyi gelin ku saabsan caafimaadka, nabadda iyo horumarka. Waxaa aan sidoo kale barnaa dhalinyarada khasaaraha ay leedahay ku biirista kooxaha xagjirka ah,” ayay tiri Nimco, iyada oo na raacisay in ururkeeda dhalinyarada uu ka shaqeeyey in uu deegaankeeda ku xiro dowlad goboleedka Jubbaland halkaasi oo cabashooyinkooda ku saabsan siyaasadaha sida tooska ah u saameeya dhalinta Soomaaliyeed laga tixgelin karo.

“Waxaan diyaarinnay tababarro dhowr ah oo u dhaxeeya dhalinyarada iyo hay’ada sharci fulinta ee gobolka, si marka koowaad aan u xaqiijinno xiriir ka wada dhaxeeya iyo in ay wax ka qabtaan caqabadaha la xiriira amniga iyagoo hal meel ka wada duulaya,” ayay sheegtay ololeysada da’da yar.

Nimco waxaa ay aaminsan tahay in tababarrada noocan ay gacan ka geysteen dhisidda kalsooni u dhaxeysa dhalinyarada iyo sarkiisha amniga ee maxalliga ah. “Xiriirka heerka sare ee u dhaxeeya laamaha amniga iyo dhalinyarada Jubbaland ayaa caddeyn u ah in dhalinyarada ay si firfircoon ay wax ugu soo kordhin karaan nabadda iyo barwaaqada waddanka, waa haddii fursad la siiyo,”.  “Waxaa aan isku ognahay dhalinyarada in ay ku wargeliyaan booliska wax kasta oo ay la kulmaan oo ay ka shakiyaan, ayna u maleyaan in uu amniga khatar gelin karo.”

Ururka Dhalinyarada Kismaayo waxaa ay dhowaan hirgeliyeen mashruuc ay dhalinyarada shaqo la’aanta ah ugu xirayaan dadka wax shaqaaleysiiya iyaga oo ujeedkoodu tahay yareeynta ka tahriibidda gobolka.

Ilaa hadda, dhalinyarada waxaa ay ku guuleysteen in ay shaqo u helaan 25 rag iyo dumar ah. Waxaa ay sheegtay in dadaalkooda shaqo u raadinta dhalinyarada waxbaratay ee shaqo la’aanta uu ka dhashay tirada badan ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee noloshooda halis geliynaya ee dibadaha ka raadsanaya fursado fiican.

Nicmo waxaa ay rajeyneysaa in dadaalkeeda ah xiriirinta iyo isku keenista dhalinyarada gobolkeeda ay dhiiri gelin doonto dhalinyarada kale ee waddanka. Iyada oo 12-ka Agoost adduunka laga xusayo Maalinka Caalamiga ah ee Dhalinyarada, waxaa ay Nimco ku faaneysaa taabagelinta dhalinyarada si ay u abuuraan isbaddel iyagoo u maraya goobaha badqabka, kuwaasi oo dhalinyarada siinaya minbar ay isku qeexi karaan, lagu maqli karo oo ayna si firfircoon uga qayb qaadan karaan hawlaha dhisidda ammaanka ee gobolkeeda.

Ajandaha Cusub ee Magaalooyinka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu qeexayaa baahida loo qabo goobo badqab ee dhalinyarada si ay iskugu dhexgalaan qoysaskooda ayna jilalka kala duwan wadahadal wax ku ool ah kula yeeshaan. Dhalinyarada waxaa ay u baahan yihiin goobo badqaba oo ay isku imaani karaan, ayna ku sameyn karaan hawlo khuseeya baahidooda iyo danahooda kala duwan, ay ugu qayb qaataan hannaanka go’aan degjinta ayna si xor leh iskugu qeexaan. Goobaha badqabka waxaa ay xaqiijiyaan sharafta iyo badbaadada dhalinyarada.

Marka dhalinyarada ay heystaan goobo badqaba oo ay isku imaan karaan, sida uu xusayo Ajendaha Cusub ee Magaalooyinka, waxaa ay si wax ku ool ah wax ugu kordhin karaan horumarka oo ay ka mid yihiin nabadda iyo isku-xirnaanta bulshada.