Salaad Yuusuf Caddoow: Ka faa’iideysiga tiknoolijiyadda casriga ah si loogu horumariyo dhalinyarada

12 Aug 2018

Salaad Yuusuf Caddoow: Ka faa’iideysiga tiknoolijiyadda casriga ah si loogu horumariyo dhalinyarada

Sida sheekadiisa ay xuseyso, Salaad Yuusuf Caddoow waxaa 2015-kii ku dhashay arrin ku dhiiri gelisay in uu billaabo shirkad tiknooljiyad casri ah oo lagu magaacbo Danleey.

Hammigiisa tiknoolojiyadda casriga ah waxaa uu kor u kacay sanadkaasi, ka dib markii uu ogaaday in baraha bulshada ay tahay qaabka ugu wanaagsan ee lagu gaari karo dhalinyarada oo uu na wax uga baddelo muuqaalka ay ka heystaan Soomaaliya. Salaad waxaa uu la dhacay awoodaha iyo fursadaha laga heli karo goobaha tiknoolojiyadda, si ay uu fikradihiisa ugu baddelo tallaabooyinka.

“Dhahlinyarada heli kara qadka internet-ka ee joogta Soomaaliya badankooda waxaa ay isticmaalaan baraha bulshada. Waa qalab awood ka leh waddankani,” ayuu sharraxayaa Salaad.

Isaga oo ku agoontoobay dagaalkii sokeeye markaasi oo uu ahaa afar jir, Salaad oo ka soo qalin-jabiyey Jaamacadda Muqdisho ayaa u arkay baraha bulshada goob waxtar leh oo wax loo qaban karo dhaqanka sii kordhaya ee tahriibka sharci-darrada ah ee looga tahriibayo Soomaaliya. Salaad ayaa arkay tobannaan kun oo dhalinyaro ah oo waddanka ka tahriibaya iyagoo maraya waddooyin halis ah si ay nolol fiican ugu raadsadaan meelo kale.

Maadaama ay ka go’nayd in uu yareeyo dhaqankani, waxaa uu dejiyey qorshe uu dhalinyaradani ragga iyo dumarba leh uu dalkooda hooyo ugu reebayo. “Waxaa aan billaabay in aan sameeyo muuqaallo xoog leh oo wata farriimo ku saabsan khatarta tahriibka sharci-darrada ah, waxaana soo geliyey baraha bulshada. Muuqaalladani yar yar ee wacyi gelinta ayaa aad loo daawday” ayuu sheegay.

Si uu xoojiyo wajiyada hore ee mashruuciisa, waxaa uu gacan weydiistay saxiibadiisa u dhaw, waxaana u suurto gashay in uu helo lacag uu xafiis kaga kireysto bartamaha Muqdisho. Salaad waxaa uu intaa ka dib shaqaaleysiiyey saddex shaqaale, shaqo muddo gaaban na siiyey dhalinyarada jaamacadaha caasimadda Soomaaliya sii uu filimeeyo una habeeyo muuqaallada.

Salaad waxaa uu markiiba ogaaday in uu u baahan yahay in uu dhexgalo baraha bulshada ee sida xawliga ah u koraya si uu u ballaariyo xiriirkiisa. Marka laga soo tago lacagta uu ka helo baraha bulshada, Salaad waxaa uu xil iska saaray in uu dhalinyarada Soomaalida ka caawiyo sidi ay micno ugu yeeli lahaayeen noloshooda. Waxaa uu wax soo saarkiisa muuqaallada ku kordhiyey waxyaabo dhiiri gelin leh kuwaasi oo ahmiyad iyo rajo u leh dhalinyarada.

Maanta Danleey waa hay’ad si fiican lugaheeda ugu istaagtay taasi oo tababarro ku saabsan fikrad-curin iyo hal-abuur u qabata dhalinyaro ka kala socota gobollada kala duwan ee Soomaaliya. Meelo badan ayay Danleey taageeradeeda ka heshaa maadaama ay hay’adda saameyn togan ku yeelatay dhalinyarada.

Sida uu xusayo Salaad, mid ka mid ah dadkii ka faa’iiday casharradiisa hal-abuurka waxaa uu caasimadda Puntland ee Garoowe si guul leh ugu hirgeliyey ganacsi ku saabsan tamarta cadceedda halkaasi oo ay dadka deegaanka ay u isticmaalaan ilo tamareed ay teleefoonnada gacanta ku rikaabtaan.

Kobcidda xawliga ah ee Danleey ee goobta tiknoolojiyada cusub ma aha mid lala yaabo ama mid aanan la arag. Soomaalida horumarka jecel ee na rajada leh waxaa ay si isa soo tareysa qaadanayaan tiknoolojiyadda si ay xal ugu helaan caqabadaha ay ka siman yihiin.

Daraasaad cusub ayaa sheegeysa in ganacsiga tiknoolojiyadda Soomaaliya uu ka mid yahay kuwa ugu xowliga badan gobolka Geeska Afrika, dadkeeda da’da yar ee u hanqal taagaya tiknoolojiyadda awgeed. Qaadashada teleefonnada gacanta ee waddanka ayaa sidoo kale ka mid ah kuwa ugu sarreeya Afrika. “Baraha bulshada ayaa qabsaday waddanka. Tusaale, ma dhageysto raadiyo mase dowdo TV. Waxaa aaan macluumaadka dhan ka helaa Facebook iyo Twitter. Ama warar ha ahaadaan, xayeysiis shaqo, wax kasto,” Ayuu aqoonsaday Salaad.

Inkastoo dhammaan fursadaha laga helo ganacsiga tiknoolojiyadda ah iyo baraha bulshada, haddana dhalinyarada ayaa weli aad uga qaxaya waddanka iyaga oo safarro khatar ah u galaya Yurub si ay u helaan nolol fiican. Laakiin Salaad waxaa uu kalsooni ku qabaa in dhaqankani la baddeli karo.

“Dhalinyarada waa kheeyraadka ugu qimaha badan Soomaaliya,” ayaa yiri. “Amniga iyo xasiloonida waddankani waxaa ay ugu dambeyn ku tiirsanaan doontaa dhalinyarada. Taariikhda ayaa sheegeysa in dhalinyarada ay dalkani madaxbannaanida u horseedeen. Argagixisada waxaa saara dhalinyarada sababtoo ah waa ciidamada dhulka ee ururrada argagixisada sida Al-Shabab.”

Inkastoo Danleey aysan awooddin in ay maalgelin u fidiso shirkadaha cusub, Salaad waxaa uu xaqiijiyey in hay’adda ay bixiso aqoonta ay u baahan yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed si ay kobciyaan aqoontooda ganacsi.

“Sida qayb ka ah qorshaheenna istaraatijiyadeed, waxaa aan dooneynaa in aan sii wadno tababaridda dhalinyaradani iyo soo saaridda barnaamijyo muuqaallo wacyi gelin ah oo aan gelineyno goobaha baraha bulshada,” Ayuu qiray Salaad.