Guusha Iqra ee waqtiga dhibaatada waxay rajo galineysaa dhalinyarada Soomaaliyeed

15 May 2017

Guusha Iqra ee waqtiga dhibaatada waxay rajo galineysaa dhalinyarada Soomaaliyeed

Kadib markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991, dowrkii Wasaarada Waxbarashada waxa la wareegay hey,ado gaar loo leeyahay, kuwasoo diiwangaliya isla markaana siiyay waxbarasho caruurta gaaray da,da iskuulka. Caruurta waalidiintood aysan bixin karin lacagta waxbarashada waxay iska joogeen guryahooda iyagoo aan fursad u helin waxbarasho. Sagaal iyo toban jirta Iqro Cali Cumar ayaa ka mid aheyd caruurtaa aan nasiibka u helin fursadaas.

Iqra ayaa iskuulka kaga hartay dhibaato lacag la,aaneed. Yaraanteedii waxay la nooleyd qaraabadeeda, kadib markii labadeeda waalid kala tageen. Haddii aysan Iqro u dhabar adeegi laheyn mustaqbalka Iqra wuxuu ahaan lahaa sida gabdho badan oo Soomaaliyeed, kuwasoo inta badan qoysaskooda baahan ku qasbaan guur xilli hore ah.

“Waxan la noolaa qaraabadeyda sababtoo ah hooyadeey inta badan ilama joogin,” Iqra aya tiri. “Hooyo waxay alaabo geyn jirtay Hargeysa iyadoo ka qadeysa Baladweyne.”

Iqra ayaa jecleyd iney hesho waxbarasho, iyadoo waxbarashadeeda asaasiga ah ka bilowday magaalada Hargeysa kadibna waxay iskuul ka bilowday caasimada Muqdisho, kadib waxay u wareegtay Baladweyne. Laakin waxbarashadeeda ma sii socon wax badan.

“Waxan iska diiwan galiyay Iskuul laakiin waan ka haray sadex sano kadib sababtoo ah ma bixin karin lacagta waxbarashada. Kadib waxan helay shaqo aad u mushaar yar waxana ii suurta gashay inaan ku laabto iskuulka iskana bixiyo lacagta waxbarashada, ilaa aan ka gaaray fasalka sedexaad,” sidaa waxa yiri Iqro.

“Sanadkii ugu danbeeyay ee waxbarashada dugsiga sare ayaan waayay shaqadii waana awoodi kari waayay inaan bixiyo lacagta iskuulka. Si kasta ha noqotee, macalinkeyga ayaa iga caawiyay inaan dhameysto waxbarashada,” ayay sii raacisay.

Bixinta lacagta waxbarashada waxay aheyd dhibaato, ilaa iyo jaamacada. “dhamaadkii simistarkii hore ee jaamacada ayaa waxan helay shaqo cusub. Hadda xaalkeyga aad ayuu u deganyahay,”

Iqro ayaa hadda mareysa sanadka labaad iyadoo jaamacada Hiiraan ka barata Maareynta Ganacsiga, nasiib wanaag waxa hadda laga shaqaaleeyay maamulka degmada Baladweyne iyadoo ah khasnajiyad. Dalka Soomaaliya,  68% dhalinyarada u dhaxeysa 15 ilaa 35 sano ma dhameysan wax heer waxbarasho, sida laga soo xigtay hey,ada Qaramada Midoobey ee dad dhigista. Si kasta ha noqotee, rabitaankeeda iyo hindisaheeda, iqra waxay rabtaa iney ka mid noqoto 3% Soomaalida dalka gudahiisa jaamacadaha ku dhameeya.

“Waxan kasoo kabsaday xaalada adag oo aan soo maray, inkastoo weli faanoole fara ka qodneyn,” Iqro waxay ku dhiiragalineysaa gabdhaha yar yar ee la midka ah kuwasoo laga yaabo iney wajahayaan caqabadahan oo kale -  khaasatan kuwa aan la nooleyn waalidkood -  iney diirada saaran isla markaan u adkeystaan dhibaatada.”

QM ayaa u aqoonsan dhalinyarada bahwadaag muhiim u ah howlaha ay wadaan.