Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Sebtembar 2022

1 Oct 2022

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Sebtembar 2022

 

Tababbarrada | UNODC waxa ay taageertaa guddiga ka hortagga dambiyada abaabulan

Soomaaliya ayaa ah mid ka mid ah dhowrka dalal ee aan saxeexin Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee Xuduudaha ka Gudba ee UNTOC. UNTOC waa aalad ka tarjumaysa tallaabo weyn oo hore loogu qaaday dagaalka ka dhanka ah dambiyada abaabulan.

Iyada oo qayb ka ah ballan-qaadka, guddi haga oo aqoon khibradeed u leh UNTOC ayaa la unkay si ay gacan uga geystaan fulinta tallaabooyin taxane ah. Kuwaani waxaa ku jira samaynta xadgudubyada dembiga ah, xoojinta awoodda sharci fulinta iyo hawl-wadeennada sharciga, iyo hubinta kaalmada sharci ee labada dhinac iyo iskaashiga sharci fulinta ee saxeexayaasha dawladda ee UNTOC.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka dambiyada iyo mukhaadaraadka (UNODC) ayaa Soomaaliya ka taageeraya tallaabo kasta oo la qaado, waxaana ugu dambeeyay tababar Tarjamada ah oo ay UNTOC ka qabatay Ingiriis lagu tarjumo Soomaali, aqoon-is-weydaarsi ku saabsan wacyi-gelinta UNTOC, iyo aqoon-is-weydaarsi heer gobol ah oo ay UNTOC ku qabatay dalka Uganda, halkaasoo ay ka qaybgaleen xubnaha guddiga hagida Soomaaliya.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Ka hortagga macluusha | WFP ayaa gaartay rikoor cusub ee xagga loollanka ka hortagga macluulasha

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa gaaray heer kale oo rikoor sare ah ee sii wadideeda sare u qaadidda wax-qabadka bani’aadannimo, iyada oo la hardamaysa wakhtiga si ay uga hortagto macaluusha la saadaaliyay.

Laga soo bilaabo bishii Siteembar, hay'addu waxa ay cunto iyo nafaqayn nafo badbaadin ah  gaarsiinaysay 4.9 milyan oo qof, tiradii ugu badnayd ee ay WFP weligeed kaalmo ku gaarsiiso  Soomaaliya.

WFP waxa ay sidoo kale sii wadday in ay la shaqeyso dowladda, hay'adaha Qaramada Midoobay ee walaalaha ah iyo bah-wafaag kale si ay ugu sii riixdo meelaha ay gaajada ka jirto ee helista cuntada ay weli caqabad ku tahay - oo ay ku jiraan deegaannada miyiga ah ee Baydhabo iyo Buurhakaba, halkaas oo khatarta macluusha ay tahay midda ugu degdegsan. 

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Adkeysi | FAO waxay caawisaa bulshooyinka jiinka webiyada deggan inay dhimaan khatarta cimilada

Beeralayda miyiga iyo beero-iyo-xoola-dhaqatada ayaa ah qaar ka mid ah kuwa ugu daran ee ay ku dhufteen saameynnada isbeddelka cimilada. Bulshooyinka Webi ku-noolka ah ee ku dhaqan Jiinka u teedsan webiga ayaa inta badan waxaa barakiciya fatahaadaha marka ay roobabku da'aan.

Si loo yareeyo khatarahaan, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO) waxa ay ka taageertaa dawladda Soomaaliya in ay dhisto kaabayaasha dhaqaalaha, loo maareeyo xogta cimilada iyo in la abuuro siyaasad lagu ilaalinayo hab-nololeedyada iyada oo loo marayo mashruuca “Qorshaha Joogtada ah ee Yareynta Khatarta iyo Maareynta fatahaadaha”. Mashruucu waxa uu caawinayaa dhimista khatarta bini'aadannimo ee bulshooyinka jiinka webiyada iyada oo loo marayo habka cimilada iyo deegaanka ee maaraynta biyaha iyo daadadka, oo ay looga mahadcelinayo taageerada dawladda UK.

FAO waxay si guul leh u dhistay kaabayaasha yareynta fatahaadda webiga Shabeelle, waxay dhiirrigelisay la qabsiga cimilada bulshooyinka maxalliga ah ee Beledweyne waxayna dhistay Guddi-howleed Qaran ee Fatahaadaha iyo Abaaraha.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Dakhliga gudaha | UN-Habitat waxay hogaamisaa hawsha diiwaangelinta hantida

Hay’adda UN-Habitat oo isku dayaysa inay taageerto abaabulka kheyraadka gudaha iyo xoojinta maamullada maxalliga ah ayaa diiwaan-gelin hantiyeed ka fulisay degmooyinka Boosaaso iyo Qardho ee Puntland, Soomaaliya.

Degmooyinkan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Puntland ayaa waxaa ka soo jiray magaaloobid korortay iyadoo ay soo gaareysay hanti cusub. Tiriyeyayaashu waxay cusboonaysiiyeen xogta hantida, waxay diiwaan geliyeen guryo cusub waxayna ku qadareen 37, 238 guri oo leh nambaro xogeed.

Iyadoo heerka hoggaansanaanta lagu qiyaasay 60 boqolkiiba, degmooyinkani waxay filayaan inay laba jibaaraan dakhliga ka soo xarooda canshuuraha guryaha.

Diwaan galinta hantida noocan oo kale ah ayaa ka socota Somaliland, iyadoo ilaa hadda la diiwaan geliyay 8,500 oo guri oo ku yaala Gabiley.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Isbeddelka Cimilada | Muuqaalada UNDP ee ka yimid Soomaaliya ayaa ku baaqaya in wax laga qabto COP27

Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa soo saaray muuqaallo taxane ah oo ka warramaya Soomaali meelo kala duwan ka timid oo loogu talagalay shirka COP27 oo ka dhacaya dalka Masar bisha November ta soo aaddan. Muuqaallada, codadka dalalka uu sida ba’an u saameeyay isbeddelka cimilada ayaa lagu maqli doonaa shirkan sare ee muhiimka ah, sida; baaqa wax looga qabanayo xaaladda degdegga ah ee cimilada.

Muuqaallada ayaa imaanaya, iyo kuwo kale oo ka imaanaya Saxafiyiin, Dhaqdhaqaaqayaal iyo Dad u ololeeya deegaanka, waxayna diiradda saarayaan saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo waxa ay dadku rabaan in ay arkaan in la sameeyo. UNDP waxay sidoo kale taageeri doontaa wafdiga dowladda Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan munaasabadaha heerka sare ah ee COP27.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Ciribtirka Gudniinka Fircooniga ah | UNFPA waxay u ololaysaa ka gudbidda gudniinka Fircooniga ah - FGM

Waxaan isaga tagnay gudniinka Fircooniga ah! – Tani waa baaq ay wadajir u soo saareen 16 beel oo ku dhaqan degmooyinka Kaxda iyo Deyniile ee gobolka Banaadir.

Bulshooyinka waxaa metelay 50 Dumarka Wax Guda ee Dib Loo Hagaajiyay - dhakhaatiir dhaqameed hore u samayn jiray gudniinka fircooniga. Baaqan ayaa laga sheegay seminaar ay soo qabanqaabiyeen  Sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan Dadweynaha ee UNFPA iyo Somali Community Concern oo dhacay 7-dii Siteembar. Dumarka Wax Guda ee Dib Loo Hagaajiyay ayaa sidoo kale ballanqaaday inay ku baraarujin doonaan dhakhaatiirta kale ee dhaqanka in ay isaga tagaan gudniinka Fircooniga ah - FGM.

UNFPA waxa ay ka olalaysaa caafimaadnimada gudniinka Fircooniga ah iyada oo mawqif adag ka taagan in gudniinka Fircooniga ah uusan ahayn “ammaan” ama uusan lahayn wax cudurdaar caafimaad ah.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Booliiseynta | UNOPS waxa ay gacan ka geystaa helidda ciidan boolis ah oo xirfad leh lalana xisaabtamid karo

Iyadoo loo marayo Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliiska (JPP), Xafiiska Qaramada Midoobey ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS) ayaa fulinaya ballanqaadkiisii ahaa in la dhiso saldhigyo booliis oo dheeraad ah iyo iyo saldhig waaxeedyo si adeegyada booliiska loogu soo dhoweeyo bulshada.

19-kii Sebtembar, JPP ayaa ku wareejisey taliska cusub ee saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo Ciidamada Booliska Puntland. Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiir ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Maamulka Puntland, sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa ku Xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo iyo taliyeyaasha Ciidamada Booliska Gaalkacyo.

Wareejinta saldhigga degmada Gaalkacyo ayaa daba socota lix saldhig oo kale oo laga furay guud ahaan Soomaaliya taasoo ka mid ah tirada guud oo dhan 17 saldhig oo la qorsheeyey in JPP ay ciidanka ku wareejiso sanadkan 2022-ka.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Saxaafadda | UNESCO waxay taageertay Qorshe-howleedka Badbaadada ee Suxufiyiinta 

Soomaaliya maanta waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan caalamka dhanka suxufiyiinta, iyadoo tobankii sano ee la soo dhaafay oo qura dalka lagu diley 52 wariye, sida uu sheegay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ. Sida ku cad hindisaha Midowga Afrika ee “Aamussinta Qoryaha”, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanku (UNESCO) waxay taageertay Madasha Wadatashiga ee Badbaadada iyo Ammaanka Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo socotey muddo saddex maalmood ah, si looga wadahadlo sidii loo joojin lahaa xadgudubyada iyo la xisaabtan la’aanta falalka lagu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliya. Ka qaybgalayaashu waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka iyo badbaadada iyagoo gaar uga niqaashay caqabadaha gaarka ah ee dhinaca badbaadada ee haysta gabdhaha saxafiyiinta ah, kuwaas oo, marka laga soo tago khataraha ay la wadaagaan ragga dhiggooda ah, sidoo kale la kulma xadgudubyo ku salaysan jinsiga.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Bini'aadminnimada | Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo booqasho ku yimid Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobey ee isku xirka arrimaha bini'aadminnimada (OCHA) ayaa fududeeyey booqasho toddoba maalmood ah oo uu Soomaaliya ku yimid Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Arrimaha Bini'aadminnimada iyo isku Duwaha Gargaarka Deg Degga ah ee Martin Griffiths. USG ayaa intii uu booqashada ku jirey waxa uu Baydhabo iyo Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho kula kulmay qoysas ay abaaruhu soo barakiciyeen, isagoo sidoo kale la kulmay carruur ay hayso nafaqo darro.

Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay 5-tii Sebtembar, waxa uu Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ka digey in ay jiraan ifafaalayaal adag oo la taaban karo oo muujinaya in bilaha soo socda ay macluuli ka dhici doonto Gobolka Baay (Degmada Baydhabo iyo Buur Hakaba) ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, haddii aan si wayn loo dardargelin gargaarka bini’aadminnimo si wax loo gaarsiiyo dadka ugu baahida badan.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Horumarin dhaqaalaha | UNIDO waxay sare u qaaddaa iskaashiga ku aaddan bixinta tababbarka farsamada beeraha 

Bishii Sebtembar, Galoooge Agro-Business Enterprise oo ay xarunteedu tahay Muqdisho, oo ay taageerto CNH, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqaysa mashiinnada beeraha, iyo Hay'adda Horumarinta Wershadaha ee Qaramada Midoobey (UNIDO) ayaa bilaabay tababar sare oo xagga farsamada beeraha ah oo ay siinayeen farsamayaqaanno maxalli ah.

Kulamadan waxaa fududeeyey farsamayaqaan sare oo caalami ah oo ka socdey hay'adda CNH oo ka jawaabey baahida loo qabo farsamayaqaanno dhanka beeraha ah iyo darawallada cagafyada ee Soomaaliya. Farsamayaqaannada la tababaray ayaa la filayaa inay xirfadohooda iyo aqoonta ay barteen u gudbiyaan 40 arday (32 Rag ah iyo siddeed dumar ah).

Tababarkan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo uu wado Dugsiga Tababarka Farsamada Gacanta (TVET) ee Galoooge kaasoo kor loogu qaadayo xirfadda bulshada beeralayda ah, gaar ahaan haweenka iyo qoysaska Koonfureed iyo Banaadir. Dugsiga Galoooge TVET waxaa si wada jir ah u taageera UNIDO Somalia iyo hay'adda CNH.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Golaha Ammaanka │ Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey oo Golaha Ammaanka uga warbixiyey arrimaha Soomaaliya 

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaybsan Soomaaliya, James Swan, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uga warbixiyey xaaladda siyaasadda, bini'aadminnimada iyo ammaanka Soomaaliya 7-dii September.

Mr. Swan waxa uu sharraxay, markii la soo gebagebeeyey hannaankii doorashada ee muranka dhalisay bishii Maajo, in jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya uu hadda aad ugu habboon yahay in wax laga qabto howlaha mudnaanta qaran leh. Mudnaantaas waxaa ka mid ah hagaajinta dowladnimada iyo caddaaladda, si wax ku ool ah looga hortago Al-Shabaab, iyo wax ka qabashada deg degga ah ee dhibaatooyinka bini'aadminnimo ee kasii daraya. Mr. Swan ayaa ka digey in Soomaaliya ay wajahayso masiibo bini'aadminnimo taasoo saamaynaysa ilaa 7.8 milyan oo Soomaali ah - ku dhowaad kala bar dadka lagu qiyaaso dalka - kuwaasoo ay ku dhufatay abaartii ugu xumayd ee ugu yaraan afartan sano dhacda, taasoo ay uga sii dartay cimiladu.

"Iyadoo afar xilli roobaad oo xiriir ihi ay baaqdeen, meela dalka ka mid ah ayaa wajahaya khatar macluul," ayuu yiri Mr. Swan.

Matalaad la'aanta haweenka ee baarlamaanka ayaa sidoo kale ah walaac, sarkaalka Qaramada Midoobey ayaa u sheegay xubnaha Golaha Ammaanka, isagoo intaas ku daray "Waxaan mar kale ku baaqayaa in madaxda Soomaaliyeed ay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo hubiyo in haweenku ay si micne leh uga qaybqaataan guud ahaan hay'adaha dawladda, iyo sidoo kale ka mid noqoshada dhalinyarada iyo taariikhyan kooxaha la takooro.”

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer