Puntland oo ku dhawaaqday billaabashadawejiga labaad ee doorashada Aqalka Hoose, halka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay soogunaanadeen wareeggii koowaad ee doorashada

11 Nov 2016

Puntland oo ku dhawaaqday billaabashadawejiga labaad ee doorashada Aqalka Hoose, halka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay soogunaanadeen wareeggii koowaad ee doorashada

Guddiga Puntland u qaabilsanhirgelinta doorashooyinka dadban ayaa kudhawaaqay in wejigii labaad ee doorashada 25 ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ay billaabandoonto 14-ka Nofembar.
 
Wareeggii koowaad ee doorashada ka dhacdayPuntland 6-dii Nofeembar ayaa waxaa lagu doortayin ka badan toban xubnood oo ka mid noqdayGolaha Shacabka oo sidoo kale loo yaqaannoAqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka.
 
“Waxaan sii wadi doonnaa diiwaangelintamusharraxiinta iyo ansaxintooda ilaa maalinta berriah iyo labada maalin ee ka dambeysa,” ayuu yiriku-xigeenka guddoomiyaha guddiga Puntland u qaabilsan hirgelinta doorashooyinka dadban, Khaliif Aw Cali. “Markaas ka dib ayaan u diyaargaroobi doonnaa hannaanka codaynta.”
 
Dhanka Koonfur Galbeed, doorashada ayaamaalintii saddexaad ka socota magaaladaBaydhabo. Toddobo xubnood oo ka tirsan GolahaShacabka ayaa la doortay maanta, taas oo tiradaguud ee xildhibaannada Koonfur Galbeed lagadoortay ka dhigeysa 23.
 
Xildhibaannada cusub ee la doortay waxaa ka mid ah Mudane hore Aadan Ibraahim Dhaayow, XasanCali Maxamed, Maxamed Jaamac Mursal, Maxamuud Macallin Yaxya, Sheekh ShaacirMaxamed, Cali Aadan Maxamed iyo KhaalidSheekh Cabdullaahi.
 
Amniga goobta doorashada ay ka dhaceysay ayaasi aad ah loo adkeeyey, waxaana u kuurgaleyeymas’uuliyiin kor-joogto ah.
 
“Madaxda mas’uulka ka ah hannaanka doorashadaiyo sidoo kale ciidanka ammaanka ee Soomaaliya, gaar ahaaan booliska, waxay u qalmaan qaddarinwayn oo ay ku mutaysteen sida guusha leh ee ay u maareeyeen hannaanka, ayna u xaqiijiyeen in hannaankan sida adag loogu loollamay uu noqdomid horukac sameeya,” ayuu yiri Vikram Parekh, madaxa xafiiska Baydhabo u qaabilsan HawlgalkaQaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya. “Waxay ila tahay waa tallaabo horey loo qaaday.”
 
Mid ka mid ah musharraxiinta looga guulaystaydoorashadii ka dhacday Baydhabo ayaa ahaawasiirka maaliyadda ee dowladda federaalkaMaxamed Aadan Ibraahim ‘Fargeeti’, kaas oo halcod oo kaliya uu uga guulaystay MaxamuudMacallin Yaxya.
 
“Kursigan wuxuu ahaa mid si wayn looguloollamay,” ayuu yiri Mudane Yaxya, oo ah shakshsi masraxa siyaasadeed ku cusub.“Doorashadii maanta waxaa ka soo qaybgalaydadkii ugu badnaa maxaa yeelay qofka ilatartamayay (Fargeeti) waa shakhsi caan oosaameyn wayn ku dhex leh bulshada.”
 
Ku xigeenka guddoomiyaha guddiga heer gobol eehirgelinta doorashooyinka u qaabilsan KoonfurGalbeed, Siid Cali Abuukar Baafo, ayaa sheegay in doorashada ay mar kale billaaban doontotoddobaadka soo socda.
 
“Waxaa maanta intaas noogu eg wejigii koowaadee doorashada kaas oo 23 kursi lagu buuxiyey.Wejiga koowaad wuxuu noo ahaa mid tijaabo ah, waxaana rajeyneynaa in ka fiicnaan doonno wejigalabaad oo billaaban doona Talaadada,” ayuu yiri.
 
Dhanka Jubbaland, toddobo xubnood ayaa maantaloo doortay in ay ka mid noqdaan Aqalka Hoose, taas oo tirada wakillada la doortay saddexdiimaalmood ee ugu dambeysay ka dhigaysa 20 mudane.
 
Wejiga labaad ee doorashada ayaa lagu wadaa in ay billaabato Talaadada toddobaadka soo socda, xilligaas oo lagu wado in la doorto 23 mudane.
 
“Waxaan doonaynaa in aan isbeddel ku sameynodalka. Waxaan rabnaa in aan soo celinno nabaddaiyo amniga dalka,” ayuu yiri Maxamed Cali Cumaroo ka mid ah xildhibaannada cusub ee la doortay.
 
Wareeggii koowaad ee doorashada kuraasta GolahaShacabka ee ka imaanaya Galmudug ayaa sidookale maanta ka billaabatay caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadaado.