Qalin jebinta Muqdisho, ardayda Jaamacadda Nabadda ayaa lagu dhiirigeliyay in ay ka qayb qaataan nabaddaynta Soomaaliya

21 Sep 2021

Qalin jebinta Muqdisho, ardayda Jaamacadda Nabadda ayaa lagu dhiirigeliyay in ay ka qayb qaataan nabaddaynta Soomaaliya

Muqdisho– Iyada oo ku soo aadday Maalinta Nabadda ee Caalamiga ayaa koox arday Soomaaliyeed waxay maanta ka qalin jabiyeen  dereja Master-ka oo ku saabsan mowduucyo xiriir khaas ah la leh dhismaha nabadda Soomaaliya- waxaana lagu dhiirri geliyey in ay waxbarashadooda la xiriiriyaan xagaajinta dalkooda.

“Shahaadada aan maanta qaatay waa muhiim waxa ayna gacan ka geysaneysa dowlad-u-dhisidda dalkeyga iyo dadkeyga Soomaaliyeed. Waxa aan rajeynayaa in aan dabaqo cilmiga aan bartay si aan ugu ololeeyo dowlad wanaagga gacanna siiyo dhameystirka dastuurka Soomaaliya.” Ayey tiri Fatxiya Maxamed Cabdullahi oo reer Benadir ah, oo heerka Labaad ee Jaamacadda ka qaadatay  Sharciga Caalamiga ah iyo Xuquuqul Insaanka.

Marwo Fatxiya Maxamed, waxay ka mid ahayd 76 arday - 14 dumar ah iyo 62 rag ah oo ka soo kala jeeda dalka oo dhan - oo noday dufcaddii ugu horreysay ee ka qalinjebisay Jaamacadda Nabadda, barnaamijyadeeda u gaarka ah Soomaaliya.

Waan ku faraxsanahay inaan ku dabaqo xirfadaha iyo cilmiga aan ka helay Jaamacadda Nabadda howl maalmeedkeyga maadaama aan la shaqeyo hay’ado caalami ah oo aan dowli aheyn, si gaarana uga shaqeeyo qeybta, u adkeysiga musiibooyooyinka iyo hoggaaminta ee qeybo badan oo Soomaaliya ah.

Fadhigeedu waa Koosta Riika, waxaana Jaamacadda Nabadda lagu aasaasay kulanki 1980 ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Meelaha ay diiradda saarto waxaa ka mida ka hortagga colaadaha, badqabka aadanaha, xuquuqul insaanka, nabad-gelyadada degaanka iyo dib-u-dhiska colaadaha ka dib.

Xafladda maanta waxaa ka soo qeyb galay hormuudka Jaamacadda Bare-sare Juan Carlos Sainz-Borgo, waxaa kale oo soo xaadiray Ergeyga gaarka ah ee Xogyahaya guud ee qaramada midowbay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wasiiru dowlaha waxbarashada Cabdirahman Maxamud Cabdule, wasiirka Beeraha Saciid Hussein Ciid oo kana mid ahaa qalinjabiyeyaasha Jaamacadda.

Wax ku biirinta Soomsaliya

Xunaha dufacdu waxa ay ka qalinjabiyeen oo derejada Master-ka ka qaateen takhasusyada soo socda: Nabadda, Dowladnimda iyo Horumarka, U Adkeysiga Musiibooyooyinka iyo Arimaha Beni Aadanimada, Sharciga Caalamiga ah Iyo Xuquuqul Insaanka, Deegaanka iyo Horumarma iyo Nabadda

In his remarks at the graduation ceremony, the UN

Khudbaddiisii uu ka jeediyey xafladda qalinjabinta ayuu Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ku soo dhaweeyey ku darista Soomaalia ee gaarsiinteeda Afrika fursadaha tacliinta sare waxa uuna ku dhiiri geliyey qalinjabiyeyaasha in ay bulshadadooda dib wax u taraan.

“Waxa aan sidoo kale xususuusanayaa in takhasusyada laga heli karo Jaamacadda Nabadda waxa ay u badan yihiin kuwo si weyn ula xiriira baahida Soomaaliya” ayuu yiri M.ne Swan “Sidaa darteedna waxa aan hubaa kuwa idinka mida ee baranayey mowduucyadan kala duwan in ay wax badan ku kordhin doontaan dalkiina, qoysaskiina, iyo bulshadiina mustaqbalka dhaw “

“Waa waxa barateeneysaan, waa wax maskaxdiina ku jira, waa wax indinku dhex jira. Hase ahaatee haddii ay la rabo in ay saameyn yeelato, waxaa loo baahan yahay in aad la wadaagtaan bulshadiina, dadkiina iyo haweenkaba, si dalka hore loogu dhaqaajiyo” ayuu raaciyey

Haddii ay saameyn yeelaneysana, waxaa loo baahan yahay in lala wadaago bulshadiina, dadkiina iyo haweenkaba, si dalka hore loogu dhaqaajiyo.”

Balanqaadka Soomaaliya

Isaga oo ka khudbeynaya, ayuu borofeysar Sainz-Borgo sheegay in jaamacadda loogu talagalay takhasusyo gobollo iyo dalal u gaara oo looga gol leeyahay in wax laga qabto caqabadaha hortaagan nabadda Afrika iyada oo ay Soomaalya ay dalbatay fiiro gaara,

“Iyada oo la tix-galineyno caqabadaha waaweyn ee ay Soomaaliya wajaheyso, ayey lagama maarmaan noqotay in la hirgaliyo barnaamijyo badan. Si kastoba ha ahaatee, Upeace(Jaamacadda Nabadda) waxa ay dooratay afar meel oo aan aaminsan nahay in ay wax ku biirin doonaan qorshada Soomaaliya ee colaadaha ka dib.” Ayuu xusay.

Dhankiisa, Borofeysan Professor Samuel Kale Ewusi, oo ku takhasusay Xiriirka Caalamiga ah iyo Daraasaadka Nabadda ahna agaasimaha Barnaajim-goboleedka Afrika ee Jaamacadda, ayaa isna ku guudmar ku sameeyay ballanqaadka machadka ee dalka Geeska Afrika.

“Waxa aan u taagan nahay mustaqbalka fog in aan kula shirkowno dadka Soomaaliyeed la tacaalidda caqabadaha horumarka, caqabadaha amniga iyo caqabadaha dhisidda ra’samaalka aadana ee loo baahan yahay si uu dalku u horumaro.” Ayuu yir.

Caawinta ardayda

Sida ay jaamacaddu qabto iyo iyada oo la garwaaqsanayo culeysyada dhaqaale iyo bulsho ee ay wajahaan dumarka iyo ardayda kale ee Soomaaliyeed marka ay iska bixinayaan qarashaadka waxbarasho iyo isku day ay ku dooneyso in dhammaan koorsooyinkeeda noqdaan kuwa sida ugu ballaaran ee suurta galka ah loo heli karo, qarashkeeda waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed waa kan ugu hooseeya dhammaan barnaamijyadeeda, iyada oo welina ilaalisa heerka waxbarasho. Waxa ay sido kale minxooyin macquul ah siisaa ardayda, qaarkoodna ay kharashaadka qaar ayey dabooshaa.

Qaar ka tirsan ardaydeyda ku soo baxay Barnaamijkeeda Afrika ee Soomaalia, shan arday ayaa minxo ka helay dowladda. Dadka soo codsay waxa ay ka kala socdeen qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan hay’adaha aan dowliga aheyn oo maxalli iyo caalamiba leh, ganaciyada gaarka loo leeyahay, dowladda iyo shaqaalaha rayidka ah.

Waxbaristu kama aysan tallaalneyn saameynta aafada Koofid-19, sidaa darteed barnaamijyada Soomaaliya hadda waxaa loo bedelay fasallo qadka intarneet.ka ah.

Jaamacadda waxaaa hadda dhigta labo dufco oo kale, oo gaaraya 250 arday, oo qalin jabin doona sanad waxbarashadeedka 2022-2023. Hase ahaatee, inta aanay Barnaamijkeeda Soomaaliya furin ka hor, waxa jiray arday badan oo Soomaaliyeed oo dhiganayey jaamacadda, oo ay ku jiraan kuwo qalin jabiyey oo hadda ka shaqeeya fagaareyaasha siyaasadda iyo dowladdaba, iyo kuwo sidoo kale ka shaqeeya ururrada bulshada rayidka iyo kooxda diplomaasidda dalka  – qodob uu ku tilmaamay Wasiiru-Dowlaha Waxbarashada qudbaddiisii maanta.

“Waxa aan aaminsan nahay inaad cilmiga aad barateen u adeegsan doontaan si togan si aad u horumarisaan bulshada Soomaaliyeed. Waxa aan garanayaa dad hore uga baxay jaamacaddan oo qaarkood yihiin ganacsato, shaqaale dowladeed iyo siyaasiyiin. Waxa aan dooneynaa in aad dadka ku hoggaamisaan tubta toosan marka aad bulshadiina ku laabataan.” Ayuu yiri Wasiir Cabdulle.

Maalinta Nabadda

Xafladda Qalinjabinta ee maanta waxa ay ku soo beegantay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, taas oo uu Golaha loo Dhanyahay aasaasay 1980-kii maalin loo asteeyey xoojinta fikradaha nabadda iyada oo la ilaalinayo 24 saac oo qalalaase la’aan iyo xabbad joojin ah.

Halka ay xafladdu ka dhaceysay, waxa ay martida iyo qalin jabiyeyaashuba sheegeen in ay ka qeyb galeen ballan qaad isgarabtaag iyo ka go’naansho xoojinta mabaadii’da nabadda iyo qalalaase la’aan iyo xabbad joojinta oo ka hirgasha Soomaaliya iyo dunida inteeda kaleba.