Muno Maxamed Cabdi: Beelaha la hayb sooco ee ku dhaqan magaalada Kismaayo waa in ay caawimada wax ka helaan

5 Aug 2023

Muno Maxamed Cabdi: Beelaha la hayb sooco ee ku dhaqan magaalada Kismaayo waa in ay caawimada wax ka helaan

Kismaayo – Bulshada Soomaaliyeed ayaa mararka qaarkood waxaa lagu tilmaami karaa bulsho ay ka jiraan kala qaybsanaan qabiil ku saleysan, sinnaan la'aan iyo ka-saaridyo.

Xaaladahan, kooxaha la hayb sooco ee dalka ayaa wajaha takoor waxayna ku dhibtoodaan ku dhaqanka xuquuqdooda ee ka-qaybgalka hannaanada dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo siyaasadda. Hayb soocan wuxuu keenaa kheyraad qaybin an cadaalad ahayn oo takoor ku saleysan, waxaanna dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda qaar ka mid ah kooxahan la hayb sooco ku adkaan kara in ay nolosha ku guuleystaan.  

Muno Maxamed Cabdi waa mid ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soojeeda koox la hayb sooco oo horumar ka sameynaya arrintan.

Iyadoo taageero ka helaysa qoyskeeda iyo dedaal badan oo ay sameysay, ayay gabadhan reer Jubaland ah awooday in ay horurmar sameyso, waxayna ku guuleysatay waxyaabo dhallinyarro badan oo la hayb sooco aysan sameyn karin oo sabab u ah caqabadaha aan kor ku soo xusnay.

Marwo Muno oo 1998 ku dhalatey magaalada Kismaayo, magaalada ugu weyn Dowlad-goboleedka koonfureed ee Jubaland, waa da'dii labaad ee qoys ka kooban shan carruur ah. Bulshadeeda, waxaa ku yaraa oo naadir ahaa waxbarashada gabdhaha yaryar iyo haweenka, laakiinse iyadu waxay nasiib u yeelatey in waalidiinteedu ay aad u daneynayeen in ay waxbaraan waxayna mudnaan siiyeen in ay waxbarasho ku soo barbaariyaan. 

Waxbarashada aasaasiga ah ee ilaa iyo dugsi sare waxay ku soo qaadatey Dugsiga Hoose, Dhexe, Sare ee Faanoole ee magaalada Kismaayo 2008 ilaa 2018, ka-dibna waxay waxbarashadeeda ka sii wadatey Jaamacadda Plasma oo ay ka qaadatey shahaaddada heerka koowaad ee jamacadda ee maamulka ganacsiga, waxayna tababar macallinimo ah ka qaadatay Kulliyadda Tababarka Macallimiinta ee Jubaland. Waxay kulliyadda ka qalinjabisay bishii Sibtembar 2022.

Laakiinse waayo-aragnimadeeda koritaaneed ayaa ku yeelatey saameyn ah in hab fikirkeeda uu dhaafsiisnaado wadiiqadeeda mihnadeed.

“Mararka qaarkood waxaan dareemaa in aanan meelna ka tirsanayn, waxaa na laga reebay oo na loo diiday inta badan waxqabadyada oo in aan dalka wax ka leenahayba looma maleeyo,” ayay tiri Marwo Muno.

Dareennadan waxay ku dhaliyeen – maadaama ay ka mid tahay haweenka tirada yar ee waxbartey ee bulshadeeda soke – in ay bilowdo xirfad labaad oo nooc kale ah. Waxay noqotey qof u ololeeya bulshooyinka la hayb sooco ee magaalada Kismaayo, iyadoo dhiirrigelinaysa u dhammaanshaha bulsho weynta iyo ka-qaybgalka dhaqanka Soomaaliyeed iyo joojinta takoorka iyo ka-reebidda ama ka-saaridda.  

“Bulshooyinka la hayb sooco waxaa had iyo jeerba laga reebaa ka-qaybgalka siyaasadda, shaqada, helidda fursadaha, iyo xitaa cadaaladda – Intaan iska fadhiisto ma daawan karo in ay xaaladdu sidan ku sii socoto. Waxaan ku khasbanaaday in aan hadlo oo aan su'aal ka keeno sinnaan la'aanta qaab-dhismeedka iyo kala-sarreynta bulshada ee aadka u xididaystay,” ayay tiri Marwo Muno.

“Qofna waxa aad istaahisho kuuma sheegayo haddii aad u istaago oo u dagaalanto mooyaane,” ayay sii raacisay. “Waa in aan weyddiisanaa, albaabada garaacnaa, oo aan u halgannaa. Haddii kale, waxaa sii socon doonta in nala hayb sooco."

Shaqo iskaa-wax-u-qabsi ah

Go'aanka ay Marwo Muno ka qaadatey in ay burburiso caqadabaha iyo la dagaalanka ka reebista ayaa u horseeday in ay noqoto qof iskaa-wax-u-qabsi ku shaqeeya maadaama ay aaminsaneyd in ay tani tahay wadiiqo habboon oo gacan ka siin karta kor u qaadista wacyiga ballaaran ee doorka iyo wax-ku-biirrinta beelaha Soomaaliyeed ee la hayb sooco. Sababtu waxay ahayd in dedaallada yaryar ee soo noqnoqda ee loo dhan yahay oo heer degaan ah ay gundhig u yihiin aasaaska hawlaha waaweyn ee la isugu soo dhoweynayo farqiga jira ee u dhaxeeya beelaha waaweyn iyo kuwa la hayb sooco.

Sannadkii 2021, iyadoo ku guda jirta waxbarashadeeda heerka jaamacadeed, u ololeeyahan 25-sano-jirka ah waxay si iskaaga ah uga shaqo bilowday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Jubaland, halkaasi oo ay qayb ka ahayd koox kormeeraysay qorsheynta iyo abaabulka aqoon-isweydaarsiyo awood-dhisid taxane ah oo loogu talagalay dhallinyarada ka soo jeeda beelaha la hayb sooco iyo kuwa tirada lagu riixo. Aqoon-isweydaarsiyadu waxaa ay qayb ka ahaayeen dedaallo ay Wasaaraddu ku dooneyso in ay ku keento isdhexgal bulsho oo ayna ku yareynayso hayb sooco iyadoo la barayo xirfado nololeed iyo taageeridda hawlaha bulsho-dhaqaale ee dhallinyarada degaanka.

"Dhallinyarada aqoonyahnnada ah ee beelahan ka soo jeeda sida aniga oo kale ah waxaa loo baahan yahay in ay si iskooda ah ugu istaagaan dadkan oo ayna kor u qaadaan wacyigooda si ay u hadlaan oo ay uga soo baxaan mugdiga ay ku jiraan ee sida aan bareerka ahayn loogu khasbay," ayay tiri Marwo Muno.

Iskaa-wax-u-qabsiga Marwo Muno ayaa meelo kale ku sii fiday. Xubin ka tirsan Kooxda Dhallinyarada Fahan ee degaanka ahaan, waxay ka qaybgashey hawlo lagu nadiifinayo xeebaha Kismaayo.

“Hindisahan wuxuu dadweynaha tusay in aan u baahanahay in aan tallaabo qaadno si aan u sii wanaajinno deegaankeenna, laakiinse waxay sidoo kale ahayd fursad dadka la hayb sooco ama tirada lagu riixo ay ka qaybqaadan karaan – dadka la hayb sooco ama tirada lagu riixo xitaa waxaa laga reebaa hawlaha bulshada, marka tani waxay ahayd isbeddel yimid,” ayay tiri.

Waxaa degaanka laga oggaaday xamaasadda iyo go’aanka ay Marwo Muno qaadatey waanna la ammaanay.

“Maadaama ay u halgameyso sidii loo heli lahaa bulsho cadaalad ku dhisan, oo eexasho iyo qabyaalad ka fog, ayaa waxay ka mid noqotay shan qof oo ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo kooxaha dhallinyaradaba ay u doorteen in ay Jubaland ku metelaan ololaha nabadda ee Kismaayo,” ayuu yiri Guddoomiyaha Kooxda Dhallinyarada ee Fahan, Bashiir Xirsi Cali.

“Waxaan rajo weyn ka qabnaa in ay ku sii guuleysan doonto burburinta caqabadaha iyo kobicinta midnimada beelaha,” ayuu ku sii darey. “Waxay heli doontaa taageeradeenna aan gaabiska lahayn.”

Shaqo cusub, qasdi la mid ah leh

Bilowgii sannadka 2022, ayay Marwo Muno waxay shaqo ka bilowday Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jubaland iyadoo ka noqotey xog ururiye. Waxaa markii dambe loo dalacsiiyay jago xoghayenimo oo wasaaradda ah.

Iyadoo laga yaabo in dadka qaar ay diiradda saaraan wadiiqadooda mihnadeed, 25-sano-jirkan ayaa sidoo kale goobteeda shaqada ku aragtey saameynta beelaha la hayb sooco iyo kuwa tirada lagu riixo. Waxay bilowday in ay ku dhiirrigeliso dhallinyarada la hayb sooco in ay ka faa'iideystaan fursadaha ugu badan ee ka jira waaxda badaha ee Dowladda Xubinta ka ah Federaalka.

“Waxaan oggaadey in ay jiraan kheyraad badeed gacan ka geysan kara yareynta shaqo la'aanta ay wajahaan dhallinyarada ka soo jeeda bulshooyinka la hayb sooco, oo waxaan doonayay in aan taasi wax ka beddelo. Dhallinyarada waxay ka faa'iidi karaan inta ay ka faa'iidaan dhallinyarada dhiggooda ah ee beelaha tirada badan ama aan la hayb soocin,” ayay tiri Marwo Muno.

Maadaama ay leedahay xariiq badeed ballaaran oo qiyaastii dhan 3,300 kilomitir oo ku taalla meel istiraatiijig ah oo muhiim u ah marinnada maraakiibta caalamiga ah, waaxda badaha ee Soomaaliya, oo leh kheyraad badan oo biyaha laga heli karo, ayaa waxaa loo arkaa in ay leedahay awood dhaqaale oo aad u weyn.

Marka lagu daro waaxda badaha, Marwo Muno waxay aragtaa fursadaha ka jira dhaqaalaha sii koraya ee dalka waxayna ku dhiirrigelinaysaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed in ay fursadaha ka faa'iideystaan, gaar ahaan waaxda badaha, iyadoo ku tilmaantay in ay tahay mid aad uga wanaagsan ikhtiytaarka in dalka laga dhoofo ‘tahriibka’ – oo ay badanaa soomaalida ugu yeerto safarrada-khatarta ah ee la adeegsado mukhalisiin dadka tahriibiya oo geeya xeebaha dalal shisheeye – si ay nolol wanaagsan uga helaan dibedda.

“Waxay kaliya u baahan yihiin in lagu dhiirrigeliyo in ay sidaa sameeyaan, waxaanna hadda aragnaa koror ku yimid tirada dhallinyarada ka soo jeeda bulshooyinka la hayb sooco ee doonaya in ay ka faa'iideystaan fursadaha ka jira magaalada Kismaayo,” ayay tiri.

Marwo Muno waxay tusaalooyin kala duwan ku muujinaysaa xiriirka ka dhaxeeya hayb sooca iyo saboolnimada.

“In kastoo badanaa ceeb in ay tahay loo arko in haweenay la kufsadey ay dacwadeeda booliska u gudbiso, haddana waxaa ugu daran haweenka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco sababtoo ah dacwadahooda waxay u badan tahay in la iska indha-tiro,” ayay tiri Marwo Muno.

“Caseeyayaasha da'yarta ah ee [Kismaayo] ka soo jeeda beelaha la hayb sooco waxaa wax laga murugooda ah in ay arkaan in laga reebo fursadaha waxbarasho,” ayay tiri iyadoo hadalkeeda sii wadata. “Tani waa saameynta burburka leh ee uu hayb soocu leeyahay, maadaama uu horey u sii wado meertada saboolnimada oo uu u diido carruurta danyarta ah fursad ay ku helaan waxbarasho rasmi ah.”

Indhaheeda, waxaa si cad uga muuqda sida horey loogu sii soconayo.

“Tani waa xaalad jirta oo loo baahan yahay in la wax laga beddelo – waa annaga cidda hadli karta oo sheegi karta walaacyada ay dadkan qabaan waxaanna u ololeyn karnaa in dhibaatooyinkooda wax laga qabto,” ayay tiri Marwo Muno. “Haddii isbeddello nidaami ah oo wax looga qabanayo hayb sooca dalka ka jira la helo mooyaane, awoodda jiilal badan oo dhallinyaro ah ayaa la dhaqaale darrayn/beer-dareyn doonnaa.”

“Waxaan aaminsanahay in qof walba uu istaahilo in ra'yi ku yeesho oo uu ka qaybgalo go'aamada sameeya noloshooda,” ayay ku dartey, “waxaanna sii wadi doonnaa in aan u ololeeyo oo kor-u-qaado wacyigelinta ku saabsan arrintan iyo in aan ku dhiirrigeliyo bulshadeyda in ay door firfircoon ka qaadaan qaybaha bulshada. Waa in uu isbeddel dhacaa.”

Taageerada QM

Soomaaliya, Qaramada Mibooday waxay taageertaa dedaallo kasta ee lagu abuurayo faham dadweyne oo qoto-dheer oo ku aabsan xuquuqaha bulshooyinka laga tiro badan yahay iyo kuwa la hayb sooco ee Soomaaliya iyo in lagu dhiirrigeliyo dowladaha iyo ururrada bulshada rayidka ah in ay u ololeeyaan xuquuqahooda.

Dowlad-goboleedka Xubinta ka ah Federaalka ee Jubaland ee ay Marwo Muno ka soo jeedo, taageeradan waxaa ka mid ah hawl lagu lafogurayo xogaha kooxahaasi iyadoo ujeeddadu tahay in ururrada arrimaha bani'aadamnimad ka shaqeeya ay si fiican u beegsadaan kuwa gargaarka u baahan; iyo taageeridda ururrada bulshada rayidka ah ee metela dadka laga tiro badan yahay si kor loogu qaado xuquuqaha aadanaha iyo sii wanaajinta wada-shaqeynta ay la leeyihiin maamullada dowladda, suxufiyiinta, dhallinyarada, iyo kooxaha haweenka.

Taageerada waxaa ka mid ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu caawiyo barnaamij lagu dhisayo adkeysiga ku dhowaad 25,000 reer oo isugu jira reero danyar ah iyo kuwo la hayb sooco. Barnaamijkan socda ee 50 milyan ee yuuro (euro) ku baxaya waxaa maalgelisay Dowladda Jarmalka, wuxuunna hiigsanayaa sii wanaajinta helidda waxbarasho, caafimaad, nadaafad iyo nafaqada carruurta iyo dadka qaangaarka ah iyo kor u qaadista haqab-beelka cuntada ee reeraha danyarta ah.

Wejiga saddexaad ee barnaamijka ayaa bilowday sannadkii 2021, waxaanna maareeya Hay'adda Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), Hay'adda Cunnada Adduunka (WFP) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha (FAO), waxaanna fuliyey Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, Dowladda Jubaland, maamullada degmooyinka iyo kuwa maxalliga ah, iyo ururrada aan dowliga ahayn.