Qaramada Midoobay oo fidisay jawaab-celin nidaamsan oo dhammeystiran kaddib qaraxii ka dhacay Muqdisho

18 Oct 2017

Qaramada Midoobay oo fidisay jawaab-celin nidaamsan oo dhammeystiran kaddib qaraxii ka dhacay Muqdisho

Mogadishu – Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa abaabushay shaqaalaheeda iyo hantideeda si ay jawaab uga bixiso codsiga uga yimid mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah dowladda hoose si ay gacan ugu fidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxii maalintii Sabtida ah ee ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Adeegga Qaramada Midoobay ee wax ka Qabashada Miinooyinka (UNMAS) ayaa ilaa maalintii Axadda goobta uu qaraxa ka dhacay oo u dhaw Hoteel Safaari geyneysay la-taliyeyaal dhanka farsamada, shaqaalo caafimaad iyo eeyaha baara walxaha qarxa. Shaqaalaha qaybta dab-demiska oo ka socda UNSOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageeridda Soomaaliya ayaa booqday goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ayna adeegsadeen agabyo gaar ah ee loogu talogalay raadinta dadka laga yaabo in ay wali dhismayaasha burburay ku hoos jiraan.

Maalintii Isniinta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa isbitaalka Madiina iyo Xarunta Gurmadka Degdegga ee Qaran oo mar dhaw la aasaasay waxaa ay geysay 3.8 tan oo agabyo caafimaad ah. Waxaa deeqdani agabyada caafimaad fidiyey Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska(DfID). UNICEF waxaa ay sidoo kale seddex teendho ka taagtay gudaha isbitaalka kuwaasi oo ay shaqaalaha u isticmaali doonaan raadinta qaraabada dadka bukaannada ah ee la dhabiibayo.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa sidoo kale horraantii usbuucani waxaa ay teendhooyin, matoor iyo 1,000 oo aan agabyo  aan cunno ahayn geysay Isbitaalka Madiina iyo goobta howlgalka. 

Hay’adda Qarmada Midoobay ee u qaabilsan Caafimaadka Addunka (WHO) ayaa maalintii Talaadada fidisay deeq ah seddex tan oo isugu jira agab caafimaad ah iyo gargaarka degdegga ah si loo taageero daaweeynta dadka ku dhaawacmay qaraxa. 

Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa waxaa ay raadiyeyaalka xiriirka ugu deeqday shirkad ambalaas oo maxalli ah, waxaa ayna sidoo kale qorshayneysaa in ay lacago caddaan ah siiso boqolaal dhalinyaro oo ka qayb qaadanaya howlgalka nadiifinta ee goobta uu qaraxa ka dhacay iyadoo u marineysa xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho. 

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arimaha Bani’aaddinimada ayaa sidoo kale gacan ka geysanaya isku duwidda wax-qabadka kala duwan ee hay’adaha Qaramada Midoobay iyo deeqyada faraha badan ee ka kala yimid beesha caalamka ee loogu taageerayo dadaallada soo kabashada.

Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in bahda Qaramada Midoobay ay aad uga xun yihiin weerarrada daran ee galaaftay nolosha in ka badan 300 oo qof, oo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 500. 

Mudane Zenenga waxaa uu ka mid ahaa 137 xubnood ee shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ilaa iyo shalay dhiiggooda bixiyay kaddib baaqa degdegga ah ee ay soo jeediyeen dowladda hoose iyo dowladda dhexe. Waxaa uu xusay in isbitaallo badan oo ku yaalla caasimadda ay buux dhaafiyeen dadka ay dhaawacyada ka soo gaareen weerarka, oo ay hayso agab iyo dhiig yari.

“Waxaa aan ka codsannay asxaabteenna ee bahda Qaramada Midoobay in ay shubaan dhiig. Isla markana, dhammaan bahda Qaramada Midoobay waa ay is abaabulayaan ayaga oo jawaab ka bixinayaa baaqa ka timid dowladda Federaalka ah iyo dowladda hoose,” ayuu yiri.

Mudane Zenenga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si dhow ula shaqeyneyso Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si loo xaqiijiyo in ay taageerro ku filan ay siiyaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda federaalka ah iyo dowladda hoose.

“Taageerradeenna haddii aan nahay bahda Qaramada Midoobay waxaa qayb loo marin doonaa AMISOM, taageeradaas oo ay ku jiraan qalabka caafimaadka iyo dawooyin. Sidoo kale waxaa aan leennahay hay’ado sida UNDP oo taageero toos ah ku bixin doontaa baaqa uu soo jeediyay maamulka Banaadir,” ayuu Zenenga yiri. 

Alan Macdonald oo ah Agaasimaha UNMAS ayaa xusay dowrka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen eeyaha hay’adda ee loo adeegsado baaritaannada dhinaca baaritaanka walxaha qarxa agagaarka meelaha uu qaraxa ka dhacay.

“Maalinta labaad, jawaab-celinta waxaa baa iska beddelay, waxaa inoo jooga eeyaha baaro waxyaabaha qarxa, waxaa aan sidoo kale ku xoojinnay taageerro dhinaca qalabka dagaalka oo aan ku caawinnay ciidamada AMISOM qalab culus ee lagu soo faago goobta uu qaraxa ka dhacay,” ayuu xusay Mudane Macdonald.

Dhallinyarada wax ka barta jaamacadaha caasimadda ayaa sidoo kale ka qayb galay nadiifinta iyo gurmadka horraantii usbuucan.

In ka badan 300 oo dhallinyaro oo si iskood isku xilqaamay ayaa ka qayb qaatay dadaallada nadiifinta burburka, waxaana la socday Duqa Magaalada Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed.

“Dakdkani aad u jeeddaan waa dhalinyaro ka jawaabtay baaqi aan soo jeedinnay ee ahaa in aan isku nimaadno si aan isku caawinno,” ayu yiri Mudane Thaabita Cabdi Maxamed.

Isku-duwaha ardayda, Muuna Xasan, ayaa sheegtay in ay jiraan shan kooxood oo gacan ka geysanayey hawlgalka nadiifinta, oo ay ka mid ahaayeen qayb u xil-saaran baadigoob iyo gurmad.

Iskuduwaha Kooxda Dhalinyarada Soomaliyeed ee Gargaarka Degdegga ah ayaa musiibo qaran ku tilmaamay qaraxaani oo ka dhacay mid ka mid ah degmooyinka ugu mashquulka badan magaalada, ayada oo intaasi raacisay in tirada badan ee dhaawaca iyo dhimasha iyo burburka baaxadda weyn ay ku dhalisay dhalinyarada in ay iskood iskugu xilqaamaan holwgalka baadigoobka iyo gurmadka.

“Waa dhalinyaro is-abaabulay oo ujeedadoodu tahay in ay xal u helaan musiibadaan,” ayay tiri Muuna.