Soomaaliya: xorriyadda hadalku waxay muhiim u tahay ka gudbidda marxaladda kalaguurka siyaasadda ee socota – warbixinta Qaramada Midoobay

4 Sep 2016

Soomaaliya: xorriyadda hadalku waxay muhiim u tahay ka gudbidda marxaladda kalaguurka siyaasadda ee socota – warbixinta Qaramada Midoobay

Warbixinta Qaramada Midoobay ee xorriyadda hadalaka ee Soomaaliya ee lasoo saaray Axaddi ayaa tilmaantay horumarka laga gaaray maamul dhisidda Soomaaliya, laakiin warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay xaaladaha aadka u adag ee ay kusii jiraan wariyeyaasha, difaacayaasha xuquuqul insaanka iyo hogaamiyeyaasha siyaasadeed, waxaana kamid ah xaaladahaas dilal, xarig, cabsi-gelin iyo xarumo warbaahin oo muhiim ah oo albaabada la iskugu dhufto.

Warbixint oo ay wadajir u soo saareen Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Ergeyga Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka waxay tilmaantay in in sanadka 2016 uu yahay “marxalad xasaasi u ah kalaguurka siyaasadda Soomaaliya,” waxayna iftiimisay horumarka dhiirigelinta leh ee loogu jiray in la helo doorasho loo wada dhanyahay iyo dowlad ku dhisan isla-xisaabtan lagasoo billaabo sanadki 2012ki, horumarkaas oo ay ku jiraan dib u dhiska hay’adaha Dowladda iyo ansixinta shuruucda muhiimka ah, oo ay ku jiraan sharciga axsaabta siyaasadda, sharciga lagu dhisay Guddiga Qaran ee Madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka.

Warbixintu waxay muujinaysaa in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeesheen inay dowr ka cayaaraan geedi-socodka Dowlad dhisidda, taasna waxaa lagu gaaray qabanqaabinta wadatashito laga hirgeliyay dalka oo dhan. In kasta oo qabanqaabada doorashooyin leh halbeeg caalami ah ay noqotay in dib loo dhigo ilaa 2020, hadana geedi-socodka doorasho waa mid ka-qaybgalkiisu aad uga ballaaranyahay kii hore. Sanadki 2012ki, 257ka xildhibaan ee Aqalka Hoose waxaa soo xulay 135 odayaal dhaqameed, laakiin sanadkaan waxaa soo dooran doona ergo ka badan 14,000.

Si kastaba ha ahaatee, heerki metelaadda haweenka ayaa si ba’an u hooseeya, waxayna Baarlamaanka Federaalka ah ka haystaan boqolkiiba 14 oo kaliya. “Haweenka u tartamaya kuraasta ayaa ah kuwo si gaar ah u nugul,” ayay tiri warbixintu, iyadoo garowsan “in saamaynta xooggan ee dowrka odayaal dhaqameedku ku leeyahay arrimaha bulshada inuu yahay caqabadda ugu wayn ee ku horgudboon ka qaybqaadashada haweenka,” iyo takooridda ay la kulmaan haweenka dhan walba oo ku saabsan nolosha.

Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in xorriyadda hadalka, oo kaalin dhexe ka cayaarta dhisidda Dowlado demoqoraadi ah, gaar ahaan xiliyada kala-guurka siyaasadda, ay weli tahay mid si wayn u kooban.

Kasokow “dhaqanka firfircoon ee warbaahinta” ka jirta Soomaaliya – oo ay ka hawlgalaan in ka badan 90 xarumo warbaahineed iyo tobaneeyo shabakado warar iyo shabakado gaar loo leeyahay – xadgudubyo badan oo lala beegsado wariyeyaasha iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda ayaa lagu qoray warbixinta, ayna kamid yihiin dilal, weeraro, xarig aan loo meel dayin iyo xabsi ku-hayn, cabsi-gelin, kadeed, xarumo warbaahineed oo albaabada la iskugu dhufto, la wareegid qalab iyo xannibaad lagula dhaqaaqo shabakado warar.

Khatarta ay la kulmaan shaqaalaha warbaahinta iyo dadka caanka ah waxaa ka markhaati kacaya xaqiiqada ah, intii u dhexeysay Agosto 2012ki iyo Juun 2016ki, waxaa Soomaaliya gudeheeda lagu dilay tiro dhan 30 wariyeyaal ah iyo 18 xubno baarlamaan.

Warbixintu waxaa kale oo ay qortay 120 xaaladood oo iskugu jira xarig aan loo meel dayin iyo xabsi ku-hayn lagula dhaqaaqay shaqaale warbaahin intii u dhexeysay Janaayo 2014 iyo Luulyo 2016.

Al-Shabaab waxay dhamaan warbaahinta ka mamnuucday inay ka hawlgalaan meelaha gacanteeda ku jira, waxayna beegsanaysay shaqaalaha warbaahinta meel kasta oo ay dalka ka joogaan. Laakiin ciidamada amniga ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, ayna kamid yihiin Ciidanka Xoogga Qaranka, Booliska iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, ayaa ah kuwa sida wayn u maleega xadgudubka ka dhanka ah shaqaalaha warbaahinta iyo dadka siyaasadda u ololeeya. Idaacadda Shabelle ayaa si gaar ah loo beegsaday, iyadoo xaalado khatar ah ay soo martay intii u dhexeysay 2013ki and 2015ki. Warbixintu waxay xustay in hay’adaha dowladdu ay ka gaabiyeen dadaalladi lagu baari lahaa xadgudubyada noocaas ah, isla markaasna sharciga lala tiigsan lahaa.

“Dhacdooyinka isdaba jooga oo ah xarigga iyo xabsi ku-haynta wariyeyaasha iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta waxay u muuqdaan inay tusinayaan inay jirto ujeeddo la doonayo in lagu cabsigeliyo laguna kadeedo wariyeyaasha iyo milkiilayaasha warbaahinta, taasoo qasab ah inay keento inay isku sameeyaan faaafreeb ama shaqaalaha warbaahintu inay ugu dambayntii iskaga tagaan xirfadooda shaqo,” ayay tiri warbixintu.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa si joogta ah iskaga indhatirta oon tixgelinin damaanadaha dhowridda, oo ay kamid yihiin in dadka la xiro ay helaan qareen u dooda iyo inay qoysaskoodu soo booqdaan. Hay’adda NISA ayaa dadka u ololeeya siyaasadda iyo wariyeyaasha xabsigeeda kula xirta eedeysanayaasha Al-Shabaab, iyadoo aan kormeer garsoor loo helin. Dhacdada welwelka leh ayaa ah in laga soo billaabo Febraayo 2016, Hay’adda NISA ay warbaahinta u adeegsato inay ku soo bandhigto eedeysanayaal Al-Shabaab ah oo qiranaya dembiyadooda

Warbixintu waxay soo dhoweyneysaa Sharciga Warbaahinta Federaalka ee cusub, ee la soo saaray bishii Janaayo 2016, kaasoo dammaanadqaadaya tiro xiorriyado/xuquuq ah, oo uu ka midyahay xaqa loo leeyahaya xogta. Laakiin waxay sidoo kale caddeynaysaa walaaca laga qabo ereybixinta sharciga oo aan caddeyn, taasoo saamaxaysa in loo fasirto sida la doono iyo xaddidaadda aan loo baahnayn oo lagu sameeyo xorriyadda hadalka, iyo ciqaabta adag ee loo dejiyay weriyeyaasha lagu xukumo inay ku xadgudbeen qodobadiisa.

Xadgudubo badan ee xaqa xorriyadda hadalka ah waxay run ahaantii ku saleysanyihiin eedeymaha faafinta "xog been ah," oo ah dembi aan si fiican loo qeexin – oo lagu ciqaabi karo ciqaab gaaraysa ilaa lix bilood oo xabsi ah – taasoo ay marar badan adeegsadaan hay'adaha dalkoo dhan si ay u xiraan shirkadaha warbaahinta ama ay xabsiga ugu taxaabaan weriyeyaasha.

Xaddidaadyo la soo rogo iyadoo sabab looga dhigayo amniga qaranka ayaa sidoo kale aad u badan. Inkastoo khatarta amnigu ay tahay mid muuqata oo dhab ah,  xaaladaha gaarka ah ee laga soo reebo xaqa xorriyadda hadalka aad bay u koobanyihiin, xaaladahaas gaarka waa inaan loo adeegsan in lagu xakameeyo hadalka siyaasadeed, ayay leedahay warbixintu.

Warbixintu waxay adkeynaysaa baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka caddaaladda si ay u suurtowdo in si fiican loo ilaaliyo xorriyadda hadalka. waxaa weli taagan welwel sharci ah (dhab ah) oo laga qabo madaxbanaanida nidaamka garsoorka, oo ay weli sii qaabeynayaan siyaasadaha qabiilka ku saleysan, musuqmaasuq iyo kormeer la'aan. Taasi waxaa ka dhashay inuu koobnaado la xisaabtanka xadgudubyada loo geysto xuquuqul insaanka. Tan iyo bishii Janaayo 2015, toban keliya oo ka mid ah 48 weriye iyo shaqaale warbaahineed oo la soo qabtay ayaa maxkamad la hor geeyay.

"Soomaaliya waxay gaartay horumar weyn sannadihii dhowaa, ka dib markay soo martay tobaneeyo sanno oo colaad iyo qas ahaa," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Michael Keating. "Laakiin dadka Soomaaliyeed weli waxaa haysta dhibaayin badan oo ka haysta xagga xuquuqul insaanka. Waxay u baahanyihiin oo ay mudanyihiin hay'ado lala xisaabtami karo. Waxaa ina dhiirigelinaysa in Dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyadu ay dhab ahaan u qaadanayaan warbixintan. Waxaan fahamsanahay in hay'adaha ay arrintu khuseyso ay dib eegid ku sameynayaan waxyaabaha warbixinta ku qoran iyo talooyinka ay soo jeedinayso. Waxaan rajeynaynaa inay horseedi doonto tallaabooyin sare u qaadi doona waxqabadkooda ayna ka dhalan doonto in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay si weyn ugu naalloodaan xuquuqul insaanka.

"Saxaafad xoog leg, madaxbanaan oo afdheer ayaa ah arrin muhim u ah dowlad dimuqraadi ah," ayuu yiri Wakiilka Sare ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay, Zeid Ra’ad Al Hussein. "Weerarrada lagu qaado weriyeyaasha qof ahaan iyo shirkadaha warbaahinta waxay saameyn qotodheer oo baabi'naysa ku yeelanayaan dimuqraadiyada, waxaana ka dhalanaysa natiijooyin fool xun oo si qotodheer u saameynaya xorriyadda hadalka iyo xuquuqul insaanka guud ahaan. Waxaan ugu baaqayaa hay'adaha Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedba, inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan ayna xaqiijiyaan in si buuxda loo baaro dhammaan xadgudubyada loo geysto xaqa xorriyadda hadalka, oo ay ka midyihiin weerarrada halista ah ee kala duwan ee lagu qaado shaqaalaha warbaahinta, iyadoo aan la eegaynin haybta kuwa geystay."

 

DHAMMAAD

Warbixinta oo dhamaystiran waxaad ka heli kartaa halkan:http://www.ohchr.org/Documents/Countries/SO/UNSOM_FreedomExpressionReport_Aug312016.pdf

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:

Geneva: Rupert Colville (+41 22 917 97 67 / rcolville@ohchr.org) ama Ravina Shamdasani (+41 22 917 97 69 / rshamdasani@ohchr.org) ama Cécile Pouilly (+41 22 917 93 10 / cpouilly@ohchr.org)  

Muqisho: Joe Contreras (+252 699 590080 and +252 619 988211 / contrerasj@un.org)

Wixii aad u rabto shabakadahaada wararka iyo warbaahinta bulsho: Farriimaha ugu waawayn eek u saabsan wararkeenna waxaa laga heli karaa bogagga warbaahinta bulsho ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay, bogaggaas oo hoos ku taxan. Fadlan nala soco adigoo adeegsanaya habka saxan

Twitter: UNrightswire

Facebook: unitednationshumanrights

Google+: unitednationshumanrights

Youtube: unohchr