QM oo ka digeyso xaalad bini’aadannimo deg deg ah oo kusoo fool leh Soomaaliya

18 Jun 2014

QM oo ka digeyso xaalad bini’aadannimo deg deg ah oo kusoo fool leh Soomaaliya

Muqdisho – 15 Juun 2014 – In kastoo ay nabadgelyadu wanaagsanaatay qeybo ka mid ah Soomaaliya taasoo imaatay kadib howl galkii milatari ee ka dhanka ahaa Al Shabaab sanadkan horaantiisii, hadana, xaalada bini’aadamnimo ee nugul dalkan dhexdiisa ayaa noqon karto mid deg deg ah hadii aan la helin lacag lagu taageero faragalinta bad baadinta nafta, Philippe Lazzarini, Isku duwaha Bini’aadamnimo ee QM uqaabilsan Soomaaliya ayaa sidaas dhahay.

Isagoo ka hadlayay shir saxaafadeed uu ku qabtay caasimadda, Muqdisho, 15ka Juun, Lazzarini wuxuu yiri Soomaaliya waxay khatar ugu jirtaa inay dib ugu hoobato dhibaatadii bini’aadamnimo, ayadoo ay taagantahay xaalad nugul oo cunto yari ah suura galna ka dhigi karto inay sii xumaato bilaha soo socdo tasoo ah natiijo ka dhalatay roobabkii oo dib u dhacay, dagaalada sii socdo iyo qiimaha cuntada oo sare u sii kacayo.

"Qiimeyn aan sameynay ayaa waxay tuseysaa in wax ka badan 857,000 oo dad Soomaaliyeed ah ay u baahan yihiin si deg deg ah kaalmo bad baadin nafeed, 2 malyuun oo dad dheeraad ahna ay qarka u saran yihiin inay cuntadii ka dhamaato una baahan in la sii wado taageerada hab nololeed kooda,” ayuu yiri, isagoo ku siidaray in tobanaan sano oo dagaal ah ay ku baro kiciyeen wax ka badan hal malyan oo dad ah gudaha Soomaaliya.

 

Lazzarini wuxuu cadeeyay in xaalada ay sii xumeysay ayadoo ay kulmeen weerarkii milatari iyo xeeladii dhaweyd ee Al Shabaab ay ku xireen jidadkii iyo wadiiqooyinkii ay sahaydu u maraysay meelaha cusub ee dib loo xoreeyay, tasoo ragaadisay dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo suura galnimadii in loo raro gar gaar bini’aadamnimo goboladaas.

 

"Meelaha la gaari karo ee cusub waxay u baahan yihiin in si fiican loo gaaro; waxay u baahan yihiin inay gaaraan Soomaalida, waxay u baahan yihiin inay gaaran ganacsatada, waxay u baahan yihiin inay gaaran saaxiibadaanada gar gaarka bixiyo," ayuu yiri.

 

Wuxuu farta ku fiiqay in 22 boqolkiiba oo kaliya lacagtii ay gargaarka dalka ugu codsadeen ee dhaneyd US$933 milyan ay kasoo gaartay.

"Waxaa na heysato marnaansho dhaqaale oo weyn taasoo garba duubtay barnaamijyadii badbaadinta nolosha sida cunto bixinta, biyaha, nadaafada iyo caafimaadka," Lazzarini ayaa dhahay.
 

Baahida bini’aadamnimo ee Soomaaliya waxay sii ahaaneysaa mid weyn, oo ay la jirto nafaqo darro xoogan oo heerkeedu ka sareeyo heerka nafaqo darrida caalamiga ee ah heerka gurmadka deg degga boqolkiiba 15; dalku wuxuu ku jiraa shanta dal ee aduunka ugu sareysa heerka nafaqo la’aanta caruurta, oo hal todobadii canugba ee da’doodu ka yartahay shan jir lagu qiyaasay inuu la il daran yahay nafaqo dari.
 

Lazzarini wuxuu ka digay hadii aan si deg deg ah looga jawaabin, xaalada bini’aadamnimo ee sii xumaaneyso ay guulihii siyaasadeed ee dalka uu hantay xiliyadii dhawaa ay raad xun ku reebi karto.
 

“Waxaan u baahanahay inaan ka jawaabno ajandaha nabadda iyo amaanka, ajandaha dowlad dhisida, laakiin ma aha inaan miiska ka tuurno ajandaha bini’aadamnimada,” ayuu yiri. “Hadii aan ku sii socono inaan iska dhega tirno taas, waxaa laga yaabaa inay garba duubto ajandeyaasha kale ee wanaagsan kuwaasoo ayagana isasii furfurayo dalka dhexdiisa.”
 

“Dalku mar kale ayaa wuxuu marayaa heer xaalad deg deg ah qarka u saran yahay. Howl gal ayaa hada loo baahan yahay, inta uusan hoos u dhacu noqon fara kabax,” ayuu ku siidaray. “Labada bilood ee nagu soo aadan waa halis.”