Taliska cusub iyo ciidamada Ilaalada QM ee Soomaaliya oo xilkooda la wareegay

26 Jul 2017

Taliska cusub iyo ciidamada Ilaalada QM ee Soomaaliya oo xilkooda la wareegay

Muqdisho – Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta sameeyay xaflad xil wareejin ah oo ay xilka ku wareejinayaan askar cusub. Gaashaanle Dhexe Mike Hyeroba ayaa taliska Qaybta Ciidamada Ilaalada kala wareegay Gaashaanle Dhexe Keith Katungi oo dhammeystay muddo xileedkiisa.

“Waan soo dhaweyneynaa cutubka cusub, waxaana rajeyneynaa in ay qaadi doonaan raadka askarta wakhtigooda u dhammaatay, ayna si la mid ah si hufan u gudan doonaan shaqadooda sanadka soo socda. Ka Qaramada Midoobay, waxaa noo suurtageliyay in aan waajibaadkeenna aan gudanno waa ilaalada aan ka helnay iyo jawiga wanagsan ay noo sahleen,” ayuu xafladda xil wareejinta ka yiri Raisedon Zenenga, Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mudane Zenenga ayaa taliyaha cusub ee ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay ku wareejiyay calanka QM, xilli lagu guda jiray xafladda ee ka dhacday xarunta UNSOM ee Muqdisho.

Sarreeye Gaas Peter Elwelu oo ah Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Ciidanka Difaaca Dadka Uganda, ayaa muujiyay in Uganda ay mar waliba diyaar u tahay in ay Howlgallada QM ay ku deeqdo ciidamo. Waxaa uu ku ammaanay askarta iyo taliyaha ciidamada muddo xileedkoodu u dhammatay shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

“Waxaan ugu mahadcelineynaa hoggaanka Qaramada Midoobay kalsoonida ay siiyeen Uganda iyo in ay aqbaleen in aan inagu sugno ammaankooda. Waan kuu faraxsannahay, diyaarna waan u nahay in aan sii wadno in aan ciidamadeenna ugu deeqno Howlgallada Qaramada Midoobay,” ayuu yiri.

Gaashaanle Dhexe Hyeroba ayaa taliye u noqon doona ciidamada Qaybta Ilaalada Qaramada Midoobay, oo askarta ka tirsan ay Muqdisho yimadeen usbuuca la soo dhaafay. Kani waa cutubka afaraad ee Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya imaaday tani iyo May 2014.

Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay waxaa ay ka kooban yihiin ciidamo ka socda dalka Uganda, waxaa ayna sugaan ammaanka shaqaalaha rayidka ee QM, xafiisyada iyo xarumaha QM ee Soomaaliya.