Qoraalka shirka jaraa'id ee tooska iyo Internet-kaba ka wada dhacay ee ay QM ku qabatay Muqdisho - 25 Oktobar 2023

25 Oct 2023

Qoraalka shirka jaraa'id ee tooska iyo Internet-kaba ka wada dhacay ee ay QM ku qabatay Muqdisho - 25 Oktobar 2023

(la tifaftiray si loo fahmo)

DADKII KA HADLAY SHIRKA JARAA'ID

  • Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM)
  • Anita Kiki Gbeho, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM)
  • Aisa Kacyira, Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Madaxa Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS)
  • George Conway, Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Bani'aadamnimada ee Soomaaliya

CATRIONA LAING: Hagaag, subax wanaagsan, dhammaantiina.

Waa farxad weyn in aad nala joogtaan saaka oo ah maalin ku xigta maalinta Qaramada Midoobay. Waxaanna la idin dhexmarey is-barasho saaxiibada aannu shaqo-wadaagga nahay, laga soo bilaabo kooxda ugu sarreysa ee halkan Soomaaliya. Farxad weyn bay noo tahay in dhammaanteenna aan halkan wada joogno sababtoo ah had iyo jeer ma sahlanna in dadku meel wada joogaan. Sidaa daraaddeed, waa farxad in aan maanta la joogo saaxiibadeyda ee aan shaqo-wadaagta nahay.

Haddaba aan xuska sharraxaad idanka siiyo, shalay waxay ahayd Maalinta Qaramada Midoobay, waxayna ahayn sannad-guuradii 78aad ee ka soo wareegatay maalinta oo ahayd sannadkii 1945 markii uu dhaqangaley Axdiga Qaramada Midoobay. Waa sanad-guuro muhiim ah, waana waqti ay tahay in dib loo cusbooneysiiyo rajada iyo ballanqaadka lagu dhisayo duni tii hore uga wanaagsan dhammaan waxyaabaha aan ku hamineyno.

Sida aad dhammaantiinna wada ogsoon tihiin, waqtigan waxaa dunida ka jira culeysyo aad iyo aad u badan. Colaadda foosha xun ee ka taagan Ukraine, waxaanna nala soo gudboonaaday xaalad fool xun oo dhawaan ka dhacday Israa'iil iyo Falastiin, culeysyo ka jira qaaradda Afrika iyo culeysyo kale oo innagu haysta Soomaaliya. Laakiin Qaramada Midoobey waxaa ay garab-taagan tahay oo ay diyaar u tahay in ay taageero ka geysato dhammaan culeysyadaas jira.

Waxaan Soomaaliya joogney xoriyadii ka hor. Waxaan halkaaan joogney waqtiyo aad u cuslaa oo Soomaaliya soo marey, waxaana ugu dambeeyay, in sannadkii 2013 halkan lagu aasaasay Hawlgalka aan madaxda ka ahay, ee UNSOM.

Aan idin sharrax qaab-dhismeedkeenna ee halkan. Waxaan leenahay saddex Hawlgal. Waxaan leenahay Hawlgalkeyga, hawlgalka siyaasadeed, ku-xigeenkayga waa Kiki. Waxaad waxyar ka-dib ka maqli doontaan Aisa faahfaahin ku saabsan Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo wax badan ka taageera dhinaca saadka ATMIS (Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya) iyo QM, iyo sidoo kale Dowladda Soomaaliya. iyo George oo madax ka ah Kooxda Dalka ee QM. Haddaba, afartannada ayay noo dhaxeeyaan 3,000 qof ee halkan u jooga Qaramada Midoobay si ay u qabsadaan shaqadooda taageeridda Dadka Soomaaliyeed, iyo, dabcan, Dowladda,

Waxyaabaha xiisaha leh in la xuso waxaa ka mid ah midabkan QM ee aad gadaashiinna ku aragtaan, ee buluugga ah – sidoo kale cidiyahayga! – waa midabka calankiinna [calanka Soomaaliya]. Taasina iskama imaanin, ee waxaa naloo sheegay mid ka mid ah sababaha calanka Soomaaliya u doortay midabkaas QM, in ay tahay aqoonsiga buluugga ee QM. Sidaa daraaddeed, calanka Soomaaliya iyo calanka QM midabka ayay wadaagan, waxaanna u maleynayaa in ay tahay baaq, baaq aad u xooggan, oo muujinaya wada-shaqeynta xooggan ee u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya.

Haddaba maadaama aan sharraxaad kooban ka bixiyay xaaladda, aan iraahdo dhowr erey oo ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee aannu hadda maskaxda ku hayno. Laakiinse waxaad faahfaahin dheeraad ah ka maqli doontaan saaxiibada aan shaqo-wadaagga nahay ee saddexda ah ee halkan ila nala jooga. Marka koowaad – waxaan dhowaan ka imaaday magaalada New York, oo aan warbixin kooban ku soo siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay – waa wax iska cad in ay ku saabsanayd arrimaha siyaasadaha ee Soomaaliya, oo aad dhammaantiinna si dhow ula socoteen.

Waxaanna jiray xooggaa horumar ah oo laga gaarey. Laakiinse, waxaa jira xoogaa caqabado ah. Waxaa socda muran siyaasadeed ka dhashey talo soo jeedinta gaarka ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee la soo saaray bishii Maajo kuna saabsanayd hannaanka doorasho ee ay mustaqbalka Soomaaliya yeellan doonta.

Waxaan mareynaa waqti xasaasi ah oo aan u baahannahay in aan wada-heshiinno, iyada oo ay Dowladdu hoggaan inoo tahay, [oo aan ka heshiinno] waxa laga yeelayo doorashooyinka, nooca qaab-doorasho ee ay Soomaaliya qaadaneyso, waqtiga la qabanyo, sida ay isugu xigayaan doorashooyinka, iyo dabcan, waa mid aad muhiim u ah ee, in la isku dayo oo Puntland dib loogu soo celiyo geeddi-socodka sababta oo ah aad bey u adkaaneysaa in la dhammeystiro iska daa doorashooyinka ee, guud ahaan shuruucda iyo geeddi-socodka la halmaala dastuur-u-dejinta Soomaaliya.

Dastuur la’aan, waxaa dal kasta ku adkaaneysa in uu horey u socdo. Aasaasiyanba Dastuur [waa] ‘xeerarka lagu wada dhaqmayo’ oo lagu maamulayo sida dal loogu dejinayo sharci, loona maamulayo. Dhab ahaanna Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay in dastuurka la dhammeystiro; sida aad og-tihiinba, waxaa weli lagu shaqeynayaa dastuur qabyo ah. Waxaa jira culeysyo siyaasadeed laakiinse waxaa jiray xoogaa horumar ah oo laga gaarey.

Tan labaad, xaaladda magaalada Laascaanood, ayaa weli adag waxaanna jirta xiisad waqtigan degaanka ka taagan. Xaaladda degaanka ilaa xad way deggan tahay, dadkii ka barakacayna waxay bilaabeen in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda. Laakiinse, waxaa loo baahan yahay in la xaliyo waxyaabaha gunta u ah ee kicinaya colaaddan, oo sababtey dhimashada tiro dad ah iyo kala qabsashada tiro maxaabiis ah.

Qaramada Midoobay waxay xambaarsan tahay saddex farriimood waxaanna la shaqeynaynaa dhammaan dhinacyada muhiimka ah – Madaxweyne Deni, Madaxweyne Biixi, cadaaladda dhowaan la sameeyay, maamulka, odayaasha, qabiilka Dhulbaxante, qof walba, iyo dabcan, Dowladda.

Saddexda farriimood waa, midda koowaad, fadlan horumar ka sameeya is-dhaafsashada dadka la kala haysto taas oo lagu dhisayo kalsoonida. Midda labaad, waxaa muhiim ah in uu qof kasta ballanqaado in aanu gacan-ka-hadal kale dhicin, iyo tan saddexaad oo ah, in xal nabadgelyo ku dhisan loo helo dhulka la isku haysto, oo sidoo kale macnaheedu yahay in wax laga qabto qaar ka mid ah waxyaabaha gunta u ah ee kicinaya colaadda. Haddaba halkaasi aan kaga gudubno Laascaanood.

Haddaan ka hadlo dhinaca amniga, sida ay dadka wada ogsoon yihiinba, waxaa dhowaan jiray codsi lagu codsanayo in la hakiyo dhimista ciidamada ATMIS. Aisa ayaa hadal yar oo dheeraad ah oo yara faahfaahsan ka oran doonta arrintan. Tani ayaa ka dhalatey markii la aqoonsadey in Dowladdu ay culaysyo kala kulantey sii wadidda dagaalka iyada oo islamarkaana diyaarineysa ciidamo cusub oo ku filan in ay la wareegaan Saldhigyada Furimaha Hore ee ay gacanta ku hayso ATMIS. Waqtigaa ayaa si xikmad ay ku dheehan tahay looga faa’iideysanayaa in sameeyo xoogaa dib-u-habeyn ah, xoogaa dib-ugu-noqosho ah, iyo dib-u-qorsheynta istiraatiijiyadaha mileteri. Waxaan u maleynayaa in taasi la soo dhaweeyay oo uuna taageeray Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, waxaanna sidoo kale laga soo dhaweeyay New York.

Marka mustaqbalka la eego, Dowladda waxay diyaar-garow xooggan ugu jirtaa shir bisha Disembar ka dhici doonna magaalada New York,  waxaanna lagu eegi doonnaa qaab-dhismeedka amni ee Soomaaliya wixii ka dambeeya 2024ka –  iyo nooca taageero ee looga baahan doonna bah-wadaagta caalamiga ah ee kala duwan, oo ay ka mid tahay Qaramada Midoobay, iyo in la sii eego sida ay xaaladdu noqon doonto markay ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan. Waxaa socoto shaqo xooggan oo looga diyaar-garoobaya shirkaasi.

Sidoo kale dhinaca amniga, waxaa muhiim ah in la xuso in degaanno laga qabsado Al-Shabaab ay, dabcan, tahay hal tallaabo oo keliya, inkasta oo ay tahay tallaabo aad muhiim u ah. Degaannadaas ayaa loo baahan yahay in la xasiliyo, oo dadkuna ay arkaan faa’iidooyinka laga helayo dib-u-soo-noqoshada dowladda si ay dadka u siiso adeegyo awood u siiya in ay kobocdo maciishaddooda, in la hirgeliyo caddaalad – hawsha noocaas ahna waxaa loo yaqaannaa xasilin. Qaramada Midoobey ayaa bixineysa madashii la isugu duwi lahaa xasilinta. Aad bey muhiim u tahay in la adkeeyo guulahaa dhinaca amniga ah.

Waxaan intaasi kaga gudbayaa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Waxaan doonayaa in aan si kooban u taabto arrimo ku saabsan haweenka, nabadda iyo amniga. Arrimahanna waa arrimo si dhab ah muhiim ugu ah QM iyo anigaba shakhsi ahaan maadaama aan ahayn haweenaydii ugu horreysay ee noqota SRSG (Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya), nasiib-wanaagse ay taageeraan laba haween oo karti aad iyo aad ah leh oo aan shaqo-wadaag nahay. Waa saddexdeenna iyo dabcan, George, waa qayb dhab ahaantii aad muhiim u ah.

QM waxay halkan ka shaqeysaa barnaamij kaas oo ah barnaamij ay iska kaashanayaan Dowladda oo ku saabsan haweenka, nabadda iyo ilaalinta. Barnaamijkanna wuxuu aasaasi ahaan ku saabsan yahay in haweenka awood loo siiyo doorarkooda nabad-dhaliyeyaal ahaan. Waxaan dhammaanteenna ogsoonahay in haweenku ay door muhiim ah ka qaataan amniga, iyo in aannu dalka ka jirin nabad waarta haddii ay haweenku taageeraan oo ay gacan ka geystaan la tacaamulidda xiisadaha iyo waxyaabaha kiciya colaadda mooyaane.

Tan labaad, ku saabsan haweenka, waxaanna si toos ah ra’yigooda uga dhegeystey hoggaamiyeyaal haween ah oo badan oo ku sugan Soomaaliya – haween dhiirran oo u istaaga xuquuqda haweenka, oo wada hawl aan looga horreyn – waxaana ay si adag anniga iyo kooxdeyda noogu dhiirrigeliyeen in aan sii wadno in aan Dowladda, Baarlamaanka iyo ciddii kaleba aan kala hadalno muhiimadda ay leedahay in haweenka ay kaalinta ay xaqa u leeyihiin ay ku lahaadaan dhammaan miisaska ugu sarreeya, marka lagu daro kan siyaasadda oo aad muhiim u ah, sababta oo ah haweenku waxaa ay u baahan yihiin in ay arkaan haween kale oo haya doorar xooggan oo hoggaamin siyaasaded.

Waxaanna ka baqayaa in uu mowduucan yahay mid mar kasta ku adag dalal badan oo aan ka soo shaqeeyay. Soo-jeedinta kootada boqolkiiba 30 ee haweenka aad iyo aad ayay muhiim u tahay si loo kala gooyo meertada, si tiro haween dad ku filan ay u soo fariistaan miiska, si haweenku ay u matalaan fikradaha iyo xuquuqda haweenka kale. Sidaa daraaddeed, dhammaanteenna aan ballanqaadno in aan ka wada-shaqeyno si aan u sii wadno hubinta in haweenku ay kursigoodii ay xaqa u lahaayeen ay kaga fariistaan miiska.

Markanna labada qodob ee ugu dambeeya. Waxaan doonayay in aan xuso xuquuqul insaanka, waxaanna ka jira xoogaa horumar ah oo dhiirrigelin leh, oo gaar ahaan laga gaaray dhinaca sharci-dejinta. Waxaanna doonayaa in aan Dowladda Federaalka ku bogaadiyo ansaxintii ay dhowaan ansaxisay Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Naafada iyo Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, iyo Hindise-sharciyeedka Garsoorka Carruurta.

Arrin muhiim ah oo ka jirta Soomaaliya waa da’da carruurnimada. Markii ugu horrey abid hadda waxaan jira siyaasad lagu xaqiijinayo da’da, taas oo ah habraacii rasmiga ahaa ee ugu horreeyey ee lagu daraaseynayo da’da ee dalku lahaado si loo xaqiijiyo in  ilmaha carruurta ah uu dhab ahaan yahay qof ka yar 18 sano. QM ayaa taageero farsamo siisey dhammaan hindise-sharciyeedyadan, haddaba waa tusaalaha wanaagsan ee nooca shaqada ee ay QM halkaan ka qabato. Laakiin weli wax badan ayaa harsan. Haddaba, tusaale ahaan dhinaca da’da ilmaha carruurta ah, tallaabada xigta waa in la is-waafajiyo dhammaan shuruucda iyo siyaasadaha jira si qaab rasmi ah loogu dhexgeliyo in ilmo carruur ah uu yahay qof ay da’diisu ka yar tahay 18 sano, taasina waxaa ay saameyn ku leedahay waxyaabo kale sida guurinta carruurta, da’da uu ilmo si sharci ah ugu biiri karo mileteriga, iyo wixii la mid ah. Sidaa daraaddeed taasi dhab ahaantii waa tallaabo muhiim ah oo tan ku xigta.

Mowduuca labaad ee aannu dhab ahaan diiradda saareyno wuxuu ku saabsan yahay sharciyada wax looga qabanayo dembiyada tacaddiga galmada. Soomaaliya waxay halkan ku saxiixday inta badan waajibaadyadeeda xuquuqul insaanka, laakiinse waxay u baahan tahay in xuquuqahan sharci ku ilaaliso. Run ahaantii waa qayb muhiim ah oo ka mid ah ilaalinta haweenka.

Waxaanna ogahay, oo dhammaantiinna suxufiyiin ahaanna aad ogtihiin, Hindise-sharciyeedka Warbaahinta ee ku saabsan ilaalinta xorriyadda hadalka in uu aad iyo aad muhiim u yahay. Mowduucanna waa mid aan si dhow ula soconno. Waxaan diyaarinney saddex warbixinood oo ku saabsan hubinta in Dowladdu ay ka soo baxdo waajibyaadyada ka saaran hubinta in dhammaantiinna suxufiyiin ahaan aad si xor ah u qabsan kartaan shaqadiina una soo warrami kartaan si dadku ay u fahmaan waxa socda adinka oo aan la kulmin wax cabsigelin ah. Sidaa daraaddeed, waxaan idin xaqiijinayaa, in arrintan ay halka ugu sarreysa kaga jirto ajandaheenna xuquuqul insaanka.

Ugu dambeyn, si aan hadalkeyga u soo gebogabbeeyo waxaan xusayaa hal wax oo wanaagsan, waanna shaqada ay Soomaaliya hayso ee ku aaddan u diyaar-garowga dhammeystirka Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus Qaba. Hindisahan wuxuu Soomaaliya u suuragelinayaa in laga cafiyo inta badan deymaha lagu leeyahay. Waa guul aad muhiim ugu ah Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay in aan halkaan ka sheego in dhowaan la heley halkii xabbo ee ugu dambeeyey ee furi lahaa hal-xiraalaha, waxaana Soomaaliya ay tahay in bisha Disembar ay gaarto bar-dhammaadkii hawshaa. Tani waxaa ay Soomaaliya awood u siineysaa in ay hesho deymo fudud iyo deeqo aad uga badan kuwa hadda, taasina waxaa ay muhiim u noqon doontaa koboca dhaqaale ee Soomaaliya. Sidaa daraaddeed, tusaale ahaan maalgashiga xeebtiina, xeebtiina aadka muhiimka u ah, oo awood idiin siin doonta in aad horey u sii socotaan marka laga eego dhinaca dhaqaalaha.

Wax badan baa jira oo la sheegayo, laakiinse aniga dhammaantooda kama hadli doonna. Waxaan doonayaa in saaxiibada aan shaqo-wadaagga nahay ay ka hadlaan. Marka waxaan hadalka ku wareejinayaa Kiki.

ANITA KIKI GBEHO: Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay, wakiil. Sida Ergayga Gaarka ah ee QM ay sheegtayba, magaceyga waa Kiki Gbeho, waxaanna ahay ku-xigeenkeeda u qaabilsan arrimaha siyaasadda. Haddaba, marka loo yimaado ka taageeridda Dowladda ajandaha nabad-dhisidda iyo qaran-dhisidda, hawlgal ahaan waxaan ka shaqeynaa afar arrimood oo muhiim ah: siyaasado loo dhan yahay, talinta sharciga, xuquuqul insaanka, iyo amniga,.

Dolwaddu waxay si cad u faahfaahisay mudnaanahiida horey u sii socoshada, mudnaanahanna waxaa ka mid ah Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka, dhammeystirka Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, dhammeystirka qaabka garsoorka iyo xallinta khilaafaadka. Arrimahan oo dhan waxay si toos ah ula xiriiraan shaqada taageerada ah ee aan hawlgal ahaan qabanno. Haddii loo marayo shaqada xafiisyada wanaagsan ee Ergayga Gaarka ah ee QM, doorkeenna shir isugu yeeridda, u-doodista, karti-dhisidda ama tababarka, waxaan taageernaa hirgelinta yoolasha iyo mudnaanaha Soomaaliya.

Waxaan bixinaa taageero muuqata oo la taaban karo. Waxaad maqasheen Ergayga Gaarka ah ee QM oo ka hadlaysa qaar ka mid ah arrimaha aan ka shaqeyno, laakiinse haddii aan sii faahfaahiyo, tusaale ahaan, marka loo yimaado qaabka garsoorka, waxaan dowladda ka taageernay in la isu yimaado oo laga doodo sida uu noqon doonno qaabka garsoorka kama dambeyska ah ee waafaqsan Hannaanka Dib-u-eegista Dastuuriga ah.

Waxaan sidoo kale taageeraynay xoojinta siyaasadda iyo doorka bulshada ee hawlaha booliska (community policing) ee guud ahaan dalka. Ergayga Gaarka ah ee QM waxay ka hadashey Barnaamijka Wadajirka ah ee ku saabsan Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta, oo ah wax nagu weyn haddii aan nahay hoggaanka halkan ee Soomaaliya, gaar ahaan in la xaqiijiyo kootada haweenka ee boqolkiiba 30.

Waxaan sidoo kale si dhow ula shaqeyney Dowladda, bulshada rayidka ah, hay’adaha kale ee QM ee Barnaamijka Laga Wadaqaybqaato ee Caddaaladda iyo Asluubta / the Joint Justice and Corrections Programme. Tani waxaa ay ilaa hadda taageero siisey in adeegyo sharci la siiyo ku dhowaad 18,000 ka-faa’iideyste oo jooga Soomaaliya – waxaana ka-faa’iideystayaashaasi ay aqlabiyaddoodu ahaayeen haween. Waxaan sidoo kale taageernay in dalka guud ahaan laga dhiso 16 xarumood oo khilaafaadka lagu xallinayo waxaanna xarumahaasi lagu xalliyay 13,000 oo kiis.

Waxaan sidoo kale leenahay Barnaamij Wadajir ah oo ku saabsan Xuquuqul Insaanka. Waxaan hadda ku jirnaa wejigii labaad ee barnaamijkaasi, waxaanna Soomaalida ka taageeraynaa horumarinta xuquuqul insaanka iyadoo la adeegsanayo wada-xaajood iyo karti-dhisid. Ergayga Gaarka ah ee QM waxay ka hadashey qaar ka mid ah hindise-sharciyeedyada aan dowladda ka taageernay in ay dhaqangeliso, oo ay ku jiraan Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta iyo Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Naafada.

Marka loo yimaadka u-dhammaanshaha, waa mid ka mid ah waxyaabaha aan shakhsi ahaan jeclahay, in kastoo aysan ahayn in aan waxyaabaha kala jeclaado, haddana waxaan jeclaaday, shaqada aan dhowaan la qabaneynay Hay'adda Qaranka ee Naafada. Labadii sano ee la soo dhaafey, waxaan ka taageerney sameynta ra'yi ururin la xiriira fikirka ay dadku ka qabaan naafada, si ay u fahmaan arrimaha haysta dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya. Markii aan ku jirey iskuulka, waxaan lahayn barafasoor waxaana uu inoo sheegi jirey hadalkan: "Haddii aadan cabbiri karin, ma maareyn kartid." Haddii aanan fahmin culeysyada haysta dadka naafada ah, ma jiri karto si aan Dowladda uga caawin karno in ay xalliso arrimahaan.

Waxaa ugu dambeeya oo aan ku soo gebegabbeynayaa, annigoo ka sii wadaya halkii ay Ergayga Gaarka ah ee QM kaga tagtey, kama fekeri karo waqti ka fiican xuska 78aad ee Qaramada Midoobay, oo ah hay'ad loo aasaasay in ay dhisto nabad, dib-u-cusboonaysiiso yoolasha Soomaaliya. Taas oo ah, in lagu heshiiyo dowlad Soomaaliyeed oo federaal ah iyo in lagu ilaaliyo dastuurka, sida aad, sheegtayba, wakiil. Ergayga oo waafajineysa dastuurka, ayay waxay ugu yeertay 'buugga sharciga' wuxuu Soomaaliya gacan ka siin doonnaa in ay himiladeeda gaarto –Soomaali heshiis ah deriskeeda la heshiis ah.

Waad mahadsan tihiin. Waxaanna hadda hadalka ku wareejinayaa George.

GEORGE CONWAY: Waxaan u mahadcelinayaa, Ergayga Gaarka ah ee QM, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee QM, Madaxa UNSOS, iyo saaxiibada kale ee aannu shaqo-wadaagga nahay. Waxaan aad u qaddarinayaa fursadda aan maanta ku munaaqashayno oo aan warbixin kooban idinkaga siinayno shaqada Kooxda Dalka ee QM ee lagu taageerayo guud ahaan waajibaadyada QM ee Soomaaliya – waajibaadyada bani'aadamnimo, horumarinta, xuquuqul insaanka, nabadda iyo siyaasadda.

Kooxda Dalka ee QM ee Soomaaliya waxay ka kooban tahay, marka lagu daro dhismeyaasha Hawlgalka, ugu yaraan 20 hay'adood, sanduuqyo iyo barnaamijyo. Kuwan waxaa ka mid ah qaar ka mid ah hay'adaha waaweyn sida Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), UNICEF, Barnaamijka Horumarinta QM (UNDP), iyo sidoo kale dhowr hay'ado farsamo oo yaryar sida UNIDO (Hay'adda Horumarinta Warshadaha ee Qaramada Midoobey), ILO (Ururka Shaqaalaha Adduunka) iyo kuwo kale. Ma doonayo in aan dhammaan idin sheego, laakiinse waa magacyo aad taqaanaan. Waxayna isugu yimaadaan qaab ah Kooxda Dalka ee QM si ay ula jaanqaadaan mudnaanaha lagu la heshiiyay Dowladda Soomaaliya si wax looga qabto caqabadaha horumarinta ee ugu waaweyn ee uu dalku wajahayo.

Kooxda dalka waxaa ka mid ah bah-wadaagta horumarinta iyo bani'aadamnimada, iyadoo hay'ado badan oo qaramada midoobay ah loogu yeero laba doorle – iyagoo qabanaya laba shaqo oo la halmaala arrimaha bani'aadamnimada iyo horumarinta. Dhowrkii sano ee la soo dhaafey, waxaan u wareegnay waxqabad bani'aadamnimo oo xooggan oo sabab u ah baahiyada dalka.

Sannadkii la soo dhaafey iyo bilowga sannadkan, oo ay jirtay halis mug leh oo la halmaaleysa macluul sabab u ah abaartii ugu xumayd 40 sano dhacda, waxaan kor u qaadnay taageerada aan siino maamullada heerarka qaranka, dowlad-goboleedka iyo kuwa maxalliga ah si aan uga hortagno in [Soomaaliya] ay macluul ka dhacdo. Waxqabadka markiisii ugu badnayn, in ka badan 6.3 milyan oo Soomaali ah ayaa waxay nooc gargaar ah ka helayeen QM, ha ahaado gargaar cunto ama kaash ama taageero nafaqo iyo nadaafad iyo biyo iyo fayadhowr, ama adeegyo kale. Waxay qayb muhiim ah ka ahayd ka-hortagga in dalku uu inta hoos uga dhaco xaalad abaar daba-dheer ah oo uu galo xaalado macluuleed.

Hadda markii roobabka Gu'ga ay da'een, waxaa hagaagay xaaladda iyo haqab-beelka cunnada ee dalka oo dhan. Laakiinse weli waa muhiim, oo weli culeys halis ah ayaa jira. Waxaan waqtigan aan joogno qiyaaseynaa in afar milyan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin dhibaatooyin haqab-beel cunto la xiriira oo heerar kala duwan ah. Tiradan waa tiro aad u badan. Tiradan waa tiro aad u sarreeysa. Waxaana 3.8 milyan oo Soomaali ah ay yihiin dad gudaha ku barokacay oo jooga guud ahaan dalka. Tirada ayaa ay ku korodhey hal milyan intii ay socotey abaarta daba-dheer.

Sidaa daraaddeed waqtigan aan joogno, maanta marka laga soo tago baahida bani’aadamnimo ee hadda ka jirta dalka, waxaan aad uga welwelsannahay raadka El Niño ee xilli-roobaadka Deyrta.

Waxaan durba labadii toddobaad ee la soo dhaafey aragney daadad roobeed oo ka dhacaya tiro magaalooyin ku kala yaalla guud ahaan dalka. Waxaan aragney heerarka biyaha webiyada oo kor u kacaya. Waxaan bilahii la soo dhaafay kala shaqeynaynay Dowladda heer federaal – iyo SODMA, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliya, iyo sidoo kale heer-Dowlad-goboleed wasaradaha arrimaha bani’aadamnimada tallaabooyin diyaar-garow ah si la isugu dayo in la yareeyo raadka ay dhibaatadu ku yeelanayso dadka. Qiyaasaha aan hadda hayno ayaa ah in ay u badan tahay in roobabku ay ka sii xumaan doonaan kuwii aan arkeyney 20kii sano ee la soo dhaafey, iyada oo roobabkii ugu xumaa ee dhowaan dhacay ay ahaayeen kuwii 1997dii.

Mar kale, qiyaasaha waxay tilmaamayaan in ilaa 1.2 milyan Soomaali ah ay fatahaado saameyn doonaan saddexda bilood ee soo socda gudahooda, iyada oo ayna sababi doonaan in 1.6 milyan oo hektar oo dhul ah ay sidoo kale ay biyo fariistaan. Kuwani waa saadaalin, laakiinse waxay ku saleysan yihiin saynis, waxaanna durba aragnay saameynta ay ku yeesheen magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka oo dhan oo bilaabay in ay si dhab ah u dareemaan, waxayna si aan saamigal ahayn u saameeyeen bulshooyinka horey u soo barakacay, ee ku jira Xerooyinka IDP (dadka gudaha ku barakacay) iyo bulshooyinka martigeliyay oo iyagana ku barakacay dhibaatooyinkii horey dalka uga dhacay.

Sidaa daraaddeed, sida aan sheegayba, waxaan heerarka kala duwan ee Dowladda kala shaqeynaynaa diyaar-garowga. Waxaan qabanney shaqo aad u badan si aan dowladda, dowladaha hoose iyo dowlad-goboleedyada gacan uga siinno in ay soo cayimaan meelo dadka loo saari karo, oo ku yaalla meelo taag ah, waxaan siinney khariidado iyo xog. Waxaan la soconnaa heerarka biyaha webiyada si aan u taageerno Dowladda si ay u soo saarto ogeysiis digniin hore siinaya bulshooyinka si loo ogeysiiyo haddii ay tahay in ay ka tagaan meelaha ay joogaan. Waxaan xirmooyin taageero waxqabad hordhac ah siineynaa bulshooyinka sida tooska ah ay dhibaatadu u saameysey annaga oo ka caawineyna dhinacyada cuntada ama lacag kaash ah ama nadaafadda ama biyaha ama fayadhowrka ama dhinacyada kale ee aan shaqadeyadu diiradda saareyso.

Waxaa muhiim ah in la xuso in kheyraad mug leh aan u qoondeyney waxqabadkan. Waqtigan la joogo, waxaan $50 milyan u qoondeyney in islamarkii wax looga qabto gurmadka degdegga ah.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaheenna waxqabadka bani'aadamnimada ee sannadkan waxaa la soo gudboonaatay dhaqaale yari. Ilaa maanta waxaa ay heshey ilaa 39 boqolkiiba maaliyaddii ay rabtey. Taasi waxaa ay wax u dhimeysaa awooddii aan ilaa xadka aan jeclaan lahayn ku ballaarin lahayn waxqabadka waxaana aan deeq-bixiyeyaasha ka codsaneynaa in ay la yimaadaan taageero deeqsinimo ay ku dheehan tahay oo awood inoo siisa in aan hubinno in aan  baahiyaha wax uga qabanno maaddaama ay u badan yihiin in ay soo if-baxaan bilaha soo socda.

Dhibaatooyinka noocaan ah, haday yihiin abaar ama fatahaado intaba, waa kuwo soo noqnoqda. Kuwani waa kuwo si meerto ah ugu soo noqnoqda Soomaaliya, waxaana meertooyinku ay sii noqonayaan kuwo sii yaraada marba marka ka dambeysa oo raadka ay reebaanna waa uu sii badanayaa marba marka ka dambeysa. Waxaana taas ay lagamamaarmaan uga dhigeysaa maamullada Soomaalida, oo ay taageereyso beesha caalamku, oo ay ka mid tahay Qaramada Midoobey, in ay maalgeliyaan xalal lagu yareynayo halisaha mustaqbalka, si loo yareeyo baahiyaha bani’aadanimada ee mustaqbalka iyada oo loo marayo in la beegsado noocyada horumarinta dad ka dhimman ee culeys sed-bursi la xiriira ku ahaa dalka tobanaankii sano ee la soo dhaafey. Lacagta lagu bixiyey gargaarka bani’aadamnimada ayaa aad uga badan tan lagu maalgeliyey horumarinta labaatankii sano ee la soo dhaafey.

Waxaan hadda haysanaa fursad. Ergayga Gaarka ah ee QM waxay xustay HIPC geeddi-socodka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus Qaba, kaas la dhammeystiri doonno sannadkan dhammaadkiisa wuxuunna dad awood u siinayaa ballaarinta ajandaha horumairnta ee Soomaaliya. Ajandaha horumairnta waxaa loo baahan yahay in diiradda lagu saaro wax ka qabashada waxyaabaha sababa dhibaatooyinka noocyadan halisaha meertada ah ee mustaqbalka, oo dhisayana adkeysi ballaaran oo ay yeeshaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hay’adaha Soomaaliyeed oo awood u yeesha in si ka wanaagsan sida hadda ay mustabalka u maareeyaan dhibaatooyinka.

Haddaba, waxaan iskudayeynaa in aan dib isugu dheellitirno hawlahaan oo aan mabda’iyan dhaqaalaha ka soo yareyno kuwo bani’aadamnimada ah oo aan inta badan u jihayno hawlo la xiriira horumarinta si mar kale loo yareeyo halista mustaqbalka imaan karta. Waxaa jira iskaashi dhinaca horumarinta ah oo aan dowladda kaga caawinayno dhinacyo badan. In badan oo ka mid ah hawsha aan qabanno waxaa ay si toos ah ugu xiran tahay qaab-dhismeedka Hawlgalka ee lagu taageerayo ajandaha qaran-dhiska, caddaaladda, talinta sharciga iyo kuwo kale.

Waxaan maalgelin sii kordheysa gelineynaa la-qabsashada cimilada, maareynta deegaanka, dhab-ahaantii waa ajandaha xasilinta waxaana aan sii ballaarineynaa hannaannada bixinta adeegyada aasaasiga ah ee la gaarsiinayo degaannada dhowaan un awood loo yeeshey in la gaaro halkaas oo dadku aaney adeegyo joogto ah heli jirin, qaarkoodna aaney helin muddo dheer – oo ka badan toban sano. Waxaana aan bilowney maaliyadsiin cusub oo magaceeda la yiraahdo the Somalia Joint Fund, oo hadda shaqo bilowdey. Waxaanna qorshaha noogu jira wadashaqeyn horumarineed oo jiilka soo socda ah.

Haddaba, waxaan rajaynaynaa in ay tani tahay fursad wanaagsan oo loogaga faa'iideysan karo wadashaqeynteenna ku aaddan diirad-saaridda xallalka iyo yareynta halista mustaqbalka si dadka Soomaaliyeed looga caawiyo gaarista himiladooda ee horumarinta la joogteyn karo, nabad iyo barwaaqo, iyo horumar laga gaaro Yoolalka Horumarinta ee La Joogteyn Karo (SDGs) ee adduunka oo dhan la isku-raacay iyo ajandaha 2030.

Dhowrka bilood ee soo socdana waxay noqon doonnaan kuwo adag, xaqiiqdii marka fatahaadaha la filayo ay dhacaan. Balse waxaa sidoo kale soo socda fursad weyn dhowrka sano ee soo socda oo si dhab ah kor loogu qaadi karo horumarka ay Soomaaliya ka gaari karto SDGs.

Mahadsanid.

AISA KACYIRA: Mahadsanid.

Marwooyin, mudanayaal, saaxiibada aannu shaqo-wadaagta nahay, xubnaha sharafta leh ee saxaafadda. Subax wanaagsan ayaan dhammaantiinna idin leeyahay.

Waxay ii tahay sharaf iyo farxad weyn in aan hoggaamiyo Xafiiska Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOS) oo uu ii magacaabay Xoghayaha-Guud iyo in aan Soomaaliya imaado bishii Abriil ee sannadkan.

Kuwa idin ka mid ah ee aanan garaneyn, UNSOS waa xubinta aamusan ee bahda QM. Waxaa laga yaabaa in aadan had iyo jeer nagu arkin meel dhow, laakiinse waan joognaa, waxaanna ku mashquulsanahay in aan xagga gadaale ka soo shaqeeyo, annaga oo taageerada saadka ee aadka loogu baahan yahay u fidinno macaamiil kala duwan iyo xaqiijinta in hawlgalladu u socdaan si hufan, taabogal ah oo degdeg ah.

Shaqadeenna waxaa suurageliyay hagidda iyo taageerada xarumaheenna dhexe ee istiraatiijiga ah ee New York, iskaashiga xooggan ee aan la leenahay Midowga Afrika (AU), Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), dalalka ay ciidamada tabarrucay, iyo tan ugu muhiimsan, Dowladda Soomaaliya, bahdeenna QM. Sidaa daraaddeed, waxaan halkan u joognaa in aan taageerno himilada Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan nabadda, xasiloonida iyo barwaaqada. Saaxiibada aan shaqo-wadaagta nahay ayaa runtii si fiican u faahfaahiyay.

Macaamiisha aan ilaa iyo hadda u adeegno waa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo loo yaqaanno ATMIS, Ciidamada Amniga ee Soomaaliya (SSF), UNSOM, iyo qaybaha kale ee bahda QM ee Soomaaliya iyo guud ahaan beesha caalamka.

ATMIS iyo Ciidamada Amniga ee Soomaaliya, waxaan inta badan siinaa taageero saad oo aan halis ahayn maadaama ay Al-Shabaab la dagaalamaan si loo xaqiijiyo amniga iyo ilaalinta dadka iyo awoodeenna, sida beesha caalamka ee taageeraysa ahaan, si fiican ayaa loo faahfaahiyay. Waa dadaal maalinle ah oo adag. Si aan u waafajiyo waxa ay Ergayga Gaarka ah ee QM sheegtay, waxaan hadda ku jirnaa hannaanka kala-guurka. Waxaan doonayaa in aan sheego markii uu bilaabmey bishii Juun, wax kasta si fiican ayay ku socdeen. Laakiinse weerarka socda iyo kala-guurka oo ay isku soo beegmeen awgood, ayay Dowladdu codsatay in la hakiyo.

Sidaa daraaddeed qorshihii bisha Sibtembar, ma dhicin, laakiinse waxaa la rajaynayaa in uu bisha Disembar dhaco. Haddase, waxaan sii wadeynaa in aan si dhow u wada shaqeyno. Waxaanna doonayaa in aan sheego in uu jiro shaqo-kooxeed iyo iskaashi wanaagsan oo u dhaxeeya dhammaan bah-wadaagta.

Sidoo kale, si aan u faahfaahiyo waxa tani loola jeedo marka la eego waxa aan qabanno, sida aad qiyaasi kartiinba, waxaa loo baahan yahay dhaqdhaqaaqa ciidamada oo badan, [iyo qaadista] saadka agabka ah oo laga soo qaadayo guud ahaan dalka iyadoo la adeegsanayo hawada, berriga iyo badda.

Waxaan bixinnaa cunto, biyo iyo shidaal. Waxaan maamulnaa diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ah waxaanna leenahay gawaari. Waxaan bixinaa raadiye, telefoonno iyo shabakad war-isgaarsiineed inta lagu guda jiro hawlgalladan militeri. Waxaan sidoo kale adeegyo caafimaad iyo daad-gureyn caafimaad oo hawada ahba u fidinaa ciidamada ATMIS iyo Ciidanka Amniga ee Soomaaliya. Waxaan ognahay oo aan ixtiraameynaa naf-hurnimada ay ciidamadani sameeyeen iyagoo weli sii wada dagaalka ay ugu jiraan Soomaaliya oo nabad ah.

Marka laga soo tago dhinaca amniga, UNSOS waxay sidoo kale kor u qaaday bixinta taageero meelo kale ah, gaar ahaan saadka. Tusaale ahaan, in kastoo aan lahayn waajibaad horumarineed, marka naloo waco oo ayna muhiim tahay waxaan bixinnaa taageero, waxaan dayactirnay oo aan dib-u-soo-noolaynay garoomada diyaaradeed ee dalka, waxaa ka mid ah oo xusid mudan garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, Dhuusamareeb iyo Beled-weyne.

Waxaan dhisnay awoodda dab-damiska ee garoommada diyaaradaha, gaar ahaan Muqdisho. Tababarkeenna iyo qalabeynteenna dab-damiska waxay taageertaa in la helo shirkado diyaaradeed oo kuwa ganacsiga ah. Marmarna waxaa noo yeerata Dowladda si aan taageero u siinno – waxaan u maleynayaa markii ugu dambeysay in ay ahayd mar ay naga codsadeen in aan Dowladda ka taageerno in aan u qaadno agabka imtixaannada oo aan geyno goobaha ay adag tahay in la gaaro. Intan waa inyar oo kooban oo ah taageerada ay UNSOS u fidiso bah-wadaagteeda.

Marka aan mustaqbalka eegno, waxaan filaynaa in taageeradan ay sii socon doonto oo ayna suuragelin doonto isbeddel ku yimaada qaabka amniga oo hufan lana joogteyn karo sida lagu muujiyay qorshaha kala-guurka ee Soomaaliya, kaas oo dhigaya in Ciidamada Amniga ee Soomaaliya in ay si buuxda mas'uuliyadda amniga ugula wareegaan ATMIS dhammaadka sannadka soo socda. Marka Ciidamada Amniga ee Soomaaliya ay la wareegaan inta badan mas'uuliyadaha amniga, muhiimad weyn ayay leedahay in la tababaro si habboonna loo qalabeeyo.

Annaga oo u mareyna Sanduuqa Amaanada ah ee UNSOS ay maamusho ee lagu taageerayo Ciidamada Amniga ee Soomaaliya, waxaan aad ugu dadaali doonnaa in aan hirgelinno waxyaabaha ay mudnaanta siisey Dowladda Federaalka ee la halmaala arrintan. Tusaale ahaan, annaga waxaan Ciidamda Amniga Soomaaliyeed ku tababareynaa hawlgelinta waaxda duulista, amniga duulista iyo caafimaadka, soo-saarista iyo maareynta culuunta kale ee la xiriira adeegga/saadka.

Marka la eego xaaladda kala-guurkan UNSOS waxay taageeraysaa saadka la halmaala wareejinta Saldhigyada Furumaha Hore (FOBs) ee ay ATMIS kala wareegayaan Ciidamada Amniga ee Soomaaliya. Wareejintan waxaa ka mid ah bixinta xarumaha qaarkood, adeegyada, matoorada QM, makiinadaha biyo nadiifinta, dhisidda baro biyood waara iyo in kuwan oo dhan lagu wareejiyo Ciidamada Amniga ee Soomaaliya oo loo sameynayo tababarada la xiriira si loo xaqiijiyo in si wanaagsan loo maareeyo iyo in la joogteyn karo. Waxaas oo dhan waxaa loo sameynayaa si loo dhiso kartida loona joogteeyo hawlgallada iyo taageerada amniga.

Inta aan ku dhex jirno kala-guurkan, waxaan jeclaan lahaa in aan fursaddan uga faa’iideysto in aan sheego in UNSOS ay weli ka go’an tahay in ay ka soo baxdo kaalinteeda iyada oo hawl-fududeeye istiraatiiji ah u ah macaamiisheeda, ugu dambeyna ay ugu faa’iideeyso Soomaaliya. Waxaan doonayaa in aan bogaadiyo taageerada iyo iskaashiga aan ka helno Dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda, iyo sidoo kale kuwa aan ka helno bah-wadaagta kale.

Waxaan ku kalsoonahay in guusha hawlgalkeenna Soomaaliya si dhab ah looga dheehan doonno sida Ciidamada Amniga ee Soomaaliya ay u gudan doonnaan mas'uuliyadahooda, iyo in Soomaaliya ay la wareegto hawlaha amnigeeda iyo horumarinta.

Waxaan idinkaaga mahadcelinayaa sida feejignaanta leh ee aad ii dhageysateen.

 

SU'AALO IYO JAWAABO

 

Wariye: Marka koowaad, waxaan rabaa in aan u mahadceliyo oo aan sannad-guuro wacan ku dhaho QM, waxaanna filayaa in ay dunidu aad idinku riyaaqday. Waxaan qabaa saddex su'aalood oo ku socda mid kastoo ka mid ah mas'uuliyiinta halkan ku sugan.

Su'aasha koowaad waxay ku saabsan tahay dhinaca bani'aadamnimada. Waxaad xustay in ay dhaqaalo yari jirto – sidee ayay arrintaasi u saameynaysaa hawlgallada dalka ka socda? Waxaad sheegtay xoogaa istaatistik ah oo ku saabsan saameynta ay dhul-beereedka ku yeelatay, iyo sidoo kale tirada dadka la filayo in ay dhibaatadu taabato.

Dhinaca siyaasadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhowaan [aan la maqli karin] maamulka SSC ee Khatumo. Waa maxay mowqifka aad arrintaasi ka taagan tihiin? Oo sidee ayay halkaasi uga shaqeyn doontaa hay'adda Qaramada Midoobay?

Su'aasha saddexaadna waxay ku socotaa UNSO. Waxaan arkay warbixin sheegaysa in aad saddex diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah aad siiseen ciidamada Burundi si ay gacan uga siiyaan hawlgallada socda. Soomaaliya waxaa hadda saaran cunaqabateyn dhanka hubka ah. Miyaad mustaqbalka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya siineysaan kuwaas oo kale? Mahadsanid.

GEORGE CONWAY: Mahadsanid. Waa su'aal muhiim ah.

Sida ay haddu xaaladda tahay, maanta, waxaan gacanta ku haynaa kheyraadyo hordhac ah, maaliyado debecsan ee aan u isticmaalno in aan wax kaga qabanno baahiyada hadba soo baxa, iyo in aan ku taageerno u-diyaargarowga hore iyo keenista hore ee saadka qaar ee lagu taageerayo bulshooyinka aan ognahay in ay fatahaaduhu saameyn ku yeellan doonnaan.

Si kastaba ha ahaatee, haddii xadka fatahaadda uu dhaafo labada ilaa saddexda bilood ee soo socda heerarka uu saynisku muujinayo in ay noqon doonaan, waxaan aad ugu khasbanahay in aan wax uga qabanno ilaa xadka lagama maarmaanka ah. Waxaanna codsi u direynaa deeq-bixiyayaasha, waxaanan ku hawlannahay sidii aan wax uga qaban lahayn meelaha ay hore uga dhaceen fatahaado iyo daadad, waxaanna sameynay qiimayn aanu ku eegayno xadka baahida. Marxaladda hadda la joogo, waxaan awoodnaa in aan ka qaybqaadano, haddii fatahaaddu ay gaarto ilaa xadka, aan sheegay, aad iyo aad ayay u adkaan doontaa in sahay la helo, si dadka looga taageero in ay helaan hoy, biyo nadiif ah, taageero ku habboon caafimaadka iyo ka hortagga cudurrada, gaar ahaan cudurka daacuunka, fayodhawrka –  taasi ayaa walaac nagu haysa. Haddaba, waxaan sii wadeynaa in aan si firfircoon ula shaqeyno beesha deeq-bixiyeyaasha si aan u xaqiijinno in aan kordhino oo aan gaarsiinno ilaa iyo inta loo baahan yahay haddii loo baahan yahay iyo marka loo baahan yahayba. Mahadsanid.

CATRIONA LAING: Mahadsanid. Su'aasha ku saabsan SSC – fahamkeyga waa in dowladda aysan degaankan u aqoosan in uu maamul-goboleed yahay laakiinse ay u aqoonsatay maamul ahaan, sidaa daraadeedna waa maamul ay la shaqeyn doonnaan. Waa wax cad in QM aysan maamullo aqoonsanayn. Laakiinse waan ognahay maamulka, sidoo kalena waan la shaqeynaynaa si aan u awoodno in aan gaarsiinno, sida aad sheegtayba, gargaarka bani'aadamnimada ee sida aadka ah loogu baahan yahay.

Fahamkeyga waa in ay jiraan ku dhowaad 200,000 qof oo halkaasi ku barakacay dagaalkii ka-dib. Sidaa daraaddeed, mudnaan weynbay noo lahayd in aan halkaasi tagno. OCHA [Xafiiska QM u qaabilsan Isuduwidda Arrimaha Bani'aadamnimada], oo ah qaybta arrimaha bani'aadamnimada u qaabilsan QM, ayaa bixisay $2 milyan oo doolar oo diiradda lagu saarayo caafimaadka, WASH (biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda), iyo nafaqada oo loogu talagalay dadka Laascaanood. Waxaa iska cad in ay jiraan dad badan oo barakacay, waxaan sidoo kale taageero u fidineynaa kuwa barakacay, oo xitaa ilaa Itoobiya gaarey, halkaasi oo ay dadka qaarkood u guureen.

Mudnaanta mustaqbalka waa in laga gudbo wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah, in la isku-dayo oo la taageero dayactirka iyo dib-u-dhiska iyo waxyaabaha la midka ah. Waxaa loo baahan doonaa in la dammaanad-qaado in uu jiro ammaan ku filan in ay taasi suuragasho. Ka-dibna waxa ugu dambeeya ee arrintan laga sheegayo waa in degaankan ay yaallaan waxyaabo qarxa oo aan qarxin sidaa daraaddeed kooxdeenna ka socota hay'adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay ayaa goobta joogta si ay u aqoonsadaan halka ay waxyaabahaasi qarxa ay yaallaan iyo in ay dadka u tababaraan sidii ay u awoodi lahaayeen in ay si ammaan ah u kala furfuraan. Marka xaaladda hadda waa mid aad u deggan. Sida aan sheegayba, dadka waxay dib ugu soo noqonayaan guryahooda, laakiinse horumarinta muddada-dheer waxay u baahan doontaa amni iyo in wax laga qabto cabashooyinka kale. Mahadsanid.

AISA KACYIRA: Aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay su'aashaada. Waxaan kaliya doonayaa in aan iftiimiyo laba waxyaabood: in sababta dhabta ah ee uu Golaha Amniga u kordhiyay tirada diyaaradaha ee xilligan ay tahay in uu suurageliyo kala-guurka iyadoo ay jirto halis firfircoon oo ka imaanaysa Al-Shabaab, sidaa daraaddeed ciidanka, ciidamada ATMIS, oo kaashanaya Ciidamada Amniga ee Soomaaliya (SSF) waxay awoodi doonnaan in ay ka hortagaan weerarrada iyo in ay dhimaan tirada ciidanka iyadoo ay sababtu tahay in uu qorshaha sidaa yahay. Waxaanna taasi suurageliyay maaliyadaha tabarucaadaha la qiimeeyay.

Hadda, marka loo yimaado taageerada Ciidamada Amniga ee Soomaaliya (SSF), iyadoo tirooyinka la kordhiyay, haddana weli ma helin tabarucaadaha la qiimeeyay. Waxaa ay ka timid Sanduuqa Amaannada. Haddaba, marka taa la eego, liiska waxyaabaha la tilmaamay in taageero loogu baahan yahay, diyaaradda kuma jirto. Xitaa tan meesha ku jirto oo runtii ah mid aasaasi ah, ma awoodno in si buuxda loo haqabtiro.

Waxaan doonayaa in aan fursaddan uga faa'iidaysto in aan si dhab ah ugu mahadceliyo deeq-bixiyayaasheenna, gaar ahaan dalalka Ingiriiska, Mareykanka iyo kuwa kale ee taageerada inoo fidiyay. Laakiinse macnaha ayaa ah in inkastoo ay Burundi maamusho, haddana waxay dhab ahaan ku taageeraan amniga Soomaaliya taasina waa sababta ay u awoodaan in ay ka hortagaan weerarrada iyo sidoo kale in ay sii wadaan dhimista tirada ciidamada. Ujeeddada laga leeyahay waa sidaas. Mahadsanid.

Wariye: Maadaama ATMIS ay Soomaaliya ka tageyso oo shaqada UNSOM iyo ATMISna ay isku xiran tahay, macquul ma tahay in ay sidoo kale baxaan UNSOM marka ay ATMIS baxdo?

CATRIONA LAING: Waxa halkan ka jira waa qaab-dhismeed xoogaa adag in la fahmo. Aan mar kale idin sharxo, UNSOM waa Hawlgal siyaasadeed wuxuunna leeyahay waajibaad u gaar ah kaas oo dhab ahaantii ku dhow in uu soo maro qaraarka Golaha Ammaanka, waxaanna rajaynaynaa, in sannad kale loo kordhiyo.

ATMIS waa hawlgal gaar ah, oo ay wadaan ciidamada AU (Midowga Afrika). Waxaanna jira UNSOS oo taageero u fidinaysa ATMIS iyo UNSOM. Sidaa daraadeed, waxaa nahay hawlgallo kala duwan, laakiinse sida cad, waxaan u wada-shaqeynaa si dhow. Xiriirro ayaan leenahay. Sidaa daraaddeed ciidamada ATMIS waxay sugaan amniga oo aad iyo aad muhiim ugu ah dhammaan inta gudaha ku sugan. Ciidamada ATMIS waxay tusaale ahaan, ilaaliyaan Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade, (AAIA). Marka dhinacaasi laga eego, midba midka kale ayaan ku tiirsanahay. Balse hawlgal kastaba waa mid gaar ah oo ka duwan kuwa kale, oo Golaha Ammaanka ayaa go'aamiya madax-banaannida hawlgalka. Laakiinse waxaa cad, in ay tixgeliyaan sida ay hawlgallada kala duwan u wada shaqeeyaan. Aisa, ma doonaysaa in aad wax kale ku darto?

AISA KACYIRA: Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin. Waxa aan ku dari karo waa in UNSOS ay halkaan u joogto in ay taageerto ATMIS iyo Ciidamada Amniga ee Soomaaliya (SSF), sida aan sheegayba, waxaan u fidinaa taageero saad si ay u awoodaan in ay amniga sugaan. Qaramada Midoobay ahaan waxaan halkan joogeynaa haday jirto hay'ad qaran ama geeso-badan oo aan taageerayno. Intaas ayaan hadda sheegi karaa. Laakiinse geeddi-socodka oo dhan ee ka munaaqashidda iyo qeexidda iyo go'aaminta waxa dhici doonna, dabcan waxaan filayaa, sida aynu u soconno, in la qeexi doonno. Marka aad iyo aad ayaad u mahadsantahay.

Wariye: Waxaan qabaa laba su'aalood oo ku saabsan xorriyadda saxaafadda iyo arrimaha amniga. Su'aasha koowaad waxay ku saabsan tahay warbaahinta Soomaalida oo uu weerar ku socdo iyo in nala cabsigeliyo oo nala beegsado.

Su'aasha koowaad waxay tahay waa maxay hadafkiinna ku aadan difaacidda xorriyadda saxaafadda?

Su'aasha labaad, waxaad Golaha Ammaanka uga hadashey xiisadaha ka taagan Maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ee khuseeya muddo kororsiga sharci-darrada ah. Diyaar ma u tihiin in aad soo faragelisaan xaaladdan hadday gacan ka hadal isku beddesho?

CATRIONA LAING: Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin. Waxaan ka codsanayaa ku-xigeenkeyga, Kiki, in ay su'aasha labaad ka jawaabto. Su'aasha koowaad ee ku saabsan xorriyadda warbaahinta, oo ah mid aad muhiim u ah, waxaan ku sheegay hadalladeydii furitaanka. Marka, sida aad ogtahayba, waxaa dhammaanteenna inna haga sharci, iyo Dastuurka Ku-meelgaarka ah; Qodobkiisa 18aad, aragti ahaan, wuxuu ballanqaadaa xuquuqda xorriyadda hadalka. Waxaa sidoo kale jira Sharciga Warbaahinta kaas oo sidoo kale suurageliya xorriyadda hadalka ee Dastuurka waafaqsan. Marka, xuduuddo sharci ayaa jira. Muhiimadda, dabcan, sida goobo badan oo Soomaaliya ah, waa fulinta.

Annagana Qaramada Midoobay ahaan, shaqadeennu dhab ahaantii waa in aan saddex shay sameyno. Tan koowaad, waa korjoogteynta xaaladda iyo in aan ka warbixinno xadgudubyada, waxaanna taa ku sameynaa warbixinno kala duwan. Qaramada Midoobay ahaan waxaa nalaga doonayaa in aan sameyno warbixinno muddo ka-dibba mar la sameeyo, iyo, xaqiiqdii waxaan dhowaan daabaci doonnaa mid ku saabsan xorriyadda hadalka, taas oo si dhab ah oo laga taxaddaray u diiwaangelisa horumarka iyo caqabadaha jira.

Diiwaangelintaasna waa midda aan u adeegsan doonno waxa labaad, oo ah u qareemeynta. Marka, waan korjoogteynaa ka-dibna waxaan xogta aan ururinno u isticmaalnaa in aan ugu qareemeyno Dowladda muhiimadda ay leedahay hirgelinta dastuurkooda iyo sharciyadooda ee arrintan ku saabsan.

Kadibna, tan saddexaad, waxaan sameynaa karti-dhisid badan, kuwaas oo qaarkood in la sameeyay aan filayo, Ari, iyadoo la adeegsanayo kooxdaada [Kooxda Xiriirka Istiraatiijiga ah iyo Arrimaha Bulshada], soo sidaa ma ahan, iyadoo la adeegsanayo karti-dhisidda suxufiyiinta si aadan keliya u noqon suxufiyiin wanaagsan, balse sidoo kale u noqotaan kuwo ku qalabeysan in aad dowladdiina kala xisaabtantaan xorriyadiinna hadalka.

Waxa ugu dambeeya ee aan arrintan ka oranaya waa in ay ku xiran tahay hamiga ay Soomaaliya leedahay, kaas oo ah hamiga wanaagsan, ee ay ku doonayso in ay ku noqoto xubin mas'uul ah oo ka tirsan beesha caalamka. Iyo in ay taa sameyso, oo aan keliya noqon mowduuc looga doodo QM, in ay qayb ka noqoto QM oo qaabeynaysa qaab-dhismeedka caalamiga ah, sida ay horumar badan Soomaaliya uga gaarto xorriyadahan aasaasiga ah – oo ay ka mid yihiin guud ahaan, xorriyadda hadalka iyo xuquuqul insaanka – waa sida ay u badan tahay in ay Soomaaliya noqoto xubin la ixtiraamo oo ka tirsan beesha caalamka. Waxaan sidoo kale arrintaas u adeegsanaa in aan uga doodno sababta ay muhiim u tahay: caalamka Soomaaliya ayuu daawanayaa, markaad horumar ka gaartaan safarkiinna qaran-dhisidda, xorriyadda hadalka waa tiir aad iyo aad muhiim u ah.

Aan Kiki ku wareejiyo su'aasha labaad.

ANITA KIKI GBEHO: Ku saabsan muddo kordhinta, waxaan filayaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya in ay si cad u sheegtay Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka in uu muhiim yahay sababta oo ah kaasi ayaa xaddidaya 'talinta sharciga.' Marka hannaankaasi la sameeyo, waxaa caddaan doonno waxa ay Soomaalida go'aansato. Tani ma ahan wax ay go'aamin karaan xoogag dibadeed. Waxaa loo baahan yahay in ay Soomaalidu go'aansadaan. Waxaan u maleynayaa in aad dhammaantiinna aragteen QM oo waagii hore u isticmaali jirtay doorka ‘xafiisyadeeda wanaagsan’ halka ay ka jiraan arrimo adag, oo arrimuhuna ay yihiin kuwo aan la xallin karin mararka qaarkood, waxaad arki doontaan QM oo door ka ciyaaraysa iskudayga in la fahmo waxa ay yihiin dhinacyada kala duwan ee arrinta ka dibna ay ka taageerayso xoogagga iyo daneeyayaasha sidii loo heli lahaa xalka horey loogu sii soconayo.

Haddaba, qaarkood, waxaan leeyahay waa go’aan ummadda Soomaaliyeed u gaar ah. Waxay hoosta ka xariiqaysaa muhiimadda uu leeyahay Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka. Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ayaa hab miiska soosaarey, waxaanna sii wadi doonnaa taageeridda hannaankan. Waxaan hadaladeyda ku sheegay in aan taageeri doonno Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka, annaga oo rajeynayna in hannaankaasi uu dhigi doonnos sharciga horey loogu sii soconayo marka la eego muddooyinka xil-haynta iyo arrimaha kale ee halista ah ee Soomaaliya ka jira.

Wariye (Barta Internet-ka): Bixitaanka ciidamada ATMIS ee dhammaadka sannadka soo socda ra'yigaaga ahaan ma yahay mid dhici kara, marka la eego waxa dhacay bilihii la soo dhaafay?

CATRIONA LAING: Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin. Sida aad ka warqabtaanba, iyadoo la raacayo waajibaadka ATMIS, ee uu ayiday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ATMIS waa in ay dalka ka baxdaa dhammaadka bisha Disembar [2024]. Dabcan waa muhiim, in ay jirto awood la wareegi karta doorarka ay ATMIS qabato. madaxa UNSOS ahaan, waxaan ogsoonahay in uu culeys ka imaan karo in la wado ololaha dagaalka iyo in isla-markaanna la helo ciidamo ku filan in ay la wareegaan Saldhigyada Hawlgallada Furimaha Hore.

Waxaa jiray codsi la soojeediyay oo loogu talagalay hakad farsamo si ay suuragal u noqoto in waqti dheeraad ah loo helo wejiga labaad ee dhimistan ciidamada min Sibteembar ilaa Disembar. Waxa labaad waa in ay Dowladdu hadda isku diyaarineyso iyadoo taageero ka helaysa bah-wadaagta, ay ka mid yihiin QM iyo Midowga Afrika (AU) shir weyn oo ka dhacaya magaalada New York bisha Disembar, kaas oo lagu eegi doonno qaab-dhismeedka amniga Disembar, 2024 ka-db.

Sidaa daraaddeed, in la aqoonsado in ay jiri doonto baahi joogto ah oo loo qabo taageero laga helo bah-wadaagta ayaa laga yaabaa in dib-u-habeyn yar lagu sameeyo mustaqbalka, laakiinse waxay soo bandhigi doonnaan himiladooda ku aaddan waxa ay la tahay in ay yihiin daldaloollada jira iyo sida ugu wanaagsan ee daldaloolladaasi loo buuxin karo. Taasi waxay noqon doontaa dood furan oo daacadnimo ku dheehan, talo soo-jeedimo kastoo doodaasi ka soo baxa, ayaa dabcan, dib loogu celin doonnaa Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaan u maleynayaa xaaladda aan ku jirno in ay sidaa tahay. Waxaan bisha Dismebar qiimeyn doonnaa xaaladda ka-dibna waxaan horey u sii wadi doonnaa shaqada. Mahadsanid.

Wariye: Su'aasheydu waxay ku saabsan tahay xaaladda bani'aadamnimo. Sida aad sheegtayba, afar milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa u baahan gargaar bani'aadamnimo iyo in ay jiraan dad badan oo soo barakacay. Maxay hay'adaha QM u qabtaan barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho hadayba biyaha iibsadaan, barakacayaal badanna ay hoy la'aan hayso, barakacayaal badanna ay ku nool yihiin guryo yaryar oo ka sameysan marooyin iyo ulo? Gaar ahaan, iyadoo ay El Niño soo socota. Qaramada Midoobay maxay sameynaysaa si ay dadkan u caawiso?

GEORGE CONWAY: Waad ku mahadsan tahay su'aashan aadka muhiimka u ah, mar kale, hadda waxaa jirta xaalad aad u cakiran, waxaanna ka baqayaa in ay ka sii darto dhowrka bilood ee soo socda markay saameynta El Niño ay bilaabato. Ma ogtahay, taageero badan oo aan u fidinno dadka gudaha ku barakacay, qoysaska iyo bulshooyinka barakacayaasha in ay yihiin noocyo kala duwan oo gargaar ah, waxaa ka mid ah lacago kaash ah oo telefoonnada loogu diro, sidaa daraaddeed ayay dadku waxay helayaan lacag jeebkooda ku jirta oo ay ku iibsadaan waxyaabaha daruuriga ah.

Waxaan kor u qaadnay gargaarkeenna si aan uga hortagno in ay macluul dhacdo. Markay ugu badan tahayna waxaan lacago kaash ah telefoonnada ugu direynay dad tiradoodu ay afar milyan oo qof ka badan tahay. Tirada dadka ee aan awoodnay in aan [gaarsiinno], marka la eego caqabadaha dhaqaale ee maanta ina haysta, ugu yaraan bishii Agoosto, waxay ahayd ilaa 1.8 milyan oo qof. Marka, taageerada aan sida tooska ah u siino bulshooyinka soo barakacay hoos u dhac weyn ayaa ku yimid waxaanna sabab u ah caqabado maaliyadeed.

Hadda waxaan isku-dayaynaa in aan raadinno lacago badan si aan taasi u soo celino. Lacago badan oo aan sannadkan horaantiisii helnay waxay ahaayeen lacago la qoondeeyay waxaanna ku bixinay taageerada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka, ee guud ahaan degaannada dalka si looga hortago macluusha ka dhalatay roobabkii Guga.

Tan iyo markii ay da'een roobabkii Gu'ga, maaliyadeenna hoos bay u dhacday, taasina waxay la macno tahay in uu sidoo kale hoos u dhac ku yimid wax-ka-qabashadeenna arrimaha bani'aadamnimada ilaa iyo haddana dad kuma filna. Ololahan ayaan la wadnaa bah-wadeegteenna iyo beesha caalamka, gaar ahaan maadaama aan galeyno xilli El Niño. Waxaanna ognahay in ay jiri doonto barakicin dheeraad ah oo mug leh.

Waxaa durba arkaynaa in ay ka bilaabatay fatahaad. Sidaa daraaddeed, waxay saameyn badan ku yeelanaysaa barakaca gudaha, laf ahaantiisa, iyo bulshooyinka barakacayaasha; bulshooyinkan badankooda waxay soo barakaceen sannado badan ka hor, waxayna weli ku sugan yihiin xaalado aad u nugul. Marka, waxa aan isku-dayayno in aan sidoo kale Dowladda kala shaqeyno , waa in laga guuro gargaarka bani'aadamnimada ku saleysan iyadoo loo wareegayo gargaar horumarineed oo awood-siin ah si midkood dadka loo dhexgeliyo bulshooyinka degaanka, in la taageero haddii ay doortaan in ay dib ugu noqdaan degaamadii ay asal ahaan ka imaadeen, iyo in la helo waxa aan ugu yeerno xalalka waara ee loogu talagalay barakacan.

Sababta oo ah ma xamilli karno dadkan faraha badan ee guud ahaan dalka ku nool ee sida joogtada ah ugu tiirsan gargaarka bani'aadamnimada. Waa in aan dadka awood u siinaa in ay helaan hoy joogto ah, in ay awoodaan in ay helaan shaqo ay wax ka kasban karaan, in ay awoodaan in ay helaan adeegyada ay qoysaskooda u baahan yihin, haddii uu yahay caafimaad, waxbarasho, ama biyo. Waxayna u baahan yihiin noocyo gargaar ka duwan kuwa ay ilaa iyo hadda ka helaan hay'adaha bani'aadamnimada.

Waanna waxay Dowladdu aad u daneynayso, mar kale, waxay udub-dhexaad u tahay sida aan u shaqeyno iyo in aan si toos ah u taageerno bulshooyinkan. Balse waa xaalad cakiran, gaar ahaan maadaama aan filayno saameynta suuragalka ah ee El Niño, oo si dhab ah ayaan ugu walaacsanahay.

Wariye (Barta Internet-ka): Waad ku mahadsan tihiin fursadan aan si toos ah kula hadlayo dadka Soomaaliyeed.

Afar su'aalood ayaan qabaa.

Golaha Ammaanka wuxuu UNSOM ku waajibiyay in ay talo siyaasadeed iyo mid istiraatiijig ah ka bixiso arrimo kala duwan, oo ay ka mid yihiin nabad-dhisidda iyo qaran-dhisidda. Waxaa kaloo tani ka mid ah korjoogteynta xuquuqul insaanka iyo isuduwidda dedaallada beesha caalamka. Nasiib-darose, Hawlgalka QM waxaa muddo dheer lagu tilmaamayay in uu yahay laan ka mid ah dowladda musuqmaasuqa hareeyay ee Muqdisho, intii uu shaqadiisa si madax-bannaan u qabsan lahaa waxaanna sidoo kale la ogyahay xaqiiqda in UNSOM ay joojisay daabicista warbixinnadeeda xuquuqul insaanka, Hawlgalka QM wuxuu hadda noqday, sida ay u egtahay, mid hoos taga maamulkan Muqdisho ee xadgudubka iyo musuqmaasuqa hareeray.

Su'aashan aan halkan Danjire Laing ku weyddiinayo waxay tahay, sannadahan oo dhan ka-dib, maaliyadahan oo dhan ka-dib, miyaad aragtaa wax waxtar leh oo uu xafiiskaaga, UNSOM, ku soo biiriyey Soomaaliya marka la eego sii waajinta xuquuqaha haweenka iyo gabdhaha iyo carruurta, bulshooyinka nugul, kor-u-qaadista isla-xisaabtanka iyo cadaaladda?

Su'aasha labaad, oo la xiriirta wax ay tiri Danjire Kike, xarumaha xallinta khilaafaadka. Ma sheegi kartaa kaliya hal kiis oo la xalliyay?

Su'aasheyda ku saabsan Laascaanood, waxaan dib u weyddiinayaa Danjire Laing. Waxaad xustay saddex arrimood oo waaweyn waxaanna ka mid ahaa, dadka la kala haysto in la sii daayo, hubinta [aan la maqli karin] iyo in la qaboojiyo colaadda. Laakiinse waxaan la yaabay, in aadan waxba ka xusin isla-xisaabtan. Miyaad ka hadli kartaa isla-xisaabtanka dilalka iyo duqeymaha loo geystay shacabka magaalada Laascaanood.

Ugu dambeyntii, hadaladaadii furitaanka, iyo warbixintii aad dhowaan u jeedisay Golaha Ammaanka, ee aad kaga hadleysay xuquuqul insaanka kuma aadan sheegin wax la xiriira weerrarada ka dhanka ah suxufiyiinta. Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa naga baxay hal saaxiib oo magaciisu ahaa Cabdifataax Maxamed Nuur Khayr oo ka tirsanaa telefiishanka Soomaaliya, waxaanna lagu dilay magaalada Muqdisho. Kuma aadan cambaareyn dilkan warbixintaada iyo hadalkaaga furitaanka ee saaka. Waan la yaabay. Arrintan ma ula-kac ayay ahayd? Miyaad cambaarayn doontaa dhammaan weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta, oo ay ka mid yihiin kuwa ay ku kacaan Ciidamada Amniga ee Soomaaliya ee aad taageertaan? Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin.

CATRIONA LAING: Aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay su'aalahan. Waxaad i weyddiisay su'aasha koowaad iyo tan saddexaad, ka-dibna waxaan u gudbin doonnaa Kiki.

Waxaan u maleynayaa qodobkaaga ku saabsan waajibaadkeenna [UNSOM], su'aashaada ugu muhiimsan waa waxa aan si dhab ah u qabanno. Waxaan u maleynayaa in waajibaadku uu aad u ballaaran yaahy wuxuunna inna siinayaa doorka 'xafiisyo wanaagsan' oo lagu xallin karo khilfaadaad kala duwan. Waxaanna jira kuwa badan oo Soomaaliya waqtigan ka jira. Midda hadda taagan oo aad xustay waa Laascaanood, waanna u imaan doonnaa. Balse xiisado ayaa jira. Waxaa jira xiisado ka taagan muddo kordhinta, waxaa jira xiisado, markaan si daacad ah u warramo, xitaa ku saabsan in la isku waafaqo hannaanka loo marayo heshiiska la xiriira Dastuurka.

Marka, arrintu ma sahlanna. Wadankan wuxuu ku jiraa safar adag oo qaran-dhisid ah. Waxaa jira lakabyo badan oo ay arrintani leedahay, waxaanna aasaas u ah, talinta sharciga, oo ay ku-xigeenkeygu sheegtay, taasinna waxaa ka mid ah cadaalad iyo isla-xisaabtan. Oo waa in ay waxaan oo dhan ay jiraan.

Sidii laga rabay ma ahan, laakiinse waxaan u maleynayaa in aan hayno tusaalooyin annaga, QM ahaan, in aan sameynay isbeddel la taaban karo. Waxaanna xusay qaar kuwan ka mid ah oo ku jira qaybta xuquuqul insaanka, halkaasi oo aan u maleynayo in aniga iyo Kiki-ba aan ku faraxsannahay horumarka laga gaarey Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Naafada, Hindise-Sharciyeedka Garsoorka Carruurta. Iyo in hindise-sharciyeedyadan dhammaantooda ay u baahan yihiin in lagu xiriiriyo waajibaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya. Dabcan, ugu dambeyntii sharciga wuxuu keliya cadaalad yahay oo uu waxtar leeyahay haddii la fuliyo.

Sidaa daraaddeed, weli halkaasi ma gaarin. Laakiinse waxaan u maleynayaa marka la eego horumarka la gaarey, waxaan u maleynayaa in aan hayno tusaalooyinka halka aan horumar ka sameynay. Waxaad si gaar ah uga hadashay xuquuqul Insaanka iyo suxufuyiinta. Mid ka mid ah sababaha aanan tani si faahfaahsan uguga hadlin hadalkeyga waa in aan soosaari doonno warbixin mowduucan ku saabsan. Si aan caadi ahayn ayaa loo faahfaahiyay. Aniga nafteyda si faahfaahsan ayaan u dulmaray, sababta oo ah erey kasta waa muhiim, sida aan waxyaabaha u farsameyno oo kale, si aan waxyaabaha u daawanno oo kale, talo soojeedinteenna. Waxay aqoonsaneysaa xoogaa horumar ah oo laga gaaray, laakiinse waxay sidoo kale aqoonsaneysaa in ay wax badan ka dhiman yihiin xorriyadda hadalka ee suxufiyiinta. Waannu ka hadalnaa. Mararka qaarkood si hoose oo qarsoodi  ah ayaan uga hadalnaa, sababta oo aad ayay wax-ku-ool u tahay waxaanna jira waxyaabo si la wada arko aan u sameyno. Laakiinse waxaan kuu xaqiijinayaa, in arrintan ay ajandaheenna ugu jirto meel aad u sarreysa.

Ugu dambeyn, hadaan dib ugu noqdo Laascaanood iyo isla-xisaabtanka. Waad saxan tahay, arrimahaasi hadalkeygii furitaanka shirka kuma aanan xusan, laakiinse taa macnaheeda ma ahan in aysan muhiim ahayn. Waan kugu waafaqsanahay macnaha guud ee ku hoos duugan su'aashaada, taas oo ah markuu dagaal dhaco, markii ay labada dhinacba ay xadgudubyo geystaan, in ay tahay qayb aad muhiim u ah waa in horey loo sii socdo iyo in lala tacaamulo waxyaabaha kale ee horseedaya colaadda oo ah in dadku ay dareemaan in loo baahan yahay cadaalad-darrada in la iskala xisaabtamo.

Taasina waa wax aad ugu adag ajandaheenna iyo dhammaan dhexdhexaadayaasha kala duwan ee ka qaybqaatay in xal nabadeed oo waara laga gaaro Laascaanood. Sababta aan u sheegay is-dhaafsiga maxaabiista waxay tahay in colaado badan taasi ay badanaa tahay tallaabada koowaad ee lagu dhisayo kalsoonida, sidaa daraadeed, waxay abuureysaa aasaaska in ay isla-xisaabtan timaado. Haddaba, waxaa jira xoogaa isku-xigxigid ah, laakiinse isla-xisaabtanka, waa sax oo waa muhiim. Aan Kiki ku wareejiyo su'aasha labaad.

ANITA KIKI GBEHO: Mahadsanid. Waxaan bixin karnaa liiska dhammeystiran ee qaar ka mid ah khilaafaadka aannu xallinay. Tusaale ahaan, dhulal la isku-haysto ka dhashey in dad lagu amro in ay dhulkooda ka guuraan taas oo keentay in ay u tagaan ADR [xarumaha xallinta khilaafaadka] si ay u helaan xal kale. Iyo sidoo kale, khilaafaadka shakhsiyeed. Waxa maskadeyda isla-markiiba ku soo dhacaya waa kiis u dhaxeeyay haweenay iyo ninkeeda. ADR ayaa gacan ka geysatay xalinta khilaafkooda, laakiinse waxaa jira tusaalooyin kale oo dheeraad ah oo ah kiisas ay ADR gacan ka geysteen xallintooda – marka way jiraan.

Dhanka warbixinnada marka la eego, waxaan soosaarnaa warbixinno guud. Xitaa hadda, waxaan u maleynayaa Ergayga Gaarka ah in ay dhowaan ansaxisay nuqul qabyo ah oo ay Dowladda hadda hayso. Waxaan mar kasta faafinaa qaybo-qoraallada si dib-u-eegis loogu sameeyo. Haddii ay jiraan wax faallooyin ah, waxaan tixgelinnaa faallooyinkaasi, waanna soo daabacnaa. Intaas in ka badan ma sameyn karnaa? Dabcan, mar kasta waan awoodnaa. Laakiinse waxaan u maleynayaa marka loo yimaado korjoogteynta iyo ka hadalka, markay fursado soo baxaan, waxaan iskudaynaa in aan ka hadalno, waxaanna ku farxi lahayn in aan ka sii shaqeyno sidii aan u xoojin lahayn taageeradeenna iyo u-doodisteenna. Mahadsanid.

Wariye: Su'aasheyda waxay ku saabsan tahay Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland – waxay sameysteen muddo kordhin (muddo xilleedkooda) mana jiro heshiis arrintan laga gaarey. Maxay noqon doontaa tallaabadaada aad arrintan u qaadeysaan?

CATRIONA LAING: Waxaan u maleynayaa arrintan la halmaasha muddo kordhinta, in ay Kiki horey uga jawaabtey su'aal ku saabsan. Waxay ila tahay marka dambe, in ay adag tahay afgarad iyo heshiis buuxa in arrintan laga gaaro sababta oo ah waqti kasta isbeddel ayaa la sameeyaa, waxaa jira guuleystayaal waxaanna jira guuldareystayaal.

Laakiinse annaga waxaa muhiim inoo ah in aan fududeyno wadahadal loo dhan yahay, wadahadal dhammeystiran, iyo in dadka Soomaaliya ay ku waafaqaan Dowladooda waxa uu noqon doono geeddi-socodka, iyo in aan annagana geedi-socodkaas raacno si loo suurageliyo doorashooyinka markay dhacaan in ay noqdaan kuwo si buuxda dadka loogu metelayo. Sidaa daraaddeed, go'aanka ma ahan mid QM uu u yaallo, laakiinse waxaa nalaga doonayaa in aan aqoonsano markay jiraan xiisado iyo khilaafaad, iyo in aan doorka xafiisyadeenna wanaagsan u adeegsanno in aan iskudayno oo aan raadinno, ugu yaraan, in uu jiro heshiis wada oggol ah, xitaa haddii qof walba uusan si buuxda ugu farxin, sababta oo ah dadka marnaba si buuxda uguma farxaan markuu isbeddel dhaco. Sida aan sheegayba, waxaa jira qaar ka mid ah dadka oo ka faa'iida iyo kuwa ku khasaara.

Mahadsanid.

***

Ka daawo shirka jaraa'id halkan.