Qorshaha ka-falcelinta arimaha bani’aadamnimada Soomaaliya ee 2020 ayaa ubaahan 1 bilyan oo doollar si loo caawiyo 3 Malyan oo qof

22 Jan 2020

Qorshaha ka-falcelinta arimaha bani’aadamnimada Soomaaliya ee 2020 ayaa ubaahan 1 bilyan oo doollar si loo caawiyo 3 Malyan oo qof

Muqdisho - DF Somalia iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa bilaabay qorshe ay ku dalbanayaan 1 bilyan oo doollar si ay gargaar aadminimo u gaarsiiyaan seddax milyan oo qof, sanadkan.

"Marka aan bilaabayno qorshahaan, waa in aannu ka baaraan-degnaa xasaradda bani’aadamnimo ee Somalia la silicsan tahay. Laba bilood uun kahor, in ka badan nus milyan qof ayaa waxaa saameeyay daadad hafiyey dhul ballaaran oo dalka ka tirsan, iyadoo ay in badan oo dadkaa ka mid ihi guryihii ku noqdeen, qaar badan baa ku dhibban inay noloshooda dib u dhisaan," ayuu yiri Isu duwaha Howlaha Aadminimo ee QM, Adam Abdelnoula, oo ka hadlayey munaasabaddii qorshahan looga dhawaaqay oo lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa sidoo kale madashan oo lagu dalbaday 1.03 bilyan oo dollar, ka soo qeyb galay Wasiirka Aadminimada iyo Maaraynta Musiibooyinka DF Somalia, Xamsa Saciid Xamsa.

"Qorshahani wuxuu muujinayaa sida ay DF uga go'an tahay la shaqaynta Xafiiska Xiriirinta Howlaha Aadminimo ee QM (OCHA) iyo Beesha Caalamka," ayuu yiri Wasiirka oo sidoo kale sheegay in xasaradda ay sii hurinayaan dagaalada daba-dheeraaday iyo daadadkii dhacay dhamadkii 2019-kii.

Roobabkii Guga oo soo daahay ayaa horraanba meelo badan dhibaato ku hayey markii ay daadadku imanayeen. Waxaa sidoo kale dalka ka dhacay duullaan Ayax midkii ugu xumaa 25kii sano ee la soo dhaafay, waxaa kale oo jira walaac laga qabo inuu Jiilaalku dheeraado taasoo keenaysa biyo iyo cunto yaraan, iyo wax soo saarka beeraha oo hoos u dhaca.

Mashruucan oo la yiraahdo HRP ayaa dadka siinaya kaalmo naf badbaadin ah oo la gaarsiinaayo 3 milyan oo qof oo ay ku jiraan 1,700,000 oo qof oo ka barakacay khilaafyada maxalliga ah, amaan daro, guryo laga bixiyey, abaaro iyo daadad.

Gargaarka ayaa u qaybsamaya kaalmo cunto oo biishii mar la siinayo 2,100,000 qof; in waxbarashada laga taageero 2,500,000 oo carruur ah; dhaaminta biyo nadiif ah oo la siinayo dad ka badan 1,200,000, iyo waxyaabaha aan raashinka ahayn oo la siinayo 1,2400,000 oo qof.

Waxay sidoo kale wax ka qabanaynaa shaacinta rabshadaha ku saleysan jinsiga.

Soo kabashada iyo adkaysiga

Warkii uu ka sheegay bilowga yabooha mashruucan, Isu duwaha Howlaha Aadminimo ee QM ayaa tusmeeyay, in marka HRP la dhaqan gelinayo ay dhinacyadu ka wada shaqaynayaan sidii kaalmada deg degga ah iyo kuwa horumarineed loo waafajin lahaa qorshaha hormarineed ee DF Somalia si looga suuro geliyo soo kabasho iyo adkaysi daba-dheeraada.

"Gargaarrada aadaniga waxay wax ka qabtaan baahiyaha taagan, balse waa inaanu isha ku haynaa caqabaadka hor yaala dhanka horumarinta," ayuu yiri Abdelmoula.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadashay Maareeyaha Dallada NGO-yada Somalia, Nasra Ismaaciil, oo hoosta ka xarriiqday baahida loo qabo in lasii xoojiyo wixii Somalia u qabsoomay sanadihii tegey.

"10-kii sano ee ugu dambeeyay, waxaa horumar wayn laga sameeyay hannaanka bani’aadamnimo ee Somalia oo wajahayey abaaro, macluul, daadad iyo barakac ay sababeen khilaafyada iyo dagaalo wadanka hareeyay. Laba arrimood ayaa hubaal ah: haddii aanu jireen hannaan bani’aadamnimo oo diyaarsan oo ay ka shaqaynayaan jaaliyaal kala duwan sida QM, NGO-yada iyo DF, xaaladda dadka Soomaaliyeed intan waa kasii liidan lahayd, marka waa in aynu ku dadaalnaa in aannu ilaalinno horumarradii la sameeynayey tan iyo 2015-kii," ayay tiri Nasra.

Soo kabashada mustaqbalka dheer

Sanadkan, Qarashka guud ee loo baahanyahay ayaa kor u qacday 11% - ama 120 malyan oo doolar – asal waxay ahayd lacagta loo baahanyahay $1.12 bilyan oo doolar – halka ay hadda tahay $1.03 bilyan oo doolar.

Xilligan, tirada guud ee dadka baahida qaba waxay korodhay19 boqolkiiba - ama hal milyan oo qof - iyagoo ahaa 4,200,00, 2019-kii balse haatan gaartay 5,200,000, 2020.

Wadarta dadkii bartilmaameedka ahaa boqolkiiba laba iyo toban (12%) ayey hoos ugu dheceen - qaar ayaa hoos uga soo dhacay 400,000 - 2019 kiina 3,400,000 waxa ay hoos ugu dhacday 3000,000. Tirada dambe waxa ay u dhigantaa boqolkiiba konton iyo sideed (58%) ee dadka u baahan gargaarka bili’aadannimo. Qorshaha HRP waxa uu ku saleysan yahay baahida gaargaarka bili’aadannimo ee bashii Diseembar 2019 waana la bedeli doona haddii wax ka badal lagu sameeyo wixii loogu talagalay.