Ra'iisal Wasaarihii hore Farmaajo ayaa loo doortay Madaxweynaha Dowlada Federaalka kadib markii Madaxweynaha hadda talada hayo laga adkaaday.

Ra,iisal Wasaarihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa manta loo doortay madaxweynaha jamhuuriyda federaalka Soomaliya. Sawirka QM.

8 Feb 2017

Ra'iisal Wasaarihii hore Farmaajo ayaa loo doortay Madaxweynaha Dowlada Federaalka kadib markii Madaxweynaha hadda talada hayo laga adkaaday.

Ra,iisal Wasaarihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa manta loo doortay madaxweynaha jamhuuriyda federaalka Soomaliya kadib markii uu ka adkaaday madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud doorasho aad loogu u adkeyd.

Mudane Farmaajo ayaa lagu dhawaaqay inuu guuleystay kadib markii madaxweyne Maxamuud ogalaaday in laga guuleystay codeyntii wareega labaad inkastoo labadoodaba aysan gaarin ama helin codadkii aqlabiyada ee looga baahnaa guusha madaxweynaha. Mudane Farmaajo ayaa helay 184 halka Madaxweyne Xassan uu helay 97, halka Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Axmed asna helay 46 cod.

Hadal uu jeediyay madaxweynaha xilka kasii degaya ayaa shacabka Soomlaiyeed ugu baaqay iney midooban ayna la shaqeeyan madaxweynaha cusub si dalka u hagaago.

“Waxan ka codsanaa shacabka Soomaliyeed kuwa dalka iyo dibada joogaba iney taageeraan madaxweynaha cusub ayna si dhow ula shaqeeyaan si uu u guto waajibaadkiisa qaran dalkana u hormariyo. Sidoo kale waxan rabaa inaan u hambalyeeyo madaxweynaha cusub waxana u rajeynaa kheyr,” sidaa waxa yiri madaxweynaha xilka kasii dagaya.

Dhanka kale, Mudane Farmaajo ayaa balan qaaday inuu si cadaalad ah ugu shaqeyn doono dalka. Wuxuu ku tilmaamay guushisa mid ka tarjumeysa rabitaanka shacabka isagoo sheegay iney tahay guul taarikhi ah oo u soo hoyatay dalka.

“Tani waa bilowgii midnimada dadka Soomaliyeed. Waxay bilow u tahay Soomliya oo nabdoon xasiloon dal ahaan sidoo kale waxay bilow u tahay dimuqraadiyada Soomaliya iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Waxan balan qaadaa inaan ku xad-gudbin kalsoonidiina,si cadaalad ah ayaan u shaqeynaa dadka taagta darana waan caawinayaa,” ayuu yiri madaxweynaah cusub dhaarintiisa kadib.

Tiro 328 xildhibaan ayaa ka qeyb qaatay codbixinta shalay, sida uu ku dhawaaqay afhaeenka baarlamnak federaalka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Doorashada ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa xubno katirsan beesha caalamka una hogaaminayay wakiilka gaarka ah ee howlgalka midowga Afrika ee Soomaliya Francisco Caetano Madeira iyo wakiilka gaar ee xogayaha guud ee qaramada midoobay ee Soomaliya Michael Keating.

Isagoo ka hadlayay doorashada intii aan lagu dhawaaqin in Mudane Farmajo guuleystay ayuu ergayga gaar ah ee howlgalka midowga afrika Madeira ku tilmaamay doorashadan mid taarikhi ah isagoo tilmaamay muhiimada doorka ay ka ciyaareen howlgalka midowga afrika ee Soomaliya (AMISOM) ee nabadeynta doorashada iyagoo kaashanaya ciidanka Soomaliya.

“Maanta waa maalin weyn sababtoo ah waxan soo gabagabeyna safarkii dheera. Madaxweyne ayaa la dooran doonaa. Ha noqdo midka hadda haya ama mid cusube. Muhiimada waxay weeye in Soomaliya yeelato madaxweyne anagana waan la shaqeyneynaa cid kasta oo la doorto,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Doorashada Farmaajo waxay soo gabagabeyneysaa doorashada Soomaliya ee soo bilaabatay Oktoobar iyadoo lagu bilaabay xubnaha labada aqal.