Wareegi kowaad ee Doorashada cidna kuma gulaysan, Sadex Musharax ayaa u soo gudubtay Wareega labaad

8 Feb 2017

Wareegi kowaad ee Doorashada cidna kuma gulaysan, Sadex Musharax ayaa u soo gudubtay Wareega labaad

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo baxay wareegi kowaad ee codeynta  doorashada madaxweynaha ee Barlamanka Federaalka Somaliyed  maanta. Madaxweyne Xassan ayaan helin Sedex dool laba meel codadkii la dhiibtay si uu ugu gulaysto. Arintaa ayaa khasabtay in la aado wareega labaad ee doorashada waxaana ku tartamay afartii murashax ee ugu codadka badnaa wareegii kowaad.

Siduu ugu dhawaqay natiijada afhayeenka aqalka hoose, Maxamed Cusmaan Jawari Madaxweyne Xassan Sheekh wuxuu helay 88 cod, waxaa ku xigay ra,iisul Wasaarihi hore Maxamed  Cabdullahi  Farmajo kasoo helay 72 cod.

 Madaxweynihi hore ee Federalka Sheikh Sharif Sheikh Ahmed wuxuu galay kalinta sedexaad isagoo helay 49 cod.

Ra,iisul Wasaaraha hadda talada haya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa galay kalinta afaraad isagoo helay 37 cod ka dibana isaga baxay wareega labaad ee codayta .

Guud ahaan xubnaha ka qayb qaatay codeynta wareega kowaad waxay ahayeen 328 xildhiban codeynta ayaana ku dhaaatay 90 daqiiqo.

24 musharax ayaa  iska diwaan galiyay dorashada madaxwaynimada lakin sedex ayaa isaga baxday intii aan la bilaabin doorashada.

Dorashada waxaa laguu qabtay hool weyn ay leyihiin ciidamada cirka Soomaliyed kuna yala xerada Afisiyooni ayadoo amanka aad loo adkeyay.

Sedex dool laba meel codadka wareega labaad ayaa loo bahanyahay in lagu gulaysto dorashada madaxweynimada. Hadii mid ka mid ah sedexda musharax uu heli wayo tiradas, wareeg sedexad oo ah kan ugu dambeyo ayaa la qaban donaa  kasoo u dhaxeyo labada musharax ee ugu cadka badan wareegii labaad.

Doorashada ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa xubno katirsan beesha caalamka una hogaaminayay wakiilka gaarka ah ee howlgalka midowga Afrika ee Soomaliya Francisco Caetano Madeira iyo wakiilka gaar ee xogayaha guud ee qaramada midoobay ee Soomaliya Michael Keating.