Saaxbiada Caalamiga Ee Soomaaliya Ayaa Soo Dhaweeyey Go’aanka Dowladda Federaalka Ee Ku Saabsan Nooca Doorasho Ee 2016

28 Jan 2016

Saaxbiada Caalamiga Ee Soomaaliya Ayaa Soo Dhaweeyey Go’aanka Dowladda Federaalka Ee Ku Saabsan Nooca Doorasho Ee 2016

Saaxibada caalamiga ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan go’aanka ay qaadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan nooca doorasho ee loogu talo galay in geeddi socodka doorashada lagu qabto dhamaadka sanadkan. Qaraamada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya(AMISOM) IGAD, Midowga Yurub, Itoobiya, Faraansiiska,Talyaaniga, Qatar, Sweden,Turkey iyo Boqortooyada Ingiriiska iyo mareykanka dhamaan waxay muujinayaan taageeradooda tallaabadan muhiimka ah. 

Saaxibada caalamiga waxay soo dhawqeynayaan go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee ay shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya 27 Janaayo.Saaxibada caalamiga waxay ku boogadinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay raadineyso is-afgarad ku saabsan nooca doorasho ee 2016. Saaxibada caalamiga waxay sidoo kale boogaadinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ee maamulada jira iyo kuwa soo socdo dadaalkooda adag ee ay sameeyeen, kaa oo socday dhowr bilood si loo gaaro tanaasul.

Waxay xuseen ayna ballanqaadeen in ay taageeri doonaan tallaabooyinka xiga ee siyaasadeed iyo kuwa la taaban karo ee loo baahan yahay si loo xaqiijiyo hirgelinta go’aanka iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in lagu sameeyo horumar dhanka tayada wanaagsan ee geeddi socodka doorashada iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee mustaqbalka 

Go’aankai maanta ee nooca doorasho waxay calaamad u tahay guul weyn oo la gaaray, waxa kale oo ay muujineysaa, mar labaad, ka go’naanshaha hoggaamiyeyaasha Soomaalida si ay u xushmeeyaan muddo xileedka cayiman ee dastuuriga ah ee sharci dejinta iyo fulinta iyo qabashada geeddi socod doorasho 2016. Saaxibada caalamiga ah waxay sidoo kale soo dhaweynayaan in nooca doorasho ee ay dowladda Federaalka go’aamisay oo waafaqsan mabaadii’da ku cad Baaqi Muqdisho ee 16 Disembar. 

Saaxibada caalamiga ee Soomaaliya waxay hoggaamiyaasha siyaasadda dalka iyo hay’adaha sida baarlamaanka ay si dhow ugu wada shaqeeyaan oo wax ku ool ah oo qoto dheer waxyaabaha lo baahan yahay si loo hirgeliyo nooca doorasho iyo sidoo kale qorshe hawleed siyaasadeed ee inta u dhexeysa 2016 iyo 2020, si waafaqsan Baaqi Muqdisho. Saaxibada caalamiga waxay carrabka ku adkeeyeen in geeddi socodka doorashada 2016 ay mataleyso tallaabo muhiim ah oo loo qaaday doorasho hal qof hal cod marka la gaaro 2020. 

Saaxibada caalamiga ah waxay xuseen in go’aanka nooca doorasho uu sidoo kale yahay guul weyn oo ay Dadka Soomaaliyeed gaareen,kuwaa oo ka qaybgalay geeddi socodka wadatashiga qaran si farxad iyo go’aan leh si loo helo mustaqbal siyaasadeed oo la wadaago. Dadka Soomaaliyeed waxay rajeynayaan ayna mudan yihiin hirgelinta geeddi socod doorasho waqti leh, loo dhanyahay, daahfuran sanadkan. Waqti Soomaaliya iyo gobolka ay ku jiraan weerar lagu hayo, saaxibada caalamiga waxay xoogga saaraan in horumarka siyaasadeed la sii wado ay tahay lagama maarmaan si loo xaqiijiyo amni waara, dadaallada xasilinta iyo horumarka dhaqaale guud ahaan gobollada Soomaaliya. 

Saaxibada caalamiga ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay ka taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada jira iyo kuwa soo socdo hirgelinta geeddi socodka doorashada dhamaadka sanadkan. Waxay ku celiyeen ballanqaadoodka adag ee ay siinayaan geeddi socodka dhismaha nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya iyo la shaqeynta dhamaan daneyeyaasha si loo gaaro yoolkan.