Waxbarashada iyo nabadda: Aaladaha aan la kala qaadin ee lagu gaaro mustaqbal lawada leeyahay

5 Sep 2017

Waxbarashada iyo nabadda: Aaladaha aan la kala qaadin ee lagu gaaro mustaqbal lawada leeyahay

Cabdirisaaq Maxamed Aadan waxaa uu aad u fahamsanyahay saamaynta colaad daba-dheeraata ay ku yeelaneyso bulshada.

Cabdirisaaq waxaa uu ka mid ahaa dadka Soomaaliyeed ee waddanka ka qaxay markii uu dalka ka qaxay dagaalkii sokeeye ee soo afjaray xukunkii dheeraaday ee Madaxweyne Siyaad Barre. Waxaa uu Mareykanka ku galay qaxootinimo asaga oo raadsanaya nabad iyo xasillooni oo uu ka heli waayey Soomaaliya.

Inkasto uu dalka uga qaxay si uu naftiisa u badbaadiyo, haddana waligii ma uusan ilaawin dhibaatooyinka ka jiray waddankiisa hooyo, waxaa uuna xidhiidh durugsan la lahaa dadkii uu dalka uga tagay.

25 sano kaddib Cabdirisaaq waxaa uu ku soo laabtay Soomaaliya, asaga oo ciyaaraya dowrka nabad-dhisidda, waxa uuna ardayda Jaamacadda Ummadda, oo ah jaamacad dowladeed, baraa ka hortagga colaadda. Waxaa uu sidoo kale madax ka yahay hay’ad dhallinyarada ka caawisa in ay helaan waxbarasho, kana ilaalisa in kooxaha xagjirka ah ay khaldaan ama ay ka faa’iideystaan.

“Waxaa loo baahan yahay in aad adiga isbeddesho si aad dad kale u beddesho. Marba waxaa aan isbeddel ku sameeyaa nolosha hal qof,” ayuu ka yiri dowrkiisa nabad-dhisidda.

Cabdirisaaq waxaa uu weli xusuustaa sanadihii mugdiga ahaa ee sagaashameeyadii, mana uu doonayo in abid ay soo laabato wakhtigaas oo kale.

“Marnaba ma rabo in Soomaaliya ay ku laabato waayadii dagaalladii sokeeye. Waa in aan dhammaanteenna ka hortagnaa in aayan taasi dhicin wax kasta oo ay nagu qaadato,” ayuu ku daray.

Taasi waxaa ay qayb ka tahay sababta uu u doortay in uu u noqdo qof ka shaqeeya nabadda oo uuna shahaado heer jaamacadeed ah oo ku saabsan xallinta khilaafaadka uu Mareykanka ka qaato si uu isku diyaariyo howsha culus ee hortiisa taalla. Dadaal dheer kaddib waxaa uu ugu dambayntii qaatay shahaado doctorate ah, taasi oo ka dhigtay aqoonyahan sumcad ku leh daraasaadka colaadda Soomaalida.

“Labo sano ka hor waxaa aan go’aansaday in aan dago oo aan dib u dhiso waddankeyga anigoo u maraya waxbarashada. Waxaa aan aaminsannahay in waxbarashadu ay tahay asaaska lagu horumariyo dalka,” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Waxa uu ka tagay shaqo wanaagsan asaga oo ahaa macallin afka iyo dhaqanka Soomaaliga ka dhiga Jaamacadda Harvard iyo sidoo kale hay’adda aan dowliga ahayn ee Global Peace, taas oo uu gacan ka geystay aasaaskeeda, si buuxdana xoog u saaray in ay ka shaqeeyaan dhisidda nabadda ee Soomaaliya.

Cabdirisaaq waxa uu hadda jaaamacadda ummadda ka dhigaa nabadda caalamka oo ah maaddo uu baaritaan qoto dheer ka sameeyay qaybna ka ahaa qoraalka uu ka diyaariyay jaamacadda.

Sidoo kale waxa uu aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa la wadaagaa dhallinyarada, haweenka iyo odayaasha ee goobaha ay dadka ku kulmaan, suuqyada lagu dukaameysto, masaajidda, dugsiyada iyo goobaha shirarka.

“Sidoo kale waxa aan wargeysyada ku qoraa maqaallo waxaanna helaa marti-qaadyo in aan hadal ku saabsan dhisidda nabadda ka jeediyo siminaarrada. Howshaan aad bay muhim iigu tahay,” Cabdirisaaq ayaa sidaa yiri.

Dadaalkiisa dartii, in ka badan 1,000 arday ayaa u hirgashay in ay iska diiwaan galiyaan jaamacadda si ay u sii wadaan xirfadaha ay jecelyihiin, midaas oo ah horumar naadir ka ah waddan weli aan si buuxda uga soo kabsanin in ka badan labaatan sano oo dagaal sokeeye ah.

“Intaa waxaa sii dheer, labadii sano ee ugu dambeysay waxaa aan abuuray jawi si furan looga wada-hadlo arrimaha ku saabsan nabadda ee ay bulshada Soomaaliyeed baadi-goobayaan,” ayuu ku daray Cabdirisaaq.

Macallinkan jaamacadeed kaliya ma uusan kasban in uu hormuud u noqdo ol’oleynta xuquuqda dhallinyarada, laakiin sidoo kale waxa uu ahaa mid kaalin weyn ka qaata isku keenidda odayaal diimeed iyo odayaasha qabaa’illada si looga wada-hadlo nabadda wadanka.

Maadaama uu madaxweyne cusub la wareegay xilka, macallinka waxa uu rajo weyn ka qabaa in waddanka uu u jiheysan yahay dhanka nabada iyo xasiloonida.

“Soomaaliya way isbeddeli doontaa. Waxaa meel kasta iiga muuqda ifafaalihii nabadda,” ayuu ku nuux-nuuxsaday, waxa uuna tilmaamay in sida wanaagsan ee caalamka looga soo dhaweeyay dowladdan cusub ay rajo gelineyso.

Waa maxay farriinta uu u diraayo walaalihiisa Soomaaliyeed, xilli uu caalamka isku diyaarinayo dabaaldegga Maalinta Nabadda Adduunka 21 bisha Sebtembar?

“Nabadda ma ahan arrin hal maalin oo qura laga shaqeeyo, waa in aad ka qeyb-qaadataa si joogta ah adiga oo wax-qabad la imaanaya,” ayuu yiri Cabdirisaaq.