UNSOM oo booliska Koonfur Galbeed u qabaneyso tababar ka dhan ah dembiyada galmada iyo gabood falka dumarka

22 Aug 2017

UNSOM oo booliska Koonfur Galbeed u qabaneyso tababar ka dhan ah dembiyada galmada iyo gabood falka dumarka

Baidhabo – Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa tababar socon doono muddo seddax maalmood ee ku aaddan dembiyada galmada iyo gabood falka ka dhan ah haweenka u qabaneysa saraakiisha booliska si dhibaatadan laga joojiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Siminaarkani oo qabaqaabintiisa lala kaashaday Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa laga gol leeyahay in looga wacyigeliyo saraakiisha amniga khatarta ay leedahay dembiyada galmada iyo gabood falka ka dhan ah dumarka (SGBV) iyo dembiyada galmada ee la xiriira colaadaha.

54-ta askari ee ka qayb galaya siminaarka ayaa sidoo kale la siin doonaa tababar ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo sida loo ilaaliyo xuquuqda dadka nugul.

Nadiifo Carmey Cabdullaahi oo ah Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa carrabka ku adkeysay in ciidamada booliska ay tababarka ka faa’idi doonaan xirfado muhiim ah oo ay u adeegsan doonaan la tacaalidda caqabadaha la xiriira amniga, iyaga oo sidoo kale dhowraya xuquuqda dadka shacabka.

“Tababarka waxaa diiradda lagu saaraya xuquuqda aadanaha iyo sida ciidamada dhowrista sharciga ay ula dhaqmi lahaayeen dhibbanayaasha, ha noqdaan gabdhaha loo geystay dembiyada galmada ama carruurta darbi-jiifka ah,” ayay tiri Wasiiradda.

Charles Muwunga Mwebe, oo ah Madaxa Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee UNSOM ee magalaada Baydhabo, ayaa waxaa uu sheegay in siminaarka ujeedkiisa uu yahay sidii loo xoojin lahaa awoodda ciidanka booliska ee maamulka Koonfur-galbeed ay u leeyihiin xakameynta dambiyada, ayaga oo isla markaana dhowraayo xuquuqda gaarka ah ee shakhsiga.

“Booliska waxaa saran mas’uuliyad ah in ay horumariyaan ayna difaacaan xuquuqda aadanaha, balse marki laga hadlaayo arimaha haweenka, waxaan isleennahay waxaa saaraan mas’uuliyad in ay ilaaliyaan haweenka meel kasta oo ay joogaan,” ayuu yiri mudane Mwebe.

Aadan Musdhaf Aadan, oo asna ka qeyb galay siminaarka, ayaa ku raacay Nadiifo hadalkeeda, asagoo sheegay in siminaarka u qeyb ka qaadanaayo xoojinta adeegga booliska ee gobolka.

“Waxaan faa’idnay casharro muhiim ah oo ay ka mid yihiin sida ay booliska u ilaalin lahaayeen xuquuqda dadka shacabka ah marka ay la dagaalamayaan dambiilayaasha, iyo sidii qofka loo soo qaban lahaa loona keeni lahaa maxkamad asaga oo xuquuqdiisa meel looga dhicin. Waxaa kale oo aan barannay sida qofka laga shakiyo loo keeni lahaa saldhigga booliska ayada oo aan lagu xadgudbin,” ayuu yiri Aadan.

Soomaaliya waxa ay ku dadaaleysaa dhisidda ciidan boolis ah oo awood u leh dhowrista sharciga iyo kala dambeynta heer federal iyo heer maamul goboleedba. UNSOM waxaa ay ka mid tahay bah wadaagta ugu muhiimsan ee Soomaaliya gacan ka siiso dhisidda ciidaan amni oo tayeysan.