Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo soo dhaweeyey aqbalaadda Jubbaland ee hannaanka doorashada 2016

4 Feb 2016

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo soo dhaweeyey aqbalaadda Jubbaland ee hannaanka doorashada 2016

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey  (Q.M) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhaweeyey aqbalaadda hoggaanka Jubbaland ee hannaanka doorashada 2016-ka ee ay soo jeedisey Dowladda Soomaaliya.

Wakiillada Jubbaland ayaa walaac ka muujiyey hannaanka doorashada, gaar ahaan rabitaankooda la xiriira in laga gudbo awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 ku saleysan, laakiin waxay sheegeen in si loo gaaro midnimo iyo horumar ay ogolaadeen hannaanka ay dowladdu soo jeedisey.

“Dadka Jubbaland way muujiyeen dareenkooda, laakiin ma rabno in aan Soomaalida niyad jabinno islamarkaana aan ku lug yeelanno muran dadkeenna dib ugu celin kara dagaal sokeeye. Waxaan rabnaa waa in Soomaali midowdo oo qura”, ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”. 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalkan ka jeediyey kulan uu ka qaybgalay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (Q.M) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, kaas oo hoggaamiyey wafuud ka kala socotay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Itoobiya, Talyaaniga iyo Sweden oo Kismaayo u tagey si ay u soo dersaan aragtida dadka ee ku aadden go’aanka Dowladda Federaalka ah ee la xiriira hannaanka doorashada 2016.

“Wabxaa is beddeley, Soomaalidu mustaqbalkooda siyaasadeed gacmahooda ayey ku fushanayaan, tanina waa arrin lugu farxo”, ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Waftigu waxay kaloo la kulmeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo baarlamaan goboleedka Jubbaland, sida guddoomiyaha baarlamaanka, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah, ururrada haweenka, oday dhaqameedka iyo ganacsatada deegaanka.

Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa ka dhawaajiyey cabashadooda, waxayna Q.M. iyo beesha caalamka ku boorriyeen in ay gacan ka geystaan sidii dalka loogu jeexi lahaa qiddad siyaasadeed oo tusmooyin cadcad wadata, si loo hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sannadka 2020-ka.

Wakiil Keating ayaa carrabka ku adkeeyey baayaha  Q.M. ee ah in la isla ogolaado hannaan dhabbaha u xaari kara qabsoomidda doorashooyinka lugu ballansan yahay sannadka dabayaaqadiisa. Wuxuuna intaas ku daray in wadatashiyadu muhiim u yihiin xakameynta xasaradaha iyo ka hortagga ammaandarrida dalka ka oogmi karta. Wuxuu kaloo hoosta ka xarriiqay in beesha caalamku aysan wadan hannaan u gaar ah, balse si ka duwan sidii horay u dhici jirtey, Soomaalida loo gacan bannaaneeyey in ay aayaheeda go’aan ka gaarto.

Q.M. ayuu sheegay in ay ka go’an tahay taageeridda geeddi-socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.