Sarkaal-sare oo QM ka socotay oo booqatay Somalia, arrimo muhim ahna kala hadashay DF iyo bulshada rayidka

Sarkaal Sare Oo Qm Ka Socda Oo Booqday Somalia, Arrimo Muhim Ahna Kala Hadlay Df Iyo Bulshada Rayidka

UN’s top political official visits Somalia, discusses priority issues with Government and civil society

31 Jan 2019

Sarkaal-sare oo QM ka socotay oo booqatay Somalia, arrimo muhim ahna kala hadashay DF iyo bulshada rayidka

Muqdisho – Sarkaal sare oo QM ka socda ayaa booqasho laba maalmood qaadatay wuxuu ku yimid Somalia halkaasoo uu wada xaajood kula yeeshay DF Somalia (FGS) iyo wakiillada haweenka ee bulshada rayidka ah ee dalka.

Rosemary DiCarlo, oo ah ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Siyaasadda iyo Nabad Dhisidda, ayaa la kulantay MW Mohamed Abdullahi Mohamed ‘Farmaajo’, iyo RW Hassan Ali Khaire, iyo koox ka tirsan Golaha Wasiirrada DF. Wada hadalka ay la yeelatay Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha waxaa diiradda lagu saaray arrimaha waaqiciga ah ee ay si dhow uga wada shaqayn karaan DF iyo QM si loogu faa’iideeyo shacabka Soomaaliyeed lana taageero dowlad dhisidda dalka iyo muhiimadaha nabad dhalinta.

“Waxaa naga go’an taageerada nabadda, xasilloonida iyo baraaraha shacabka Somalia. Waxaannu halkan u nimi in aannu Somalia ka caawinno inay guulaysato,” ayay tiri Ms. DiCarlo kaddib kulamadii ay Muqdisho ku yeelatay Arbacadii.

Sarkaaladda sare ee QM ayaa soo dhoweeysey ajendaha isbeddeldoonka ah ee DF Somalia, isagoo muujiyey taageero adag oo ay QM siinayso yoolalkii horay loo dhigay ee dhabbe-howleedka dowladda ee dhanka siyaasadda, amaanka, cadaaladda, soo kabashada dhaqaale iyo horumarinta bulshada.

“Somalia waxay samaysay horumar wayn, waloow ay caqabado jiraan, waxaa jira rabitaan siyaasadeed oo adag oo ku saabsan in mustaqbal deggan loo dhiso dadka Soomaaliyeed. Caqabado badan ayaa weli harsan balse waxaa I dhiirri geliyey sida ay taasi uga go’an tahay dadkii aan Muqdisho kula kulmay oo idil si wax looga qabto arrimahaas, iyo dedaalka DF Somalia ee in muhiimad la siiyo xukun wanaagga, xuquuqda aadmiga, iyo dhamaystirka Dastuurka. Maadaama loo sii dhowaanayo Doorashada 20202, QM waxay sii wadaysaa taageerada Somalia iyo dadkeeda, si ay hadafkooda u gaaraan”, ayay tiri.

Xog-siintii saxaafadda, waxay Ms. DiCarlo, iyo Raysal Wasaaruhu sheegeen in DF Somalia ay ogolaatay inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay QM si loo hirgeliyo ajende ay Soomaaliyi leedahay.

“Waxaannu soo dhowaynaynaa taageerada QM si ay Somalia awood ugu yeelato inay gaarto yoolalkeeda qaran ee horumarineed. Waxaannu qiimaynaynaa qaaraanka qiimaha leh ee QM ay siinaysey Somalia sanado badan waxaana filaynaa in jaalnimadaasi sii xoogaysato,” ayuu yiri Mr. Khaire, isagoo intaa raaciyey in DF ay si dhow ula shaqaynayso QM si barnaamijyadaa loo hirgeliyo, kuwaasoo keenaya horumarin, la dagaallanka musuqa, galangal waxbarasho, caafimaad iyo amaan.

Intii booqashadeeda lagu jirey, waxay Ms Di Carlo la kulantay wakiillo ka socda haweenka bulshada rayidka ee Somalia, halkaasoo ay hoosta ka xarriiqday muhiimadda bulsho rayid oo madax bannaan, iyadoo ballan qaadday inay taageerada sii waddo si ay haweenku uga qayb qaataan wakiillana ugu yeeshaan geeddi socodyada siyaasadda dalka xilli loo socdo Doorashada 20202.

“Xasilloonida meel kasta oo dunida ka mid ah waxaa inta badan lagu gaaraa marka ay haweenku qayb ka yihiin howlaha bulshada,” ayay tiri Ms. DiCarlo. “Boqolleeyda haweenka ka qayb qaadanaya nolosha siyaasadeed, dunida oo idil, weli waa mid aan lagu qanacsanayn. Waxaannu sidoo kale doonaynaa in aannu Somalia ku taageerno in arrintaa wax laga qabto," ayay carrabka ku adkaysay.