Kelmedihii Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya uu saxaafadda uga jeediyey magaalada Kismaayo

15 Jul 2019

Kelmedihii Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya uu saxaafadda uga jeediyey magaalada Kismaayo

Kismaayo Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan booqday magaalada Kismaayo laakiin waxaan kala imid dareen kala duwan. Waxaan dadka reer Jubaland la wadaagayaa dareenka xun ee khasaaraha ku dhacay ka dib weerarkii argagaxiso ee 12kii Luulyo. Anigoo ku hadlaya magaca bahda QM ee Soomaaliya, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay weerarka, waxaan kuwa dhaawaca ahna u rajeynayaa caafimaad degdeg ah.

Ma jirto sabab siyaasadeed ama fikir oo loogu marmarsiiyoon karo gumaadkan oo kale. Qaramada Midoobay waxay taageeraysaa oo isgarabtaageysaa dadka reer Jubaland iyagoo la tacaalaya musiibadan foosha xun.

Waxaan sidoo kale dadka reer Jubaland la wadaagayaa sida ay uga go’antahay inaysan u ogolaanin falka argagaxiso ee waxashnimada ah inuu ka weeciyo horumarka ay Jubaland ka gaartay dibuheshiisiinta iyo xasilloonida siyaasadeed, iyadoo ah dowlad goboleed federaal ah oo ka mid ah Soomaaliya.

Socdaalkayga maanta ee aan ku tagay magaalada Kismaayo wuxuu ka dhigan yahay booqashadaydii labaad ee aan ku tago Dowlad Goboleed Federaalka Xubin ka ah tan iyo intaan dalka imid dhowr toddobaad ka hor anigoo ah Ergeyga Gaarka ah ee Ergeyga Garka ah ee Xoghayaha Guud. Waxaan Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ iyo maamulkiisa ugu mahadinayaa sida wanaagsan ee ay ii soo dhoweeyeen aniga iyo wafdigayga. Waxaan sidoo kale fursad u helay aan kula kulmo Guddoomiyaha Guddiga Madaxanaan ee Doorashada iyo Xudduudaha ee Jubaland iyo wafdi xildhibaano ah oo ka socda Jubaland. 

Madaxweyne Madoobe iyo aniga waxaan ka wada hadalnay arrimo kala duwan oo ku saabsan amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo maamulka dowladnimo ee Jubaland. Waxaan si furan isuweydaarsanay wadahadal ku saabsan qorsheyaasha Dowlad Goboleedka Federaalka Jubaland ee soo xulidda xubnaha cusub ee baarlamaanka iyo doorashada dadban ee madaxweynaha. Waxaan hoosta ka xariiqay aragtida adag ee saaxiibada beesha caalamka ee ah in doorashadan ay lagama maarmaan tahay inay  ku qabsoonto rabshad la’aan, waqtigeeda, iyo faragelin la’aan, iyo in loo maro hanaan xaq/caddaalad ah oo daahfuran oo si guud ah ay dadkoo dhan u aqbali karaan. Hanaankaas oo kale wuxuu sare u qaadayaa rajada laga qabo nabad, xasillooni, iyo horumar dhaqaale ee ka hanaqaada Jubaland, iyo gobolkaba.

Bahda QM waxay sii wadaysaa shaqada ay ka hayso Jubaland, inkastoo ay jirto xaalad amni oo aan sugnayn. Laba iyo toban hawlgal, hay’ad, sanduuq iyo barnaamij QM ah ayaa taageera dadaallada loogu jiro in wax laga qabto baahiyaha bani’aadanimo ee dadka degaanka, sare loo qaado noloshooda iyagoo loo marayo horumarinta dhaqaalaha, gacana ka laga geysto fududeynta dibuheshiisiinta, xoojinta tayada hay’adaha, sare u qaadidda amniga, iyo sharciga iyo kala dambaynta, iyo xuquuqda aadanaha. In QM ay sii wadayso u heellanaanta hawlaha ay ka hayso Jubaland waxaa tusaale u ah in maanta ay booqashada igu weheliyaan Ku Simaha Wakiilka Ergeyga Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, Takeshi Moriyama, iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadanimada, Justin Brady. Kuwan iyo hay’ado kale ee QM ah waxay hirgeliyaan barnaamijyo badan oo waxtar u leh dadka ku nool Jubaland population.

Md. Madaxweyne, waad ku mahadsantahay mar kale sida diiran ee aad iigu soo dhoweyseen iyo kulankeena wax ku oolka ahaa. Waxaan ku hanweynahay inaan wada shaqayn dhow la yeesho dadka iyo madaxda Jubaland muddada aan hayo xilkayga.

Mahadsanid.